Sign in to follow this  
Nur

Barakada Halkee bey Ku Jirtaa?

Recommended Posts

Nur   

Walaalayaal

 

 

Mahad oo dhan waxaa mudan Allah, Kan uuma, u taliya, koriya, gargaara, ka warhayaa uunkoo dhan. Hana ahaato nabad iyo salaad Nabigeenna dushiisa, iyo reekiisa, asaxaabtiisa iyo inta ku raacday wanaag ilaa iyo maalinka xisaabta.

 

Dabadeed

 

Barakadu waa in khairka ilaaheey uu ku sugnaado waxaad hesysato. Maxaa yeelay haddey barakadu wax yar gasho, wey badisaa, haddey wax badan gashana, wey anfacdaa. Miraha barakadan waxaa ugu weyn in wax walboo nala siiyey aan u adeegsanno inaan Allah ku adeecno.

 

Hadaba qofkii usii fiirsada wexey ku sugan yihiin saalixiinta iyo culimada akhayaarta ah, iyo ardayda cilmiga sharciga ah bart, iyo addoonta Allah wuxuu arkaa in noloshooda ay ka muuqato barako. Waxaad arki kartaa mid ayaga ka mid ah oo lacagtiisu yartahay ama la mid ah dadka, haseyeeshee wixiisu waa isu gaaraan, waxna dadbuu wax ka taraa. Gaadhigiisu ma jabid badna, dhibaatooyin ku ma dhacaan keenta in lacag looga qaado, hammi iyo tacab uu daawooyin hurdo ku iibsado uma baahdo, maxaa yeelay Allah xasuustiisa ayaa caafimaad gelisa, nolshiisa, iyo reerkiisa iyo shaqadiisa waa la isugu hagaajiyaa waana ay u barakoobaan.

 

Ma arkeysid ninkaasoo deyn loo heysto, mana culeysiso marti u timid, oo bashaashad buu ku soo dhaweeyaa.

 

Barakada meelo badan bey gashaa:

 

Markey ubadka gasho waxaad arki nin hal gabadh oo qudha dhalay oo ay uga nafci badato toban wiil, gabadhaas oo daacadda Allah ku sugan, ninkeedana uu aad u qaddariyo aabaheed una noqdo wiilkii uusan dhalin. Gabadhaas aabbaheed wexey u tahay barako.

 

Barakadu markeuy waqtiga gasho waxaad aragtaa in waqti yar aad arrimo badan ku dhameysato, waxna ayan kaa haabsaamin, waxna ayan kaa qaldamin.

 

Barakadu wexey gashaa xaaska, markaad ka maqantahay, wanaag iyo daacadda Allah ayey ku sugan tahay, markaad la joogtana, farxad iyo wanaag baad ku wada joogtaan, dhikerka Allah ayey ku xasuusin markaad illowdo , Howlahaaga ayey ku xasuusin markaad shuqloontid. Ubadka ayey xannaaneyn. Markaad guursatay kuma kallifin, markey oryo noqotayna waxaaga ayey kuu dhaqaaleysaa, mar walbana wexey ku fakartaa aayaha reerka, ubadka iyo Allah raalligelintiisa.

 

Barakadu wexey gashaa Cilmiga: Allah markuu cilmiga kuu barakeeyo, wuxuu kaa tusaa halka aayad ama xadiith boqol waji ood uga faaiideysato, cilmigaas Allah wuxuu ka dhigaa mid adduunkana kugu haya daacadiisa, aakhirana mid kaa badbaadiya cadaabtiisa.

 

Guud ahaan, barakadu wexey gashaa maalka, ubadka, waqtiga, shaqada, cilmiga, xaaska, dacwada, gaadhiga, caafimaadka, saaxiibka, sidaa darteed waxaa waajib ah inuu qofku raadiyo in Allah uu barakeeyo wixii la siiyey.

 

Maxaa yeelay, wixii barkada laga qaado waa cadaab.

 

Caafimaad barakada laga qaaday waxaa lagu gutaa macsiyo badan oo qofka halaagta.

 

Cilmi badan o barakada laga qaaday waxaa laga dhaxlaa kibir, iyo ka fogaasho Allah.

