Sign in to follow this  
Dr_Osman

Khatumo Soldiers Defect To Garowe. PICS + AUDIO

Recommended Posts

Dr_Osman   

Ciidamo ka soo goostey Khaatumo oo Garowe yimid

 

22 Aug 22, 2012 - 2:08:38 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa maanta 22 August,2012 waxa soo gaarey ciidamo ka soo goostey Maleeshiyo beleedka Khaatumo la baxdey waxana tiradoodu gaareysey ilaa 30 askari oo watey gadiidka dagaalka.

 

Kantaroolka Koonfureed ayaa saxaafada waxa kula hadlay Wasiir ku xigeenka maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan oo sheegey in ciidamadan ku soo biireen kuwa Puntland oo markii horeba ka tirsanaayeen.

 

Cabdi Qowdhan waxa uu cadeeyey in ciidamadan been loo sheegey oo la marin habaayiyey balse markii danbe ay garowsadeen in guryahoodi ku soo laabtan iyo ciidamadii ay horey uga tirsanaayeen.

 

Ciidamada Booliska Puntland Col.Maxamed Siciid Jaqanaf iyo Taliyaha Ciidamada Danbi baaritsa Puntland (CID) Cabdifataax Cameey ayaa kulan wareedkan goob joog ka ahaa.

 

Taliyaha ciidanka maanta Garowe soo gaarey Gaashaanle Dhexe Maxamed Cali Afgaab ayaa hadalo kooban isna siiyey Saxaafada oo dhinaciisa muujiyey in ay ku hungoobeen maamulo looga dhawaaqey gobolka Sool islamarkaasina ogaadey in aysan dan u wadin shacabka gobolkaasi.

 

2010 inuu ka tirsanaa ciidamada Puntland ayuu Afgaab tibaaxey balse uu dan moodey markii hore kooxdii SSC ee looga dhawaaqey halkaasi iyo Khaatumo oo ka danbeysey markii danbena uu ogaadey in siyaasiyiin dibad joog ahi qorshayaal kale wataana uu dib ugu soo laabtey ciidamadii Puntland uu ka tirsanaa.

 

Sidoo kale madasha lagu soo bandhigey ciidamadan iyo gawaaridii ay wateen ayaa waxa tix gabay ah ka jeediyey Abwaan Cabdulaahi Maxamed Jibriil oo ku ku baraarujiyey ciidamada guud ahaan adkeynta midnimada reer Puntland.

 

Halkan ka dhageyso codka Wasiirka ,Taliye Afgaab iyo Abwaan Jibriil

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Ciidamo_ka_soo_goostey_Khaatumo_oo_Garowe_soo_gaarey.shtml

 

IMG_4538.JPG

IMG_4539.JPG

IMG_4544.JPG

IMG_4546.JPG

IMG_4553.JPG

IMG_4557.JPG

IMG_4558.JPG

IMG_4563.JPG

IMG_4567.JPG

IMG_4568.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

I am now convinced that these guys only do that to fill their cars with petrol then go back to the original cause. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this