Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

Dowlada Soomaaliya Oo Waxaan Jirin Ku Tilmaantay Ururka Raaskambooni

Recommended Posts

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan jirin ciidamo urur gaar ah ka tirsan oo ku sugan magaalada Kismaayo isla markaana dhamaaba ciidamada jooga halkaasi ay yihiin kuwo isugu jira AMISOM iyo dowlada oo kaliya.

Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya Gen. C/qaadir Cali Diini oo la hadlayay ciidamo badan oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa wuxuu sheegay in dhamaanba ciidamada ku sugan Kismaayo ay yihiin ciidamada dowlada sidoo kalana masuuliyiinta ay yihiin dowlada.

Wuxuu sheegay inaysan jirin cid ka tirsan urur gaar ah ama ciidamo ka socda urur gaar ah oo xiligaan ku sugan Kismaayo, wuxuuna ugu baaqay warbaahintu inaysan kala saar saarin ciidamada dowlada Soomaaliya.

 

Hadalka Wasiirka ayaa wuxuu imaanayaa xili magaalada Kismaayo haatan ay ku suganyihiin masuuliyiin iyo waliba saraakiil ka tirsan ururka Raaskambooni kuwaasi oo uu hogaamiyo Sheekh Axmed Islaam Sheekh Madoobe.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa laga saaray Al-Shabaab oo ku sugnaa mudo Shan sano ah, waxaana howlgalka Al-Shabaab looga saaray magaaladaasi iska kaashaday ciidamo ka tirsan dowlada AMISOM iyo kuwa Raskambooni.

 

Source: Raxanreeb

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this