Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: International community hold meeting, making Sharif Ahmed supporters mad..?

Recommended Posts

Digniin laga soo saaray shir beesha caalamka ay maanta ku yeesheen Muqdisho

9/9/2012 7:11:00 PM

 

 

Madax ka socota beesha caalamka, gaar ahaan kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxayna ka wadahadleen arrimaha Soomaaliya iyo ololaha doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya.

 

Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya ayaa kulan uu ka yeeshay xaaladda wadanka waxa uu uga digay xubnaha beesha caalamka ee shirka ku yeeshay maanta magaalada Muqdisho inay xaaladda wadanka Soomaaliya uga sii daraan.

 

Guddoomiye K/Xigeenka ahna K/Simaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya Md. Cali Maxamed Nuux (Tima Jilic) oo Warbaahinta la hadlayay ayaa ka dhawaajiyay in shirka dalalka beesha caalamka ay ku yeesheen maanta magaalada Muqdisho uu yahay mid Soomaalida lagu kala qeybinayo isla markaana lagu faragelinayo ololaha doorashooyinka Madaxweynenimada Soomaaliya ee berri ka dhaceysa magaalada Muqdisho.

 

"Uma baahna Soomaaliya in beesha caalamka shaqsiyaad isku sheegaya ay hoos ka soo geliyaan shaqsiyaad fashilmay" ayuu yiri Md. Tima Jilic oo akhrinayay war-saxaafadeed ka soo baxay kulanka degdegga ah oo Xisbiga MJS ka yeeshay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo xubno ka tirsan beesha caalamka ay ka wadaan gudaha dalka.

 

Waxaa kale oo K/Xigeenka Guddoomiyaha XMJS uu sheegay in beesha caalamka xubnaha isku sheegaya in Muqdisho shirka ku yeeshay maanta ay u ololeynayaan sidii madaxtinimada dalka loogu soo dooran lahaa shaqsiyaad ka tirsanaa Dowladdii KMG ahayd, kuwaasi oo mudadii ay xilka hayeen aan wax muuqda ku soo kordhin dadka iyo dalka.

 

"Ciidamada AMISOM waxaan uga mahad celinaynaa sida ay uga qeyb qaateen nabadda ka curatay dalka intiisa badan, iyagoo caddeeyay inaysan faragelineynin arrimaha siyaasadda Soomaaliya" ayuu yiri K/Simaha XMJS Md. Cali Max'ed Nuux (Tima Jilic).

 

Ujeedada ka dambeysa shirka ka dhacay Muqdisho ee ay yeesheen shaqsiyaadka isku sheegaya inay matalaan wadamada beesha caalamka ayuu sheegay Md. Tima Jilic inay tahay mid lagu hagardaameynayo heshiiska dhex maray labada Shariif, wuxuuna Xisbigu caddeeyay in faragelinta laga daayo Soomaalida arrimaheeda.

 

Dhinaca kale waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin kooxo isku sheegaya inay matalaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, kuwaasi oo uu ku eedeeyay qaarkood inay caga jugleyn iyo cadaadisyo kala duwan saarayaan Xildhibaanada Baarlamaanka si ay codkooda u siiyaan shaqsiyaadka ay doonayaan inay dalka madax ka noqdaan.

 

Wuxuu sheegay in Xisbigiisu ka warqabo dhaqdhaqaaq kasta oo shaqsiyaadka sheeganaya International Community ay ku maja xaabinayaan masiirka wadanka Soomaaliya, isla markaana si joogto ah ula soconayo tallaabo kasta oo shaqsiyaadkaasi ay ku doonayaan inuu hirgalo qorshahooda guracan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Wait, when did Darmaan's Jamhuuriga Party became Sh. Sharif supporters? Duke? Mise Darman's party ayaa labo u kala jabay? This guy is one of the weird Somalis as he always claimed presidency starting from 2000.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ lol @ Abwan, I know who is sending the warning, however it's Shaaciye.com that has reported it as an important news article. This everyone is getting paid on Sharif last stand...

However all you see is Duke. There is a big game afoot.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I have spoken to Mogadishu & there is a definite anti Sharif's camp, Xasan Shiekh, Baadiyow & ina Cosoble who's brother inlay Engineer Enow are all with the Abdiweli camp...

 

Who is leading no one has a clue, but the Sharif's over hyped attempt is having a major backlash...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this