Sign in to follow this  
General Duke

Duke's State of the Union, Historic election coverage..

Recommended Posts

This are failed uneducated and ignorant men who have failed in the past. This is what President Faroole has been talking about. This individuals have been tested before and have done nothing to erect the people or the country the only thing they actually did and people will remember them for is corruption and failure to deliver.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa habeenimadii xalay kulan ku yeeshey Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somali Madaxweynaha xilkiisu dhamaadey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhruuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Xog Horseed Media heshey ayaa sheegaysa in kulankan uu dalbadey Musharax Shariif Shiikh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariifka ayaa doonayey in kulanku noqdo mid qarsoodi ah, waxaase taas diidey Prof.Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, waxaana uu sheegay in aanu waqtigan kulan qarsoodi ah la yeelan karin mid kamid ah Musharixiinta.

 

Sidoo kale Prof.Jawaari ayaa diidey in Madaxweynuhu ku qaabilo xafiiskiisi, waxaana kulanku ka dhacay Hool yar oo ku dhexyaala Madaxtooyada, sida sharcigu qabo Madaxweyne Shariif waxa Mandete-kiisi ka dhacay 20 August 2012, waxaana kusimaha rasmiga ah Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Adduunku kala hadli karo wixii ku sabsan Soomaaliya, sida ku cad dastuurka.

 

Shariifka ayaa ka codsadey Jawaari in uu taageero siiyo maanta, isla markaana ay wada shaqeyn jooogta ah dhexmareyso una ballan qaadey waxkasta oo uu u baahan yahay.

 

Shiikh Shariif ayaa sidoo kale kala hadley Jawaari in uu oggolaado ka hor berri in dagaal oogayaashii loo dhaariyo Baarlamaanka oo uu joojiyo hor istaaga, Wararka Horseed Media ka heleyso xubno ku dhaw Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegaya in Jawaari uu ku adkeystey in guddi loo saarey arrintaas meel fiicana ay marayso.

 

Hadal wada jir ah oo ay saxaafadda siiyeen kulankooda kaddib ayaa Jawaari sheegey in Xubnaha ka dhiman Baarlamaanka aanu u baaqaneyn shirka berri lagu dooranayo Madaxweynaha.

 

Si kastaba ha ahaatee Shariifka ayaan ka helin afhayeenka sidii uu filayey waxaana uu kala kuolmey weji gabax, waxaana uu saxaafadda u sheegay in ay kawada hadleen sidii ay waxkasta ugu dhici lahaayeen qaabkii loogu talo galay.

 

Dhanka kale wararkii u danbeeyey ayaa sheegaya in Shariif Shiikh Axmed uu samaystey Isbahaysi weyn si uu ugu guulesyto marlabaad xafiiska Madaxweynaha, waxaana sibahaysigaas ku jira Shariif Xassan Shiikh Adam oo saameyn kuleh qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada.

Horseed Media

Muqdisho, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Moqdisho, Sept, 09 - Waxaa magaalada Muqdisho maantay laga dareemayaa u diyaar-garawga doorashada madaxwaynaha Soomaaliya, taasi oo balan-sanyahay maalinta birriya ee taariikhdu ku beegantahay 10-ka September in lagu qabto Moqdisho.

 

Afhayeenka guddiga doorashada Mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maanta ay tahay maalintii ugu dambeysay ee qaban-qaabada doorashada, musharraxiintana ay wadaan ololohoodii ugu dambeeyay ee doorashada madaxtinnimada dalka.

 

Cismaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in guddiga doorashada oo saddex qeybood ka kooban ay wadaan howllo adag oo ku aaddan arrimaha doorashada iyo qabsoomideeda.

 

Afhayeenka ayaa xusay in ay diyaariyeen jawi nabdoon oo ay ku dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo in muddo ah la sugayay.

 

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta berito oo Isniin ah ka dhacdo gudaha Muqdisho, waxaana ku tartamaya 25 musharrax.

Maxamed C/llaahi Cali 'Kooshin'

Radio Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhow shaaca ka qaaday inuu tanaasulay mid ka mid ah doorashada, iyadoo Gudiga cadeeyay inay diyaar yihiin dhamaan wixii ku qabsoomi lahaa doorashada dhaceysa maalinta berri.