 

 

Sidee baa Barakada lagu Helaa:

 

1. Taqwada Allah: Taqwa macneheedu waa inaad cadhada Allah iska xijiso raallinimadiisa ood ku gaashaamato daacadiisa. " Haddii magaalooyinka dadkooda ay aamini lahaayeen iskana keen jiri lahaayeen (ittaquu) waxaannu u furi leheyn barakooyin ka yimid cirka iyo dhulka" Acraaf 96

 

2. Quraanka akhriskiisa: maxaa yeelay waa kitaab barakeysan, oo caafimaadka jirrooyinka qalbiga uu ku jiro iyo caafimaadka xubnaha " Waa kitab aannu kugu soo dajinney, oo barakeysan, si ay aayadahiisa ay u dhadhansadaan, kuwa maskaxda nadiifka ah lehna ay u xasuustaan"

 

3. Ducada: Rasuulka SAWS wuxuu Allah ka baryi jirey barakada, gaar ahaan waxaan ogaannay inuu ku odhan jirey arooska " Allah kuu barakeeyo, korkaagan ha barakeeyo, hana idinku kulmiyo kheyr. (Tirmidhi) Iyo ducada qofkii cunno na siiya " Allow u barakee waxaad ku arzaaqday, una dambi dhaaf, una naxariiso"

 

4. In la iska dhowro lexo jeceylka:

 

Waxaa laga soo wariyey SAWS asagoo la hadlayaa nin odhan jirey Xakiim ibn Huzaam in yidhi " Xakiimow, Maalkani waa cagaaran yahay (quruxda dhirta) waana macaan yahay, qofkii ku qaata deeqsinnimo waa loo barakeeya, qofkii ku qaata lexo jeclina looma barakeeyo sida qofka wax cunaya oon dhergeyn. ( Muslim)

 

5. Runta oo la lagu hadlo marka wax lakala iibsado:

 

Wuxuu yidhi SAWS " Kala iibsashadu waa la is doorrisiiyaa, haddey labada wax kala iibsanaya ay run isu sheegaan. ooy wax walba isu caddeyaan waa loo barakeeyaa, haddey wax isu qariyaan, beenna isu sheegaanna barakada waa laga tirtiraa iibkooda" (Bukhari)

 

6. Howlaha oo loo dhaqaaqo aroorta hore:

Wuxuu yidhi SAWS " Allaahumma u barakee ummaddeyda aroorahooda" ( Axmed)

Marka arrimaha aad ka raadineyso in laguu baraeeyo ky beeg arrooraha, ha noqoto ganacsi, guur doon, ama cilmi kororsasho.

 

 

7. Raacidda raadka rasuulka SAWS iyo sunnadiisa uu ku dhaqmi jirey.

 

Waxaa laga soo wariyey inuu yidhi SAWS " Barakadu wexey ka soo dagtaa cunnada bartamaheeda, hadaba ka cuna hareeraha hana ka cunina bartamaha" Bukhaari

Wuxuuna soo wariyey Jaabir ibn Cabdullah RA, wuxuu yidhi wuxuu amray rasuulka SAWS in faraha la leefo wuxuuna yidhi " Ma garaneysaan cunnadiinna qaybta ay barakada ku jirto"

 

8. Allah oo la wakiisho:

 

Wuxuu yidhi SAWS " Haddad u wakiilan leheydeen Allah si u qalanta Allah, wuxuu idiin arzaaqi lahaa sidaa uu arzaaqo shimbiraha, wexey aroortii yaacdaa atadoo baahan wexeyn habeenkii soo laabataa ayadoo dheregsan" (Axmed)

 

9. Allah oo loo talo dhiibto (ISTIKHAARA)

Mar walbood arrin muhim aha aad ku dhaqaaqesyo, sidii SAWS na faray labao rakco tuko, markaas ku duceyso ducada istikharada.

 

10. In laga fogaado in dadka la baryo:

 

Wuxuu yidhi SAWS xadiith macnihiisu yahay " Qofkii wax u baahda oo markaas ka dalbada dadka, loom sahlo xaajadiisa, qofkii Allah xaajadiisa warsadana, SAllah wuxuu siiyaa rizqi degdeg ah ama geeri daahsan" ( Axmed)

 

11. Sadaqada:

 

Allah wuxuu yidhi " Waxaad bixisaan, asagaa diiin celinaya" Suurat Sabaa 39

 

12. Maalka xaaraanta ah oo laga fogaado:

 

" Allah wuxuu burburiyaa Ribada wuxuuna kordhiyaa sadaqooyinka" Baqara 276

 

13. Salaadda faradka ah oo la oogo:

 

