Sign in to follow this  
malistar2012

President Sheikh Sharif Ahmeds Convention.

Recommended Posts

everyone came out to show support .

 

From the military in attendance are General Ahmed Ismcail Ahmed aka Ahmed cariir, iyo general Mohammed Salax

 

Defense minister hussein Carab Ciise.

 

Sharif sakiin , Mohamed Dheere , Geedi , Prof Dalax . Abdirashid Xidig , abdi qaybiid and many more

Share this post


Link to post
Share on other sites

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo lagu taageerayey in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed uu markale ku guuleysto xilka Madaxweynaha Dalka ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

 

Munaasabadan ballaaran oo ka dhacday hotelka City Palace degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo qeybgalay inta ugu badan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya,siyaasiyiin horey xilal kala duwan ugasoo qabtay Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen,Ra’isulwasaarihii hore Prof Cali Maxamed Geedi, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi,Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan,Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudud Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid,Gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere),wasiirro ka kala tirsanaa xukuumadihii hore,waxgarad,hooyooyin,dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Munaasabadda ayaa waxaa si aad ah uga dhex muuqday sawirro ka turjumayey waxqabadka Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed mudadii uu xilka hayey gaar ahaan waxyaabihii uu ka qabtay dhinacyada Ammaanka,dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida,Ka xoreynta gobollada Maleeshiyada Al-Qaeda,xiriirka Dibadda,gurmadkii Abaaraha,wanaajinta xiriirka maamullada, booqashooyinkii kala duwanaa ee ay madaxda Caalamku Muqdisho ku yimaadeen,in dalku uu yeesho Dastuur sanado kadib, in gudaha dalka lagu doorto hogaanka laguna dhiso dowlad rasmi ah, in dalka laga saaro KMGka iyo in shirarkii dalka dibadiisa lagu qaban jirey gudaha dalka loosoo weeciyey ayadoo munaasabadaba sidoo kale lagusoo bandhigay suugaan kala duwan oo waxqabadka Madaxweyne Shariif iyaguna ka turjumayey.

 

Ugu horeyn Munaasabadda waxaa khudbaddo kala duwan ka jeediyey waxgarad iyo aqoonyahanno kuwaasi oo dhammaantood muujiyey in lagama maarmaan ay tahay in si loo dhameystiro dadaalladii uu Madaxweynaha soo bilaabay uu markale doorashada ku guuleysto waxaana ay u rajeeyeen inuu maalinnimada berri ah doorashada ku guuleysan doono.

 

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo Munaasabadda Khudbad ku daah furay ayaa ugu horeyn xusay in Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu waqti farabadan ku bixiyey wacyigelinta dadka maadaama faham diimeed dadka lagu qaldi jirey isaguna uu aqoontiisa diimeed uusan ka hagran shacabkiisa.

 

Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga oo Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ku ammaanay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waqtigii uu ku bixiyey dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida waayo buu yiri hadii uusan dib u dhisi laheyn Ciidammada Qalabka Sida Dalku maanta ma lahaan laheyn Ciidan cadowga ka xoreeya.

 

“waxaad ogtihiin guullaha laga gaaray howlgallada dalka ka socda oo looga xoreynayo Maleeshiyada Al-Qaeda,dalka intiisa badan waa xor maanta,shaqsiyanna waxaan ku ammaanayaa juhdigii uu ku bixiyey dib u dhiska Ciidammada Qalbka Sida iyo iskukeenidii saraakiishii hore ee Ciidammada oo dalka dibaddiisa uu kasoo kala ururiyey hadii uusan sidaasi yeeli leheynna maanta guushaan lama gaareen,dalkuna ciidan ma yeesheen”ayuu yiri Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga.

 

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Khudbadda Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhigga Mudane Fiqi

 

Prof Cali Maxamed Geedi Ra’isulwasaarihii hore ee dalka oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn tilmaamay in waxqabadka Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ay qeyb ka tahay oo aysan u baahneyn hadal in maanta magaalada Muqdisho ay ku suganyihiin inkabadan 20 musharax oo badankood qurbaha ka yimid hadii uusan waxqabaneyn laheynna aysan musharixiintaasi xamar imaan laheyn.

 

“runtii waxqabadka dowladda uu hogaaminayey mudane Shariif Sheekh Axmed waa marqaati ma doonto waxaan ognahay iska dhaaf iney dalka yimaadaan madax sarre safiirro ayaan Nairobi ugu tagi jirney oo lagula soo kulmi jirey hadana maanta Soomaali iyo Ajaaniibba Muqdisho iney yimaadaan ayuu sabab u ahaa,waxaanna aaminsanahay iney Baarlamaanku dib u soo dooran doonaan hadii ay doonayaan in howlahan la dhameystiro oo aan dib loo noqon”ayuu yiri Prof Cali Maxamed Geedi Ra’isulwasaarihii hore ee Dalka.

 

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Khudbadda Ra’isulwasaarihii Hore Pr Geedi

 

Prof Maxamed Cumar Dalka oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn tilmaamay in uu goob joog u ahaa mudadii uu xilka hayey Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxqabadkiisa taasina ay tahay marqaati ma doonto waayo buu yiri awood ahan xitaa awoodda dowladeed sida ay maanta tahay ineysan aheyn markuu xilka qabanayey.

