Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

Al Shabaab oo sharaystay Farmaajo..!!!

Recommended Posts

Xarakada Al-Shabaab ayaa waxaay manta habaar dusha uga tuureen R/wasaaarihi hore ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo ayagoo ku shegay in uu yahay Shaqsiga Masuulka ka ah Itaal darida la soo gudboonatay Xarakada Al-Shabaab.

 

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sh. Cali Maxamuud Rage Cali dheere ayaa waxaa uu shegay in Xarakada Al-Shabaab ilahay ay ka baryayaan in usan ku soo celin R/wasaarihi hore ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo.

 

"Maalinti Farmaajo la magacaabay waxaanu ahayn awood jirta waxaan gacan ku haynay guud ahaan gobolka banaadir marka laga reebo Villa Somalia sido kale Gobolada Konfurta iyo Bartamaha Somalia gacanteena ayay ku jireen waxaa uu shaqo ka bilaabay in uu cafis u fidiyo saraakisheni iyo Ciidamadeeni waxaa uu nagu dhex yeeshay qolyo jawaasiis ah oo u basaasta waxa uu nagala dagalamay hubki sida fudud aan uga soo gadan jirnaya Askarta Dowlada, waxaa uu nagu dhisay niyadi Ciidamada Dowlada oo ayagu iskaba cararijiray markaan iska hornimaano qodobadaas iyo kuwa kale aya nagu kalifay in aanu iskaga baxno Gobolka Banadir" ayu yiri Sh.Cali Dhere.

 

Sh Cali dheere waxaa uu yiri Itaal darida manta haysta Xarakada Al-Shabaab waxaa sababteeda laha Murtadka weyn ee Farmaajo oo asagu si hoose iyo si koreba nola dagaalamay balse waxaa iska cad in ilahay ka jaseyn doono jabka uu ugaystay Mujaahidiinta Al-Shabaab ayu yiri Sh Cali Dheere.

 

"Inkasto Xubnaha Cusub ee Barlamanka Somalia ay ka buuxan Murtadiin badan hadana waxaa ku jira dad wali uu ku danbeeyo wanaga iyo in la ilaaliyo Awooda Islamka inta fikirkaas ficaan qabta ee manta ku jirta barlamanka cusub waaxaan ugu baqayna in aysan codkooda siin Farmaajo oo asagu dagaal noca ugu xun la galay Mujaahidiinta Al-Shabaab" ayu hadalkisa sii raciyay Sh Cali dheere.

 

Hadalka manta ka soo yeeray Al-Shabaab ayaa waxaa uu cadeyn cad u yahay in Awoodi Xarakada Al-Shabaab ay wiqantay lamana oga in Xildhibaanada Barlamanka Somalia ay ka jawaabi doonan Codsiga uga yimid Xarakada Al-Shabaab ee ku adaan in aan Madaxweynaha Somalia lo doraan Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Siyaasi   

"Inkasto Xubnaha Cusub ee Barlamanka Somalia ay ka buuxan Murtadiin badan hadana waxaa ku jira dad wali uu ku danbeeyo wanaga iyo in la ilaaliyo Awooda Islamka inta fikirkaas ficaan qabta ee manta ku jirta barlamanka cusub waaxaan ugu baqayna in aysan codkooda siin Farmaajo oo asagu dagaal noca ugu xun la galay Mujaahidiinta Al-Shabaab" ayu hadalkisa sii raciyay Sh Cali dheere.

big policy shift from the Youth, from all in the gov members "MURTADs", to only some Murtads.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this