Allah wuxuu yidhi " Reerkaaga far salaadda, kuna sabir (fariddaas) kuma aan warsaneyno quudin, annagaa ku quudinna, cidhibta dambena waxaa leh taqwada (ehelkeeda)" Taahaa 132

 

14. Mahad naqa Allah loo mahad naqo nicmada uu na siiyay:

Allah wuxuu yidhi " Haddad ii mahad celisaan, waan idiin kordhin hubaal ahaan" Ibraahim 7

 

15. Istiqfaarka oo la badiyo:

 

" Rabbigiinna warsada dambi dhaaf, (maxaa yeelay) wuxuu ahaa kii dambiga dhaafayey, wuxuuna diin so deyn doonaa roobka cirka asagoo badan, wuxuuna idin siin doonaa hanti iyo carruur wuxuuna idiin yeeli doonaa beero, wuxuuna idii yeeli doonaa webiyaal" Nuux 10-12

 

Allow noo barakee waxaad na siisay, kana yeel waxaannu u adeegsanno hoggaansanaantaada, wa sallalaahu wa sallim calaa nabiyinaa wa aalihi wa saxbihi wa ajmaciin.

 

 

Nur

-------------------------------------------------

Kuwa iga Da' weyn waa iga ajar badan yihiin, kuwa iga yarna waa iga dambi yaryihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaalayaal

 

 

Qoraalkan waxaa ku jirta murti badan oo aad loogu baahi qabo, haseyeeshee waxaan ka xumahay ree guuraaga baraaktan biyaha ka caba ineyan afka hooyo isku fiicneyn, anigana waqtigu igu yaryay si aan mar kale ugu qoro af ingiriiska, in kastoon damacsanahay. Hadaba, aragtidaada iyo dareenkaaga nagu soo biiri.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaal Sundus

 

Sidaad ka akhrisay qoraalkan, ma aha waxa nafteenna jeceshahay waxa noo fiican, laakin waa waxa Allah uu noogu daro barako waxa na anfacaya aakhiro iyo adduun, hadaba, weligaa barakada raadi, Allhna ka bari hanuun.

 

Walaalkaa

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Assalamu calaykum,

Nuurow, waad ku mahadsantahay qoraalkaan. Garamgaramland waagan yaraa waxaan aqaaney odey waranle ah oo la Yiraahdo Geedi. Geelena ayaa isla daaqi jirey. Carligaasi geela waxaa lagu tirayaa wax la yiraahdo ulo..Odey Kuulow wuxuu lehaa todoba ulood (Ilaa iyo 250 halaad). Odeygaan dhar ma gato, zaka ma bixiyo. Maalin ayaa nin wadaad ah wuxuu yimid meel ceel ah oo geela laga waraabiyo si uu hadalka alla waranlaha ugu gudbiyo.

 

Wadaadkii wuxuu sheegay inaay waajib tahay salaadu, sakada iyo shanta tiirood. Ragga baa is fiiriyey: Waxaa la wada eegay Odey Geedi markii uu sheeqa yiri geela waa in laga bixiyaa sakada.

 

Odey Geedi: Wadaad waxaan ku weydiyey 7 ulood oo geel ah sakada ma ku wajibtaa?

 

Sheeqi: Adeer haa saka badan ayaa ku waajibta.

 

Odey Geedi: Oo maxaa geela saka loogu waajibiyey?

 

Sheeqi: Sakada waxaa loogu tallo galay daryeelka bulsho weynta islaamka. Ilaahey wuu barakeey xoolaha iyo hantida laga bixiyo sakada.

 

Odey Geedi: Aabaheey Geele ayaan ku dhaartay anigu geel ma lihi oo 7 ulood ayaan leeyahay, sannadkaan abaar ayaa dhacday oo anigiibaaba waxaan cuno la'

 

Sheekhi: Adeer qofkii aan sakada bixinin naar ayuu galayaa

 

Odey Geedi: NIMAAN GEEL LAHAYN AYAAY CADAABTU KULEEYSAA!

 

 

Sheekadaasi waxaan u sheegay in dadkeena aaysan ogeen faaidada sadaqada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Caaqil Bro

 

I've even heard of this piece of Somali Poem by Abdi Gaheir that claims that even in the hereafter, people who've never owned camels are at disadvantage, it goes like this;

 

" Aakhiro nimaan geel lahayn lama amaaneynee"

 

There you go, you can take the Garamgarams from their camels, but you cant take the camels out of the Garamgarams.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this