 

Afhayeenka gudiga doorashada Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in Musharaxa C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ahaa 25-ka Musharax uu ka tanaasulay tartanka doorashada Madaxweynaha.

 

Inkastoo Mr Warsame uu shalay ka mid ahaa 15-ka Musharax ee Baarlamaanka ka hor jeediyay Khudbadaha ay uga hadlayeen barnaamijkooda siyaasadeed hadii la doorto.

 

"Doorashada maalinta berri ee taariikhda ku beegan tahay 10-ka September si rasmi ayay u dhici doontaa, waxaa tanaasulay hal musharax oo lagu magacaabo C/raxmaan C/shakuur, hada waxaa uu Tartanka dhex mari doonaan 24-musharax"ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Libaax.

 

C/raxmaan C/shakuur ayaa horay u ahaa Xildhibaan iyo wasiirkii Qorsheynta, iyadoo mudooyinkii u dambeeyay ka waday magaalada Muqdisho olole ballaaran oo uu ku muujinayay musharaxnimadiisa.

 

Saacadihii u dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho ay gashay jawi ka duwan sidii hore, iyadoo magaalada oo dhan ay hareeyeen ololaha ballaaran ee ay wadaan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Jowhar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay saacado kahor doorashada iyo musharraxiinta oo dardargaliyay ola'olahooda

 

Axad, September 09, 2012 (HOL) - Amaanka goobaha muhiimka ah ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa la adkeeyay ,iyadoo ay baaritaano xoog leh samaynayaan ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom oo jidgooyooyinka ku baaraya dadka iyo gawaarida.

 

Gudoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cismaan Jawaarii ayaa ka codsaday shacabka inay ka qaybqaataan dadaallada sugayo ammaanka, isagoo sheegay in baarlamaanku ay tixgalin doonaan rabitaanka shacabka.

 

Musharaxiinta ayaa iyaguna dardargaliyay ola'olahooda doorashada, iyagoo isku dayaya in saacadaha ugu dambeeya ay xoojiyaan taageerada ay ka haystaan xildhibaanada baarlamaanka iyo shacabka ku nool caasimada.

 

Boqollaal ah taageerayaasha Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ah, ayaa isugu soo baxay bartamaha magalaada, iyagoo lulaya calanka Soomaaliya iyo sawirrada Maxamed C/laahi Farmaajo.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ee xilligiisii dhammaaday Shariif Sheekh Axmed iyo gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa iyaguna xaflad wayn ku qabsaday hotelka City Plaza, taasoo Shariif Xassan oo horay u ahaa musharax uu taageeradiisa ku biiriyay Shariif Sheekh Axmed.

 

Waxaa kaloo kulankan ka qaybgalay masuuliyiin uu kamid yahay Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo madaxweynaha dhawaan loo doortay Galmudug Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid.

 

Isbahaysiga Labada Shariif oo xilliyadii ugu dambeeyay ku kala fogaaday siyaasada ayaa kamid ah ola'olaha musharraxiinta ee saacadihii ugu dambeeyay.

 

Waxaa kaloo iyaguna isu soo baxyo sameeyay qaar kamid taageerayaasha musharraxiinta Xassan Sheekh Maxamuud iyo Yuusuf Garaad Cumar.

 

Dadweynaha caasimada ayaa hadalhayntoodu ugu badan ay tahay doorashada dhici doonta isniinta iyo natiijada kasoo bixi doonta.

 

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa barri u codayn doona madaxweynaha dalka hogaamin doona 4-ta sano ee soo socota oo ay ka dooranayaan 24ka musharrax ee isugu soo haray doorashada."

Hiiraan

Share this post


Link to post
Share on other sites

U diyaar garowga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo Si dar darleh Mudisho uga socota

September 9, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster

 

 

U diyaar garowga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa siweyn looga dareemayaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyadoo ay soconayaan dhaq dhaqaaqyo kala duwan oo ay sameynayaan musjaraxiinta Xilka madaxweyne nimo.

