Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Sharif Xasan (Sakiin) endorses Sharif Ahmed..... Wonderful stuff

Recommended Posts

Sharif Xasan: Sheekh Shariif wuu guuleysanayaa anigana codkeyga waan siiyey”

 

Shariif-Hasan.jpg

 

Updated About:3 mins ago

 

Mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu awooda badan dalka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa caawa kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho in madaxweyne Sheekh Shariif uu ku guuleysan doono doorashada beri ka dhici doonto dalka.

 

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo laba jeer soo noqday gudoomiyaha baarlamaanka ayaa hadal uu ka jeediyey kulan maanta ilaa caawa fiidki ka socday Hotel City Palace ee degmada C/casiis isla markaana lagu taageeray Sheekh Shariif ayaa ka hadlay mudadi dheereyd ee ay isla soo shaqeeyeen.

 

Wuxuu sheegay in ay saaxib ku noqdeen marna ku kala tageen siyaasada dalka iyo sidii loo samatabixin lahaa Soomaaliya, laakin waxa uu qiray in mudo badan ay is jilaafeen hase yeeshee aysan isku fogaan.

 

“Aniga iyo Sxbkee Madaxweyne Shariif Taako ayaa isku dhigi jirnay laakiin iskuma fogaan jirnay, laakiin hada asigaa taago ii dhigay Musharaxnimadeeda asigaa u eedsanaa, Bani’aadamka aragtidiisa waa duwanaan kartaa, waxaa la rabaa in marka xaqiida la gaaro in la aado meesha xaqa jiro, meesha wadanka wanaagiisa ku jiro”ayuu yiri Shariif Xasan oo ugu baaqay Xildhibaanada inay codkooda siiyaan Madaxweyne Shariif.” ayuu yiri.

 

Isaga oo balan qaadaya taageerada uu u hayo madaxweyne Shariif ayuu sheegay in uu guuleysan doono Shariifka isagana uu codkiisa siiyey.

 

“Shariifka waa saaxibkeey waana soo wada shaqeynay, wuu guuleysan doonaa anigana codkeyga waan siiyey,” ayuu yiri.

 

Kulanki maanta oo ay sidoo kale ka hadleen, Ra’isulwasaarihi hore Cali Maxamed Geedi, Prof. Maxamed Cumar Dhalxa, Maxmuud Axmed Nuur Tarsan, Xildhibaan Mustafa Dhuxuloow iyo siyaasiyiin kale ayaa dhamaan la isku raacay in si weyn beri codka loogu shubo madaxweyne Shariif.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka qeyb galay Munaasabad ka dhacday Hotelka City Palace ayaa cod dheer ku sheegay inuu taageeri doono Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha.

 

Shariif Xasan oo horay ugu hungoobay doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, ayaa si kaftan u yiri inuu eedsanayo Madaxweyne Shariif oo uu xusay inuu taako u dhigo.

 

"Aniga iyo Sxbkee Madaxweyne Shariif Taago ayaa isku dhigi jirnay laakiin iskuma fogaan jirnay, laakiin hada asigaa taago ii dhigay Musharaxnimadeeda asigaa u eedsanaa"ayuu si kaftan u yiri Shariif Xasan oo dhoola cadeynayay.

 

Shariif Xasan ayaa si aan leex-leexad laheyn u sheeyay in dalka horumarikiisa iyo qaranimadiisa ay xaq tahay in ninkii keena kara lagu aamino, isagoo xusay inuu Madaxweyne Shariif uu muteystay, isla markaana xaq u leeyahay.

 

"Bani'aadamka aragtidiisa waa duwanaan kartaa, waxaa la rabaa in marka xaqiida la gaaro in la aado meesha xaqa jiro, meesha wadanka wanaagiisa ku jiro"ayuu yiri Shariif Xasan oo ugu baaqay Xildhibaanada inay codkooda siiyaan Madaxweyne Shariif.

 

"Aniga Sheekh Shariif waxaa gacan ku siinayaa oo aan ku taageerayaa 100%, maalinta berri waxaan rajeyneynaa inay natiijada ay noqoto mid wanaagsan, hadii uu taago ii dhigay ma u dhigayo"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Shariif Xasan ayaa u rajeeyay Madaxweyne Shariif in afarta sano ee soo socota uu ku gaaro sharaf iyo in xilkiisa alle ula garab galo sida uu yiri.

 

Munaasabadii ka dhacday Hotel City Palace ayaa aheyd tii u horeysay oo aan horay nooceeda loo arkin, iyadoo Madaxweynaha ku muujinayay sida uu ugu han weyn yahay in mar kale uu qabto xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

 

Maalinta berri ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, taasoo noqoneysa markii u horeysay muddo 42-sano oo lagu doorto Caasimada Soomaaliya Madaxweyne Soomaaliyed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

We are not voting for the parliament speaker now we are voting for the head of state and Sh sharif has 70% of the Hblock votes behind him. And Sharif Sakins votes aswell now i know why faroole was so nervous:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;866268 wrote:
We are not voting for the parliament speaker now we are voting for the head of state and Sh sharif has 70% of the Hblock votes behind him. And Sharif Sakins votes aswell now i know why faroole was so nervous:

Do you know how many people hate the Sharif's within the Parliment? Also stop making up numbers adeer. Even if Sharif has 70% of his clan, that means he will lose 30% of his own to someone who has 85% of his..:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ at least Farmaajo can get revenge by seeing both of these clowns lose at the same time.. Is the biggest political miscalculation on the part of Sharof Ahmed. It actually stems from desperation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why would sharif sakin support farmajo and abdiwalli when clearly they are underdog , stick to where you fit . it’s all politics . sharif sakin unfortunately is heavyweight his votes count.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this