Sign in to follow this  
Dr_Osman

EU Invests 50 Million Euros Into Puntland. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Midowga yurub oo Puntland ugu Deeqay lacag dhan 50 milyen oo Yuro+Sawiro

 

November 4, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster

 

 

Safirka Midowga Yurub ee Somaliya Michele Cervone iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe xarunta Puntland waxaana ka dib soo dhaweyn ay kulamo laqaatay madaxda dowlada Puntland.

 

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xiran ayaa qaatay mudo saacado ah waxaana markii uu soo dhamaaday saxaafada si wada jir ah ula hadlay madaxweynaha Puntland iyo safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub

 

Safiirka oo ku horeeyay hadalka ayaa sheegay in midowga Yurub Soomaaliya uu ugu deeqay 158milyan oo Yuro islaamrkaana Puntland ay ka heshay lacagtaasi 50 Milyen oo yuro taasi oo Puntland loogaga taageerayo Dhinacyada Deegaanka, iyo Howrumarinta Waxbarashada.

 

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in Puntland lacagtaasi ay u adeegsandoonto dhinacyada deegaanka Waxbarashada iyo Amaanka.

 

Waxaa uu sidoo kale madaxweynuhu ku tilmaamay taageeradan lacageed ay Puntland ka heshay midowga yurub ay noqoneyso tii ugu balaarneyd islamarkaana laga faaiideysan doono.

 

Lacagtan Puntland loogu deeqay ayaa qeyb ka ah 158da melyan ee uu midowga yurub ugu deeqay Soomaaliya waana mid loogaga faaiideysanayo ka shaqeynta, Arimaha deegaanka, waxbarashada iyo weliba Amaanka.

 

Sawiro

f-yurub-2.jpg

f-yurub-4.jpg

f-yurub-5.jpg

f-yurub-6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

It's $200m or 158million euros announced, but Puntland will get more than 50m euros out of the 158m euros as it's the biggest part within Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo qonde u heshay in kabadan € 50 Milyan oo qayb ka ah deeqda lacageed ee EU ay soomaaliya siinayso.

 

Garowe(Puntlandi.com):- Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa qonde u heshay in kabadan € 50 Milyan oo qayb ka ah deeqda lacageed ee Midawga Yurub uu siinayo wadanka soomaaliya.

 

Arrintani waxay soo shaac baxday kadib markii manta Madexweynaha dawlada Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole uu xarunta madextooyada ku qaabilay wafdi balaaran oo ka socda Midawga Yurub kaas oo soo bandhigay qondaha puntland kaga soo aadaya dhaqaalaha EU-du ay ugu deeqday wadanka Soomaaliya.

 

Wafdigan oo uu hogaaminayay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliya Michael Cevone ayaa Madexweynaha la qaatay kulan albaabadu u xiran yihiin, waxaase goobjoog ka ahaa madexweyne ku xigeenka dawlada Puntland, xubno ka tirsan golayaasha dawlada Puntland, iyo Saraakiil ka tirsan EU-da, waxaana markii uu soo gabagaboobay saxaafada la hadlay Madexweyne Faroole iyo Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliya Michael Cevone.

 

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliya Michael Cevone oo ugu horay saxaafada la hadlay ayaa muujiyay dareen farxadeed oo ku aadan soo dhawaynta Madexda sare ee puntland qorshihii ay ugu yimaadeen wuxuuna carabaabay in EU-du ay Soomaaliya ugu deeqday dhaqaale dhan € 158 Milyan Puntlandna ay qonde u heshay dhaqaale dhaafsiisan € 50 Milyan.

 

Madexweynaha dawlada Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay dhaqaalaha EU-du ay ugu deeqday guud ahaan wadanka Soomaaliya, iyo qondaha ugu badan ee Puntland laga siiyay dhaqaalahaasi.

 

Madexweynuhu wuxuu tilmaamay in deeqdani ay qayb ka tahay qorshayaasha dhinaca horumarinta ah ee midawga Yurub uu qaybta ka qaadanayo, wuxuuna carabaabay in wax looga qabanayo qaybaha Booliska, Maxkamadaha iyo Garsoorka, Deegaanka iyo maaraynta dhulka daaqsinta ah, Ammaanka, Waxbarashada iyo Barnaamijka Dimoqraadiyaynta puntland.

 

“Aad iyo aad ayaan u soo dhawaynaynaa wafdiga Michael Cevone safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliya, waa markii sadexaad ee Ambassador-ka iyo wafdigi uu hogaaminayo oo ka socda Midawga Yurub halkan ay noogu yimaadaan, imaatinkoodan maantana wuxuu noo leeyahay xiise gaar ah, waxaana halkan lagaga dhawaaqay macaawinadii ugu waynayd oo Midawga yurub uu Soomaaliya siiyo oo ah € 158 Milyan Puntlandna ay tahay qaybta ugu wayn qaybaha soomaaliya oo deeqdan ka faa’idaysanaysa iyadoo meelaha xooga la saarayo ay ka mid tahay Dawlad wanaaga, Taageerida Booliska, Amniga, Tababarka Maxkamadaha iyo Garsoorka, waxaa kaloo ku jira Tacliinta waxaa kaloo Puntland gaar u ah Mashruuca Deegaanka iyo maaraynta dhulka daaqsinta ah, aadna loogu dadaalayo wax soo saarka beeraha iyadoo Puntland loo arkayo in ay tahay meelaha ugu nugul xaga deegaankuna uu dhibaato badan ka haysto, meel bilaa wabi ahna ay tahay, roobabkii da’ayna ay dooxooyin badan ka dhagogeen, biyihii badnaa ee socdayna ay bada ku dareen Nuxunkii Ciida ee dhirtu ay ka bixi lahayd iyo daaqsinkii kaleba” ayuu yuri Madexweynaha dawlada Puntland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

 

Wafdiga Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliya Michael Cevone ayaa kulan la soo qaatay Madexweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya, sidoo kale isla shalayna gaaray Soomaaliland, kulamo caynkan ahna la soo qaatay Madexda maamulka Soomaaliland.

 

www.puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

khalid abuukar maxamed;885964 wrote:
Puntland baa la siinayaa 1/3 wixii dowlada lagu deeqo waa sheko beeraleey kkkkkkkkkkk

You are no Math genius huh?:D $50 million out of $158 million = 31%

It's already begun my brother..

Share this post


Link to post
Share on other sites

ina Adeer gacaliye divide 158 millions with 18 oo marka ah tirada gobolada dalka kedibna ina adeerow multiply with 3 oo markaa ah mudug,bari iyo Nugaal. 3 gobol ayaa 50 millions aan la doonahayaa 10ka gobol kale ee konfuriya na iyaguna 50 bey helahayaan ina adeerow dee wax socon meyso mahee belada ma naga deysid

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this