 

Xubnaha baarlamanka Soomaaliya ayaa iyagu wada dhaq dhaqaaqa ugu balaaran iyo diyaarinta howsha maalinta beri lagu dooran doono madaxweyne cusub oo matala umada Soomaaliyeed 4ta sano ee soo socota.

 

Gudoonka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa ku dhawaqay Maalinnimadii shalay in Doorashada Madaxweyne ay beriyo oo isniin ah si rasmi ah uga dhici doonto gudaha magaalada Muqdisho iyagoona ugu baaqay xildhibaanada in la ilaaliyo waqtiga,

 

Cismaan libaax Afhayeenja gudiga doorashada madaxweynaha ayaa isaguna muujiyay diyaargarowga balaaran ee soconaya waxaana wareysi uu siiyay qalabka warbaahinta Soomaaliyeed uu tilmaamay in go’aanmadii gudiga ee ahaa xiliga doorashada ay dhaceyso sidii loogu talagay ay u fushay islamarkaana maalinta berito ah markii ugu horeysay gudaha dalka 40 sano ka dib lagu doorto madaxweyne cusub.

 

“Waa mid aan aad ugu faraxsannahay In doorasho madaxweyne nimo ka dib 40 iyo dhowr sano lagu qabtao gudaha dalka, waxayna u dhici doontaa sidii loogu talagay” ayaa ka mid ahaa hadalada Xildhibaan Cismaan Libaax.

 

Sikastaba ha ahaatee Maalinta berito ah waxaa siweyn indhaha loogu hayaa holka ay ka dheceyso doorashada ee Magaalada Muqdisho halkaas oo laga filayo ninkii ka soo bixi lahaa 24ta musharax ee u taagan xilka madaxweyne nimada Soomaliya.

SBC international Muqdisho

Daalacatey :130

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sharif Xasan: Sheekh Shariif wuu guuleysanayaa anigana codkeyga waan siiyey”

 

 

Updated About:3 mins ago

 

Mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu awooda badan dalka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa caawa kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho in madaxweyne Sheekh Shariif uu ku guuleysan doono doorashada beri ka dhici doonto dalka.

 

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo laba jeer soo noqday gudoomiyaha baarlamaanka ayaa hadal uu ka jeediyey kulan maanta ilaa caawa fiidki ka socday Hotel City Palace ee degmada C/casiis isla markaana lagu taageeray Sheekh Shariif ayaa ka hadlay mudadi dheereyd ee ay isla soo shaqeeyeen.

 

Wuxuu sheegay in ay saaxib ku noqdeen marna ku kala tageen siyaasada dalka iyo sidii loo samatabixin lahaa Soomaaliya, laakin waxa uu qiray in mudo badan ay is jilaafeen hase yeeshee aysan isku fogaan.

 

“Aniga iyo Sxbkee Madaxweyne Shariif Taako ayaa isku dhigi jirnay laakiin iskuma fogaan jirnay, laakiin hada asigaa taago ii dhigay Musharaxnimadeeda asigaa u eedsanaa, Bani’aadamka aragtidiisa waa duwanaan kartaa, waxaa la rabaa in marka xaqiida la gaaro in la aado meesha xaqa jiro, meesha wadanka wanaagiisa ku jiro”ayuu yiri Shariif Xasan oo ugu baaqay Xildhibaanada inay codkooda siiyaan Madaxweyne Shariif.” ayuu yiri.

 

Isaga oo balan qaadaya taageerada uu u hayo madaxweyne Shariif ayuu sheegay in uu guuleysan doono Shariifka isagana uu codkiisa siiyey.

 

“Shariifka waa saaxibkeey waana soo wada shaqeynay, wuu guuleysan doonaa anigana codkeyga waan siiyey,” ayuu yiri.

 

Kulanki maanta oo ay sidoo kale ka hadleen, Ra’isulwasaarihi hore Cali Maxamed Geedi, Prof. Maxamed Cumar Dhalxa, Maxmuud Axmed Nuur Tarsan, Xildhibaan Mustafa Dhuxuloow iyo siyaasiyiin kale ayaa dhamaan la isku raacay in si weyn beri codka loogu shubo madaxweyne Shariif.

Midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this