Sign in to follow this  
dirir

cajiib

Recommended Posts

dirir   

waxaan ku bilaabayaa magaca ilaahay

walaalaha nuur horseedka ka yahay waa gartay fariintiina laakiin waxaa laga yaabaa inaan is leeyahay fikrad ku kordhi walaalahaa taas oo ah horta ma sax baa inaad warsame iyo kooxdiisa ku sheegno ehlu kitaab? anigu sidaan culimada ka maqlay sharcigana ku yaala qofkan oo kale waxaa loo yaqaan =murtad=ciqaabtiisan waynu wada naqaanaa sababta ciqaabta adag ee dilka ah ilaahay ugu xukumayna waa xaq wax ka dambeeya waa baadil sidaad aragtaan qofka masiixiyada ku dhasha ciqaab malaha laakiin murtadku waa leeyahay waayo qof ilaahay gartay oohadana inkiray weeye =midda labaad qofku markuu waxa laga doodayo aqoon u leeyahay baa lala doodaa waa dhib inaad wakhtigiina ku lumisaan i jiid aan ku jiidee "waxaan ka doorbidayaa ama aan idinkula talinayaa inaad la niqaashtaan dadka ku dhashay kiristaanimada waayo kuwaasi ugu yaraan bible ka bay aqoon u leeyihiin laakin false christian ku walaahay naftooda xitaa aqoon uma laha

dhinaca kale warsame wuxxu sheegtaa inuu islaamka aqoon u leeyahay taas waaqica baa beeniniya

marka aan idin leeyahay hala doodina wa sidaa walaalayaal anigu runtii waxaa leeyahay saaxiibo badan oo kiristaan asal ah wan ala dooday xitaa wadaadadooda

waxaan ka bvaqaya inaad taladayda mar aad daasheen xusuusataan

wasalaaam calaykum ilaahay hayna waafajiyo wadad khayrka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaal Dirir

 

Shareecada Islaamka wexey u soo degtay lix dan in la ilaaliyo:

 

1. Diinta Rabbi oo Xaqqa ah oo lagu ilaaliyo Bayaan, dood, iyo cilmi la fidiyo

2. Caqliga ( oo laga ilaaliyo khamriga, drugs, yo qaatka iwm)

3. Nafta ( oo laga ilaaliyo fujuurka, lagu ilaaliyo taqwada)

4. Hantida ( in aan maalka dhexdeenna lagu cunin baadil)

6. Nasabka ( oo lagu ilaaliyo guur xalaal ah)

 

 

Walaal, waxaan noolnahay waa cussub, oo wata khatartiisa iyo fursadahiisa labadaba.

 

Danaha aan soo sheegnay oo islaamku leeyahay waxaa lagu gaadhaa is xikmad leh, taasna wexey u baahan tahay cilmiga usuusha shareecada in si fiican loo yaqaan, tan labaadna, in si fiican loola socdo xaaladda ay muslimiintu marayaan, iyo waxa lala damacsanyahay.

 

Haddii labo dan oo islmaaku leeyahay isku dhacaan, waxaa la doorbidaa in la qaato hadba tan nafciga badan, ama tan dhibka ay diinta soo gaadhsiin karto ay yartahay. Dabiqaadda Shareecada waa waajib, laakin shareecada kama dhalato bannaan, wexey u baahan tahay xeyn dad ah oo degaan leh, oona awood leh ey hirgeliyaan diintooda. Haddii intaa la waayo, xikmad ma aha in loo doodo in dhacdo gaar ah sida taad ka hadashay in lagu dhaqaaqo, maxaa yeelay danta islaamka maanta ma aha in lagu dhaqaaqo tallaabo ka hor imaneysa danta islaamka, oo ah in dad badan diinta qalad loo fahamsiiyo, mana wanaagsana inaad ku muujiso qoraalkaaga ood fitno o noqoto kuwa lumay markaad ceebaha cadowga islaamka ay ku sheegeen oo ah diin dadka leysa oon naxariis u leheyn iney aad u dooddo.

 

Waxaanad ogsoon tahay sababtii nabi Maxamed SCWS uu u dili waayey Munaafiqiinta iney aheyd in la yidhaahdo, muxamad asxaabtiisii ayuu laayaa, taasoo noqonoyesa ceeb lagu ceebeeyo Diinteenna oo natiijedadeeda ay noqoto in dadkii loo bandhigi lahaa diinta ay dib u gurtaan , taasna wexey ka soo horjeedda Danaha Islaamka aan kor ku soo sheegay qaybta Xifdiga diinta, ayadoo islma markaasna xukunka Murtadka ay soo hoosgeleyso Xifdiga diinta, sidaa darteed markey labada maslaxo iskudhacaan waa in la qaataa tan horumarineysa diinta, dhibkana ka yareyneysa Muslimiinta, annago fiiro gaar ah u leh hadba xaaladda taagan iyo meesha aan joogno..

