Sign in to follow this  
Dr_Osman

New 1.5 KM Paved Road With 4 Bridges And Under-Water Channels Project Begins In Garowe. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Wasiirka arimaha gudaha Puntland oo dhagax dhigay wado cusub oo laami ah Garowe

October 1, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster

 

Wadadan cusub ee laamiga la saarayo furitaankeedii waxaa ka qayb galay wasiirka arimaha gudaha Puntland iyo madaxa mashruuca JPLG ee hormarinta dowladaha hoose ee ay maal galiso qaramada midoobay, duqa degamada iyo gudoomiyaha gobolka nugaal, waxaana lagu sheegay dhererkeeda in kabadan hal kilow mitir isla makaana ay ku baxayso 96kun oo doolar.

 

Duqa degmada Garoowe C,casiis Nuur Cimli ayaa ka warmay mudada uu soo socday qorshaha lagu wadadan laamiga lagu saarayo iyo lacagta ku baxaysa waxaana uu yiri “sanadii 2010 waxaan ku bixinay mashruuc lagu saarayey jay sanadkan 2012 dhamaanba dhaqaalihii aan ka helaynay barnaamijka JPLG waxaan ku bixinay dhismaha laamiga la saarayo, laakiinse howsha laga qabanayaa waa ka badan tahay intaas waxaana bixinaya bulshada degan xaafada wadadan laga dhisayo aniga oo ka wakiil ahna waxaan saxiisay qandaraaska shirkada dismaha samaynaysa waxaana ka rajaynayaa in ay dhakhso lacagtaasi uga soo ururto bulshada waxaana uu xusay in wadan cusub loo samayn doono afar buundo oobiyuhu maraan duqa degmada Garoowe waxaa uu rajo ka muujiyey in mustaqbalka ay macquultahay in ay wadooyinkale laami ka dhigaan.

 

Patric oo ah madax mashuurca jointa program ee lagu hormarinayo dowladaha hoose ee hayadaha qaramada midobay ayaa muhiimad wayn ku tilmamay dhistaanka wadadan waxaaana uu ku aamanay bulshada gacanta ay gaysteen, “ waxaan u malaynayaa in ay fursad wanaagsan u tahay mashruuca JPLG in uu awood u yeesho in ay ka qayb galaan hirgalinta wadadan cusub in aan manta xuso ka qayb galka bulshada rayidka ah sida ay uga qayb qateen qorshaynta dhismaha wadan labo sano ka hor waxaana manta ugu yeerayaa gudoomiyaasha degmooyinka Puntland in ay ka fekeraan hindisaha iyo qorshayaasha lagu hirgaliyo wadooyinkan oo kale mustaqbalka.

 

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha dowladaha hoose iyo hormarinta reer miyiga Puntland Axmed Jaamac Ilko jiir ugu dambayntii madasha ka hadlay ayaa sheegay dhistaanka wadooyinku in ay qayb ka yihiin hormarka dowladu ku tilaabsanayso.

 

Wadadan oo ah tii ugu horeysey ee noocani oo kale ah ee laga hirgaliyo Garoowe waxaa la filayaa in bilici ahaan ka sokow ay suuta galin doonto in ay balaadhaan suuqyada iyo dukaamada ganacsiga, waxaana hubaal ah in wadadan iyo kuwa kale ee la sheegey in la dhisi doono mustaqbalka ay qeyb laxaad leh ka qaadan doonaan camirnaanshaha magaalada garoowe ha yeeshee wadan haatan la dhisayo wax badan kama badly doonto mashquulka wadada wadnaha u ah Gaoowe oo cidhiidhi badn uu ka jiro .

 

Sawiro

 

Wado-garowe-laami-1.jpg

Wado-garowe-laami-2.jpg

Wado-garowe-laami-3.jpg

Wado-garowe-laami-4.jpg

Wado-garowe-laami-5.jpg

Wado-garowe-laami-6.jpg

Wado-garowe-laami-7.jpg

Wado-garowe-laami-8.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Wadooyin laami ah oo laga dhisayo gudaha Garowe

1 Oct 1, 2012 - 8:40:31 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Magaala madaxda Puntland ee Garowe ayaa maanta 01 October,2012 waxa laga bilaabey dhismaha wadadii ugu horeysey oo laami ah taasi oo dhexmarta gudaha magaaalada ,waxana ka soo qaybgalay masuuliyiinta dowladda ,maamulka gobolka Nugaal ,kan degmada Garowe iyo saraakiil ka socotey wakaaladaha kala duwan ee Qaramada Midoobey.

 

Wadada Eng.Khaalid ee bartamaha ku taal ayaa noqotey tan ugu horeysa ee laga bilaabayo shaqada waxana xariga ka jarey wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilkajiir.

 

Duqa degmada Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay iney qorshahan soo billaabeen waqti hore haatana uu marayo meel wanaagsan,isagoona ka sheekeeyay waddooyin jey ah oo ay horay ugu hirgeliyeen magaalada.

 

Cabdi Nuur waxa uu tilmaamey in wadadan uu ku baxeyo dhaqaale gaaraya ilaa $100 ,waxana uu raaciyey in dadweynaha ay ka qayb qaadan doonaan dhismaheeda.

 

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa isna ka codsaday shacabka iyo ganacsatada iney kaalin ka qaataan dhamaystirka waddadan,wuxuuna guddoomiyuhu si' gaar ah farriin ugu diray dadka deegaanka iyo ganacsiga ah ee ku soo jeeda laamiga iminka gacanta lagu hayo shaqadiisa.

 

Waddadan laamiga ah ee maanta laga bilaabay magaalada Garowe ayaa qayb ka ah Mashruuca JPLJ oo lagu horumarinayo Magaalooyinka Puntland ,waxana dhaqaalihiisa bixisa Qaramada Midoobey ,iyadoona horey looga hirgeliyey wadooyinkan oo kale xarunta ganacsiga Puntland ee Bossaso

 

2_6.JPG

qweer.JPG

hadaayay.JPG

bcfjhfjhfjhjf.JPG

duqa.JPG

dkfjkdsjksfdjf.JPG

sawir_4_2.JPG

ilka_jiir.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this