Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Xisbal Islaam faction defects from Alshabaab

Recommended Posts

Ururkii Xisbul Islaam Ee Uu Hogaaminayay Sheekh Xasan Daahir Aweys Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Al-Shabaab Ka Baxeen.

 

Maxamed Macalin oo sheegtay inuu yahay Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam oo wareysi siinayay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay..............

 

Ururkii Xisbul Islaam ee kol hore la midoobey kooxda Shabaab ayaa maanta shaaciyay inay ka goosteen Shabaab oo wixii maanta ka dambeeya aysan la fikir ahayn kooxda Shabaab.Maadaama ay kala Siiyaasad iyo kala Aragti ay yihiin sidaasi Awgeedna ay keentay in ay go,aansadaan in ay isaga baxaan Midnamada Ururkaasi oo ahaa magaca Al-Shabaab..

 

 

Maxamed Macalin oo sheegtay inuu yahay Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam oo wareysi siinayay warbaahinta ayaa sheegay in Shabaab ay isaga baxeen, isagoo xusay in Shabaab aysan isku mabda’a iyo siyaasad ahayn.

 

Afhayeenka Xisbul Islaam waxaa kaloo uu qeexay sababta keentay in xiligaan ay isaga baxaan Al Shabaab oo ay horay ula midoobeen, waxaana uu sheegay inay sababta u tahay qodobadaan hoos ku qoran.

 

1-In la soo Celiyo Midnimada Umada Soomaaliyeed

 

2-in Xisbul Islaam uu waayay xalkii la rabay in la gaaro markii ay ku bireen Al-shabaab laakiin la heli waayay

 

3-Inaysan ka mid ahayn Al-shabaab hadaf ahaan iyo Siyaasad ahaan intaba.

 

4-Inay qaateen Go’aan ah inay lahadlaan cidwaliba oo ka shaqaynaysa Nabada Soomaaliya

 

5-Inay Doonayaan In dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka.

 

6- Inay ka soo horjeedaan Sii joogdida Ciidamada Shisheeye ee Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shinbir Majabe;873086 wrote:
^^
:D
Nikaan cusub wuxuu doonayaa inuu Dawladda cusub boos ka helo, laakiin ilama ahan inuu tabar ama ciidan haayo..

hadu koox dhan la so goostay wu istaahila boos sidi Sheikh indhocade al markaawi waxay ku xidhantahay intu ciidan u la so goostay hadu isago kaliya yahay dee waxa la odhan adeer orodo mafirshka iska gal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this