 

“runtii waxqabadka Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waa mid hada cid walba ay qiri karto oo ma qarsoona waxaana marqaati ah inta qofood oo uu guryahooda u xoreeyey ,shaqsiyanna waxaan aaminsanahay in hadii uu maanta meesha ka baxo ciidammada maanta sii dhaafaya Marka iney KM4 difaaca Dowladda kusoo noqon doonto”ayuu hadalkiisa raaciyey Prof Maxamed Cumar Dalxa.

 

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Khudbadda Xildhibaan Prof Dalxa

 

Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa isna khudbad uu ka jeediyey madasha waxa uu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed si gaar ah ugu ammaanay doorkii uu kulahaa heshiisyadii kala duwanaa ee maanta lagu dhisayo dowladan cusub isaga oo sigaar ah uga xusay in mudo Afar cisho ah uu magaalada Garoowe usoo seexday isfahmka umadda Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Madaxweyne Shariif runtii heshiisyadan maanta dowladnimadan aynu kusoo gaarnay isaga ayaa sabab u ahaa waayo wuxuu soo dhisay xukuumaddo kala duwan sida xukuumaddii Tayo,Bad-baado Qaran intaba isaga ayaa keenay runtii guullaha la gaaray ma ahan mid qarsoon waxaanna aaminsanahay sanadaha soo socda hadii uu xilka sii hayo inuu guul badan keeni doono,anigoo ah Xildhibaan Mustaf Maxamed Dhuxuloow ah waan Codeeyey” ayuu Xildhibaanka hadalkiisa kusoo gebagebeeyey.

 

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysatid Khudbadda Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow

 

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Munaasabadda isaguna Khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn xusay in isaga ay Madaxweyne Shariif si gaar ah saaxiibo u ahaayeen islamarkaana ay islasoo mareen marxalado kala duwan balse uu yahay nin howlkar ah islamarkaana dulqaad badan.

 

“runtii aniga Shariif Sheekh Axmed si gaar ah ayaan saaxiibo u aheyn waanna soo wada shaqeynay mudo badan,hotelkan aan hada wada joogno ayaan hada ka hor iskusoo sharaxay balse maanta isaga ayaa iga mudan waan u tanaasulay,waxaanna rajeynayaa inuu xilka ku guuleysto,waxaan ku leeyahay mudane Madaxweyne Hambalyo markale na hogaami”ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka.

 

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Khudbadda Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Shariif Xasan

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed oo ugu dambeyntii Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey shacbiga Soomaaliyeed kalsoonida ay u muujiyeen iyo sida ay u doonayaan inuu markale xilka qabto sidaasi darteedna uu ka aqbalay inuu umadda usii shaqeeyo.

 

“ugu horeyn waxaan shacbiga Soomaaliyeed idinkaga mahad celinayaa kalsoonidiina,runtii waxaan aaminsanahay kaligeey inaanan waxba qaban hadii aysan dhammaantiin shacab,ciidan iyo mas’uuliyiin I garab istaagi laheynna waxaan aaminsanahay inaanan waxba qaban laheyn, aad iyo aad ayaan idinkugu mahad celinayaa” ayuu ku bilaabay khudbadiisa Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

 

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka tanaasulkii uu sameeyey waxaana uu si gaar ah ugu ammaanay Shariif Xasan Sheekh Aadan sida uu ulasoo shaqeeyey mudadii uu gudoomiyaha Baarlamaanka ahaa iyo ka horba lagasoo bilaabo xiligii Maxkamadaha.

 

“shacabka Soomaaliyeed maanta waa xaqiiqo iney isbedel u baahanyihiin,waxadna ogtihiin in isbedelka maanta dalka uu ku jiro aysan si sahal ah ku imaan oo aan usoo bixinay juhdi farabadan waayo shalay markaan imaaneynay ma dhisneyn ciidan na difaaca oo noo dagaalama,manoo jirin heykal dowladeed,dalka gudihiisana intaan isuguma imaan Karin maantase Alle mahadii waxaan gaarnay guul weyn”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

 

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”CHANGE WEE NEED waa xaqiiqo isbedel waan u baahannahay laakiin isbedelka ma wuxuu ku imaankaraa howlihii aan bilownay inaan dhameystirno mise wuxuu ku imaankaraa in qof hada aan la socon xaalada dalka intuu boors soo qaato inuu yiraahdo isbedel ayaan dooneynaa”

 

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa xusay in Afarta sano ee soo socota u qorsheynayo in la dhameystiro howlihii horey usoo bilowday sida dhismaha Ciidammada.xoreynta dalka iyo iskusoo dhoweynta shacbiga Soomaaliyeed,si loo amba qaadana midnimada umadeeda la dhameystiri doono wadahadallada walaalaha waqooyi Galbeed Somaliland si arimahaasi loo helana uu xildhibaannada Sharafta leh ka codsanayo iney dib u doortaan.

