Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Mujahid Tarzan Re-Opens Bacadlihii Xamarweyne.

Recommended Posts

Xaflad ballaaran oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobbolka Banaadir oo dib loogu furaayo Bacadlihii hore ee degmada Xamarweyn ayaa maanta lagu qabtay Hotelka City Plaza ee magaalada Muqdisho, ayadoo munasabadaasi sidoo qori tuur loogu sameynayay dadka Ganacsatada ah ee isku soo diiwaan galiyay inay ku gacansadaan Bacadlahaasi.

 

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro ka tirsan Xukuumadii hore iyo madaxda Maamulada degmooyinka Gobbolka Banaadir, waxaana munaasabadaasi ay ahayd mid si rasmi ah maanta xariga looga jarayay Bacadlihii Xamarweyne kaasoo bilihii la soo dhaafay dayactir uu ku waday Maamulka gobbolka Banaadir.

 

Qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa Xamarweyn ayaa ka faa’ideysanaha Bacadlaha ee maanta dib loo furay, waxaana Bacadlaha uu ka koobanyahay 10056 qol, 4-maqaayadood, 24-Musqulood, Bangi iyo saldhiga.

 

20-kii sano ee la soo dhaafay Bacadlaha Xamarweyne ee maanta dib loo furay ma uu san shaqeynaynin sababa la xariira dagaaladii sokeeye oo saameyn ballaaran ku yeeshay.

 

Tarsan1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia’s Banadir State government on Tuesday unveiled plans to renovate one of East Africa’s largest open air markets after two decades of closure.

 

Mohamed Yusuf Osman, Spokesman of Banadir government, told local media in the Somali capital, Mogadishu, that plans to rebuild the Hamarweyne Market were well underway.

 

Mr. Osman further revealed that a lottery for the allotment of some thousands of plots has been postponed until the 25th of this month. He urged applications to bring their documents with them on next Thursday when the lottery will be drawn in City Plaza Hotel. He blamed the delay on technical issues but promised to resolve it.

 

All applications are believed to have deposited undisclosed amount of money in the prime location.

 

The market was constructed by Somalia’s last central government under General Mohamed Siad Barre in 1981 and was one of the largest open air markets in East Africa.

 

Once reopened the market will be able to supply goods to as far as landlocked Burundi and Rwanda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Warkaan xaa ka run ah, Oba?.

 

 

 

Tarsan oo lagu eedeeyay in uu iibsanayo Bacaadlihii Xamar-weyne

 

 

 

Muqdisho: (Sh.M.Network) — Ganacsatadii hore ee Bacaadlaha degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir Max’ud Axmed Nuur Tarsan in uu iibsanayo Bacaadlahaasi.

 

Ganacsatadaani oo sheegtay inay iskalahaayeen Dhismiha Bacaadlaha degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir oo maanta siyaabo kala duwan ula hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen inay ka cabanayaan dhibaatooyin iyo ku tumasho sharci darro ah oo uu wado Guddoomiye Tarsan sida ay hadalka u dhigeen.

 

Ganacsatada ayaa sheegay in Dhismaha Bacaadlaha oo ka kooban (kun iyo Labo boqol oo qol) Guddoomiyaha gobolka Banaadir uu iibinayo, iyagoo tilmaamay in Guddoomiyaha uu ka been abuuray Ganacsatadii hore ee Bacaadlaha, waxaana ay sheegeen in Guddoomiyaha Dhismaha Bacaadlaha qolkiiba uu ka bixinayo 2-kun oo dollar-ka Maraykanka ah, lacagtaasi oo ay tibaaxeen inay ku dhacayso Akoon uu ku leeyahay Bangiga Salaam oo uu si gaar ah u isticmaalayo, ayna ku dhaceynin qasnadda Dowladda Soomaaliya.

 

“Waxaan ahay Guddoomiyihii Bacaadlihii Xamar-weyne ee gubtay 1983-dii, waxaana ka cabanaynaa Guddoomiye Tarsan, waayo aniga ayaa hantideena halkaasi nooga gubatay, walina waan noolnahay, wuu na inkaray, dadkii maalkooda maqnaa oo gubtay oo Xafiis waliba oo ka mid ah Dowladda geeyay warqadooda dacwada ah ayaanu nahay laakiin Tarsan markii uu yimid iyo Maamulka uu isaga Madaxda ka yahay, intaasi oo dhan cagta ayay ku dhufteen, waxay dhaheen waxaasi oo dhan waxba kama jiro, waxay noogu dareen inkirmaad, wixii hore way dhinteen wax nool kama jiro ayuu yiri” sidaasi waxa yiri Guddoomiyihii hore ee Bacaadlaha Axmed Coloow Afrax.

 

Max’ed Socdaal Wardheer oo isna ahaa Guddoomiye ku xiggeenkii Bacadlihii degmada Xamar-weyne oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in aanu aheyn Qabiil iyo dad gaar ah, hase ahaatee ay ka kooban yihiin Soomaali oo dhan islamarkaana Dhismaha ay leeyihiin.

 

Dhismahaani Waa Bacaadlaha Degmada Xamar-weyne

 

“ Annaga qabiil manihi, degmo manihi, shanta Soomaaliya ayaan ka kooban-nahay Woqooyi Galbeed ayaa wax ku leh, Bariyaa wax ku leh, Bay ayaa wax ku leh, Odayaasha meesha ka cararay cadaalad daro ayaa ka cararsiisay, waxaan dowladda ka codsanaynaa in wax laga qabto dhibaatooyinkaasi” sidaasi waxa yiri Max’ed Socdaal Wardheeer oo ah Guddoomiye ku xiggeenkii Bacaadlihii.

 

Sheekh Max’ed Sheekh Axmed oo ka tirsan Culumada Soomaaliyeed kana mid ahaa Ganacsatadii Bacadlaha Xamar-weyne ayaa waxa uu sheegay in ka been abuurashada Tarsan ee Ganacsatadii Bacadaalihii hore shareecada Islaamka aysan qabin.

 

“ Shareecada Islaamka ma qabto in la iska been abuurto, qofka waliba oo Mas’uul ah way saameynaysaa Aduun iyo aaqiro” sidaasi waxa yiri Sheekh Max’ed Sheekh Axmed.

 

Nuurto Gureey Nuur oo iyana ka mid aheyd Ganacsatadii Bacaadlaha ayaa waxa ay sheegtay in Dhismaheeda ay u baahan tahay islamarkaana waxa ay tilmaamtay in wax laga qabto dhibaatooyinka uu wado Guddoomiyaha gobolka Banaadir Max’ud Axmed Nuur Tarsan.

 

Ugu dambeyn Ganacsatadii Bacaadlihii Xamar-weyne ayaa uga digay Ganacsatada Soomaaliyeed in marna aysan ku kadsoomin Bacaadlahaasi oo aysan gadin, maadaama dad Soomaali ah ay leeyihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shabelle is the most Anti Tarzan site, lol that website were defefending occupation of properties..

 

Seriously my family payed 2000 dollars and got a really good spot downstairs

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Apophis;883444 wrote:
I hope the lottery is open to all Somalis and not just a certain group
:D

You hear that, there's a "lottery". kkkkkkkkkk

Share this post


Link to post
Share on other sites

somalia and Apophis , You have to pay 2000 US Dollars deposit to get into the lottery and if you don't win, the money is refunded. My fam is already in the lottery and alhamdulilah they got their boos, downstairs too :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Wait a minute. Who used to own these shops back in the day? Surely they have more of a right to it? Sounds all to fishy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this