Sign in to follow this  
Abwaan

Ciidamada Saracen International ee degmada Xaafuun oo Xabsiga u Taxabaay Bashiir Mursal Ciise

Recommended Posts

Abwaan   

Xaafuun[RBC Radio] Ciidamada Saracen International ee ku sugan degmada Xaafuun ee gobolka Bari ayaa lagu soo waramayaa in ay Xabsiga u taxaabeen laba nin oo dhalinyaro ah kuwaas oo ka yimid dalka Maraykanka.

 

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabakadda RBC Radio kana gaabsaday magaciisa sababo la xiriira Xasaasiyada warkan ayaa sheegay in Ciidamadu ay labada nin ka xireen bartamaha magaalada Xaafuun maalinimadii Sabatida isla markaana aan la ogayn sababaha keenay in Xabsiga loo taxaabo.

 

Waxa uu tibaaxay in mid kamid labada nin uu la dhashay Fannaanada Soomaaliyeed ee Maryan Mursal Ciise Bootaan laguna magacaabo Bashiir Mursal Ciise iyadoona kan kale uu ku sheegay Subeyer Khaalid oo ah heesaa caan ah oo ka yimid markiisii hore dalka Sweden.

 

Wuxuu Intaas ku daray in hadda ay ku xiranyihiin dhisme Iskuul oo u dhisay Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse iyadoona Ciidamadu ay goobta u tahay fariisinkooda ugu weyn,wuxuuna sheegay in xiliga la qabanaayey ay rabeen in ay Sawirro kasoo qaataan daafaha magaalada iyo goobaha Taariikhiga ah.

 

…”"Dadka deegaanka oo ka Xanaaqsan Xariga labada nin ee Bashiir iyo Subeyr ayaa maanta tagey goobta lagu hayo,waxayna u geeyeen cuno balsse wey diideen labadooduba,waxayna noo sheegeen in muddo ay ka soomeen cuntada ilaa inta looga cadeynaayo Sababaha loo xiray….”"ayuu yiri Ilo Wareed Magaciisa qariyey.

 

Bashiir iyo Subeyr Khaalid ayaa kasoo degay Garoonka diyaardaha ee magaalada Hargaysa bilowgii bishaan,waxayna soo mareen magaalada Garoowe ee caasimada Puntland iyagoona yimid magaalada Boosaaso,maalmo ka dibna uga ambabaxay degmada Xaafuun.

 

Guddoomiye Kuxigeenka degmada Xaafuun Yuusuf Cabdillaahi Sanyare oo aan la sameynay xirriir ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo Xariga Bashiir iyo Subeyr balse sida ay labadooduba sheegeen waxa laga soo amray Xarigooda Madaxtooyada magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

 

Wixii kusoo kordha kala soco Raxanreeb.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Warkan maxaa ka jira? Bashiir waa nin wanaagsan oo Soomaalinnimadu ku weyn tahay, fadlan wixii update haya warka hanna siiyeen. Waan ka war hayey in isaga iyo nin Fannaan ah oo gobollada Waqooyi ka soo jeeda oo isaguna ka mid ah Soomaalida qurbaha ku nool ay Soomaaliya aadeen kana billaabeen safarkooda Waqooyiga. Markii iigu dambeysey waxay joogey Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Somaaliya markaad aadaysaan yaasiinka akhrista,boorsooyinkana yaan quful lagu xirin,darawal marqaansanna yaan la raacin

Reer xaafuuna allaha dhawree waxaan kula talin lahaa inay sida ugu dhaqsaha badan looyar ugu qabtaan wiilasha layska xirtay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this