Sign in to follow this  
malistar2012

War deg deg ah Mas'uuli yiin ka qeybgaleysa Xafladda Taageerada Madaxweyne Shariif qudbadihii oo b

Recommended Posts

Xafladda ayaa furantay wax yar ka hor waxaana goob joog ah Ra’isul Wasaare ku xigeenkii ahaana Wasiirkii Gaashaandhigga ee xukuumadda haatan waqtigeedu dhamaadey iyo Wasiirka Amniga Qaranka iyo arimaha Gudaha ee isla xukuumaddaas, sidoo kale goobta waxaa ku sugan Pro. Ali Maxamed Geedi, Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

 

sidoo kale waxaa goob joog ah ajanib fara badan oo ka qeyb galayaao taageerada Madaxweynaha.

 

Waxaa kale oo goob joog ah Marwooyinka Madaxweynaha, iyo Xildhibaano fabadan oo goobjoog ka ah xafladda taageerada Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

 

Wali waxaan goobta soo gaarin madaxweynaha, inkasta oo la filayo in uu mar dhaw soo xaadiro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaflad tii ugu weyneyd oo ay dhigayaan Taageerayaa sha madaxweyne Shariif oo Muqdisho ka socoto

 

Wararka ayaa sheegaya in maanta lagu wado Xaflad weyn oo ka dhici doonta Hotelka City Palace oo taageereayaasha Madaxweynaha ay isugu imaan doonaan, waxaana lagu tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah kulamadii ugu ballaarnaa.

 

Madaxweyne Shariif ayaa ka bilaabay magaalada Muqdisho ololihii u dambeeyay ee doorashada, waxaana socda isbaheysi xoog leh oo ku aadan sidii mar kale uu u noqon lahaa Madaxweynaha.

 

Isbaheysiga ayaa waxaa qeyb ka ah Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay isku soo dhowaadeen Shariif Sheekh Axmed, iyadoo maalmihii u dambeeyay Muqdisho ay si toos ah ugu kulmeen labadan rafiiq ee horay isugu dhowaa, balse markii dambe siyaasada ku kala aragti duwanaaday.

 

Wararka ayaa sheegaya in maanta lagu wado Xaflad weyn oo ka dhici doonta Hotelka City Palace oo taageereayaasha Madaxweynaha ay isugu imaan doonaan, waxaana lagu tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah kulamadii ugu ballaarnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaanbax lagu dalbanayay in Sh. Shariif uu sii hayo xilka oo lagu qabtay Dhuusamareeb

 

 

Bannaanbax lagu taageerayay in kursiga madaxtinimada uu markale ku soo laabto Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

 

Dibadbaxan oo ayaa waxaa ka qeybgalay boqollaal ka mid ah dadweynaha ku nool degmadaasi kuwaas oo dalbanayay in xilka Madaxweynanimada Soomaaliya uu Afarta sano ee soo socota sii hayo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyagoo ka dalbaday xildhibaannada Baarlamanka in ay u codeeyaan madaxweyne Sh. Shariif.

 

Sidoo kale dibadbaxayaasha ayaa socod ku soo maray Afarta xaafadood oo ay ka koobantahay degmada Dhuusamareeb waxeyna kor u lulaleen Calanka Jamhuuriyadda iyosawirrada madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Degmooyinka Afgooye iyo Barlcad oo dhawaan laga xoreeyay malleeshiyaadka Alqaacidda ayaa iyagana dhawaan laga oogay dibadbax kan la mid ah oo lagu dalbanayay in Afarta sano ee soo socota uu xilka madaxnimada Soomaaliya uu sii hayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

 

Dibadbax-Muqdisho-allsomali24.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this