Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

25*20 = 500

Recommended Posts

Newsflash four days ago:

 

Shuruudaha looga baahan yahay musharaxiinta ayaa ah sidan:

  • Inuu Soomaali yahay.
Inuu caafimaad qabo.
Inuu afartan sano ka weyn yahay.
In xukun danbi maxkamadeed aanu lahayn.
In codsiga madaxtinimada uu soo gudbiyo.
Inuu ku soo lifaaqo 10 kun oo Dollar oo diiwaan gelin ah.
Inuu soo gudbiyo barnaamijkiisa siyaasadeed.
Inuu heysto warqadda aqoonsiga in uu Soomaali yahay ama baasaboor Soomaali ah.
In labaatan xildhibaan ay u soo saxiixaan in uu musharax yahay qofka tartamaya
.
In halkii xildhibaan uu u saxiixi karo saddex murashax oo keliya.

Newsflash today:

 

Waxa ay sheegeen in ay si rasmi ah u soo buuxiyeen shuruudihii madaxtinimada Soomaaliya 25 xubnood, kuwaasi oo u tartami doona doorashada Madaxweynaha ee dhici doonta 10-ka bisha Sebtember. Magacyada xubnaha waxa ay kala yihiin:

  1. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyoow
Cabdiwaaxid Cilmi Cumar Goonjeex
Cadbullaahi Axmed Caddoow
Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas
Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo
Axmed Ismaaciil Samatar
Xasan Shiikh Maxamuud
Shariif Shiikh Axmed
Yuusuf Garaad Cumar
Cumar Salaad Cilmi
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
Bashiir Nuur Xasan
Xaaji Maxamed Ismaaciil Yaasiin
Cabdulqaadir Cosoble Cali
Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame
Xuseen Khaliif Jaamac
Maxamed Axmed Saalax
Salaad Cali Jeelle
Ibraahim Cali Xuseen
Saciid Ciise Maxamuud
Cismaan Maxamed Gacal
Maxamed Cabdullaahi Oomaar
Maxamed Cabdiweli Shiikh Yusuf
Maslax Maxamed Siyaad Bare
Sakariye Xaaji Maxamuud Cabdi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Marka xisaabta maa naga qaldan mise wax ayaa la isdabamarsiiye? See wax u jiraana.

 

Mise xildhibaan walba sadex mushaarax u saxiixay miyaana sida meesha ku qoran?

 

I think shuruudii ahayd in musharax walba la yimaado labaatan xildhibaan magacyadooda la iska indhatiray. If so, sheekadan qalad ku bilaabatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;865297 wrote:
Marka xisaabta maa naga qaldan mise wax ayaa la isdabamarsiiye? See wax u jiraana.

 

Mise xildhibaan walba sadex mushaarax u saxiixay miyaana sida meesha ku qoran?

 

I think shuruudii ahayd in musharax walba la yimaado labaatan xildhibaan magacyadooda la iska indhatiray. If so, sheekadan qalad ku bilaabatay.

MMA, I think websiteyada qaarkood dadka ayay jahawareer ku rideen qaabka ay wax u soo qoreen. Xildhibaanno 20 ah ayaa laga doonayey inuu musharrax kasta uu saxiix ka soo qaato. Marka xildhibaannada iyaga waxaa lagu xiray in halkii Xildhibaan uu kaliya u saxiixi karo ugu badnaan 3 musharrax. Marka 25*20 = 500, then 500/3 = 166.7

Remember xildhibaan kasta 3 qof ayuu u saxiixi karaa, which means 3 musharrax ayaa wadaagi kara 20 xildhibaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MMA, Qodobka 89 ee Dastuurka ayaa wax laga badalay, marka meeshii aheyd in 20 Xildhibaan ay soo gudbiyaan 1 Musharax waxaa laga dhigay in Xildhibaan walba uu soo jeedin karo illaa 3 Musharax..

 

Qodobka 89aad. Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka

(1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya, waxaana guddoominaya fadhigaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.
(Faqradan waa la tuuray)

(2) Ugu yaraan saddex meelood labo tirada guud ee Gole walba ee Baarlamaanka Federaalku waa inay joogaan u codaynta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka.
(Faqradan waa la tuuray)

(3) Waa in ay murashaxnimadiisa u soo jeediyaan fadhiga labada Gole ee Baarlamaanka ugu yaraan labaatan (20) xildhibaan Golaha Shacabka ah ama ugu yaaraan hal (1) Dawlad Goboleed.
(Waxaa lagu bedelay in halkii xildhibaan uu musharaxnimadiisa soo jeedin karo (taageeri karo) illa saddex musharax)

(4) Xubnaha Golaha Aqalka Sare markii ay u codeynayaan dorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka wuxuu qof kasta leeyahay hal cod.
(Faqradan waa la tuuray)

(5) Murashax Madaxweyne oo kasta waa in uu murashaxnimadiisa gaarsiiyaa Baarlamaanka Federaalka waana in uu barnamijkiisa doorashada u soo bandhigaa Baarlamaanka Federaalka, oo markaa ka dib dooranaya isaga oo la raacaya geeddi-socodkan:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this