 

Hadaba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ukala qaaday dhowr qodob waxyaabaha uu qabanayo Afarta sano ee soo socota hadii uu ku guuleysto xilka waxaana qodobadaasi ay kala yihiin.

 

Dib U heshiisiinta

 

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in si gaar ah uu muhiimad usiinayo dib u heshiisiin Qaran oo dhexmarta qeybaha kala duwan ee shacbiga Soomaaliyeed taasi oo uu aaminsanyahay iney waxbadan kaalin ka ciyaari doonto iskusoo dhowaanshaha iyo isfahamka shacbiga Soomaaliyeed si hormar guud loo wada gaaro.

 

Tayeynta Ciidammada

 

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa xusay in mudadii uu xilka hayey uu waxbadan waqti ku bixiyey islamarkaana uu xooga saaray dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed taasina uu la kaashaday Saraakiishii hore ee Ciidammada oo uu tilmaamay iney ka ogolaadeen iney dalkooda dib ugusoo laabtaan islamarkaana talooyinkii laga helay ay keentay hormarka maanta laga gaaray dib u dhiska Ciidammada.

 

Madaxweynaha ayaa xusay in mudada Afarta sano ah ee soo socota uu xooga saari doono *****lidda baahida Ciidammada Qalabka Sida,baahidoodana hada ay ku koobantahay kaliya tababarro iyo Qalabeyn si taasi loo helana uu heshiisyo lasoo saxiixday dalal dhowr ah oo Soomaaliya saaxiibo la ah kuwaasi oo ka taageeri doona Dowladda qalabeynta Ciidammada halka dhanka tababaradana uu xusay in qorshihiisu yahay in tuullo walba oo dalka ka mid ah uu ka hirgeliyo xerro Ciidan.

 

Kheyraadka iyo Wax Soo Saarka

 

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa xusay in mudada Afarta sano ee soo socota uu ku kalsoonyahay in Umadda Soomaaliyeed ay ka faa’ideysan doonaan kheyraadkooda maadaama uu dalkeenna yahay dal qani ah eebana uu igu maneystay kheyraad farabadan, xiliganna aqoonta dadka Soomaaliyeed oo soo dhisantay aawgeed uu aaminsanyahay in laga faa’ideysan doono.

 

Midnimada Umadda Soomaaliyeed

 

Mar uu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ka hadlayey qorshihiisa ku aadan midnimada Umadda Soomaaliyeed ayuu xusay in si loo adkeeyo midnimada umadda Soomaaliyeed mudadii uu xukunka hayey uu awooda saaray sidii Soomaalida dhexdeeda isfaham iyo heshiis buuxa u wada gaari laheyd sida wadahadalladii lala galay walaalaha waqooyi Galbeed Somaliland iyo heshiisyadii kale ee gudaha dalka ka dhacay sida magaalooyinka Garoowe,Gaalkacyo iyo Muqdisho si hadaba midnimada Umadda Soomaaliyeed loosii helo uu sii ambaqaadi doono wadahadalladaasi lala galayo walaalaha Waqooyi Galbeed Somaliland.

 

Bixinta Deymaha

 

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeyntii ballan qaaday in mudada Afarta sano ee soosocota ay ka go’antahay bixinta daymaha Soomaaliya lagu leeyahay taasina uu aaminsanyahay in la gaari karo hadii laga faa’ideysto kheyraadka dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

IMG_4829.jpg

 

Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga oo Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ku ammaanay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waqtigii uu ku bixiyey dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida waayo buu yiri hadii uusan dib u dhisi laheyn Ciidammada Qalabka Sida Dalku maanta ma lahaan laheyn Ciidan cadowga ka xoreeya.

 

“waxaad ogtihiin guullaha laga gaaray howlgallada dalka ka socda oo looga xoreynayo Maleeshiyada Al-Qaeda,dalka intiisa badan waa xor maanta,shaqsiyanna waxaan ku ammaanayaa juhdigii uu ku bixiyey dib u dhiska Ciidammada Qalbka Sida iyo iskukeenidii saraakiishii hore ee Ciidammada oo dalka dibaddiisa uu kasoo kala ururiyey hadii uusan sidaasi yeeli leheynna maanta guushaan lama gaareen,dalkuna ciidan ma yeesheen”ayuu yiri Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga.

 

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Khudbadda Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhigga Mudane Fiqi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

malistar2012;866277 wrote:
everyone came out to show support .

 

From the military in attendance are General Ahmed Ismcail Ahmed aka Ahmed cariir, iyo general Mohammed Salax

 

Defense minister hussein Carab Ciise.

 

Sharif sakiin , Mohamed Dheere , Geedi , Prof Dalax . Abdirashid Xidig , abdi qaybiid
and many more

 

Sheick Shariif is supported by all the warlords and national thieves(Sakiin and Geedi). :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

No Leader enjoyed this much respect and honor in recent history in Somalia, This is the man post transition . President sheikh sharif Ahmed will unite country .

 

 

IMG_4800.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif is a sneaky *******, mohamed dheere,gheedi, qeybdiid, muuse suudi,shariif sakiin, his worst opponents are today supporting him, hal booli ah nirig xalaal ma dhasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this