 

Walaal, meeshaad ku nooshahay ma aqaan, laakin Somali, gudaha ama dibedda wexey Marti u tahay gaalo, dhab ahaantiina, dhibka aan annaga Somali isku sameynay, gaalo naguma sameyn ( markey u yartahay si muuqata ), haseyeeshee, wexey soo dhaweeyeen Somalida rayadkeeda oo Refugees ah, aadna wey u wanaajiyeesn, taasoo ay ku taallo sharciyada ay dajisteen oy kun socdaan.

 

Waxaa ii muuqata, in xamaas darteed aan looga boodin talo laga shallayo berri, islmarkaasna, inaan laga fadhiisan fidinta Diinteenna oo lagu fidiyo si xikmad iyo dareen wanaagsan uu ku jiro, maxaa yeelay walaal, sababta keentay in Somali ay gaalowdo waxaa sabab u ah annaga, isku laayay qabyaalad iyo diin xumo, marka, haddii dad ciqaab muteysteen, waa annaga, inteenna faraha ku dhiigga leh, iyo inteenna ku kaalmeysay waxqabad, maal, ama aamusnaan.

 

Hadda iyo dan. Allaha kaa abaal mariyo xamaaskaaga, hana kuugu deeq intaas in le'eg oo talo fiican ah, si aad u noqoto mid Diinta ugu adeega hadba sidey ku jirto danteeda, mar walba uu waqtigu isbeddalo, tabtana wey isbeddeshaa, xukunka sharciga ah sanam ma aha, ee waa mid loo soo dajiyey inuu danaha kor ku xusan uu xafido, miyaadan maqal ninkii ay Saxaabada u fatweeyeen inuu meydho asagoo buka oo boog leh, dabadeedna uu dhintay, Rasuulkuna SCWS uu yidhi, Qataluuh, qatalahumullah. Wey dileen, Allaha dilee!

 

Doodda socota waa mid cilmi badan uu ku jiro, haddaad sabir laato oo la socoto waxaa laga yaabaa inaad ka faaideysato sidii berrii aad ula doodi leheyd kuwo la mid ah Warsame, maxaa yeelay, waxaa dhaba ah in Somali ay is beddeshay, maalmaha soo socdana inaad maqli wax kaa yaabiya, hadaba, fiiro cusub u yeelo waxa dhacaya, mar walbana ogow in Allah uusan kugu kallifin taagtaada wax ka weyn.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
dirir   

salama calaykum mr nuur

akhii waa fahmay fariintaada qiimaha badan

jazaaklaah khayr ha ii fahmin inaan fududaaday laakiin fikrad aan is tusay aniguna aan ku dhaqmo weeye kugumana diidin inaad doodan wado hana ii arkin nin kaa mashquulinaya laakiin sidaan kuu sheegay waxaan u arkay in wakhti kaaga lumayo dadkan waana arkay runtii qaar walaalaha wadadii ilaahay u soo celiyeen iyo islaamka inkasta oo ay yaryihiin taas oo ah badanaa qofka ilaahay ku kufriya islaamnimo ka dib ciqaabaha waxaa ka mid ah inaan ilaahay waafajin si dhib yar inuu ku soo noqdo sida ay tilmaamayso aayad ku jirta suurada an-naxal laakiin akhii sidaan kuu shheegay waxaan keliya ee aan ku xusuusiyey waa ma la siin karaa xukunka ehlu kitaabka taas culimada waa diideen intaan ogahay si kastaba ha ahaatee hawsha aan kala qaybsano inshaalaah wad debate kaaga waana kugu garab taaganahay anaguna wixii aan u aragno inaan qaban karno waa wadaynaa

ninkan warsame mudo hada waa u jawaabayey maqaaladiisa somali net runtiina nin christianka cilmi u leh maaha oo waad aragtay sida uu idiin wareejiyo marka akhii ilaahay hakugu ayidoo juhuudkaaga adiga iyo walaalaha kale waana idin garab taaganahay

jazaakumulaah khayr

akhuuk dirir

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaal Dirir

 

JZK dareenkaaga Allaha kugu gaarsiiyo waxaad camal ku gaariweysay, dahammanteenna sidaasoo kale, amin

 

Walaal, Warsame iyo kuwa la mida ah oo caddeystay iney diinta ku jirin lama oran karo iney yihiin Murtadd ilaa ay maxkjamad sharci ah xukunkaas fatweyso, maxaa yeelay, sida ka muuqataa waa gaalnimo cad, hadaba, goormuu diinta soo galay si uu uga baxo? taas ayaa is weydiin leh.

 

Wallahu Aclam

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this