Sign in to follow this  
General Duke

Speaker of federal Parliment the hottest race ever

Recommended Posts

Taleexi   

General Duke;859693 wrote:
Don't thank me, direct all applause to Faroole as many here believe he was behind the selection of Edo Saado Ali...
:D

Xaasha, weli waa miyir qabaa. Saado inuu Faroole soo doorto ka xumi balse inay barlamaanka gasho waan taageersanahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taleexi;859703 wrote:
Xaasha, weli waa miyir qabaa. Saado inuu Faroole soo doorto ka xumi balse inay barlamaanka gasho waan taageersanahay.

I am glad you are doing well and have come to your senses. As for Faroole, he is a terrible person for naming Saado..:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taleexi;859707 wrote:
Cajalad baa kaa dhex hadlaysa bal markay kaa danto isku keen soo warceli.

Damn & a few minutes ago I thought you had landed on your feet. Don't lose hope lad, Adeer Galayr will take you to the promised land..:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudiga doorashada baarlamaanka cusub oo shalay isu qeybiyay Gudiyo ka shaqeeya howlaha doorashada ayaa sheegay in maanta oo taariikhda tahay 23-ka Agosto ay bilaabaneyso diiwaan gelinta musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa.

 

Afhayeenka Gudiga doorashada Cusmaan Libaax ayaa sheeegay in shuraadaha laga rabo musharaxiinta ay tahay inay soo gudbiyaan araajidooda maanta 9-ka subaxnimo ilaa 2-duhurnimo.

 

"Musharaxiinta waxaa laga rabaa inay araajidooda soo gudbiyaan labada maalmood ee taariikhda tahay 23-24, saacada marka ay tahay 9-ka subaxnimo ilaa 2-da duhurnimo, waxay keenayaan araajidooda hoolka VIB-da garoonka diyaaradaha"ayuu yiri Cusmaan Libaax.

 

Sidoo kale waxaa uu xusay in shuruudaha laga rabo musharaxa ay tahay mid Gudiga isla gartay, isla markaana musharax walba uu soo gudbiyo File ka kooban codsi iyo labo sawir iyo CV-ga iyo lacagta diiwaan gelinta.

 

Shuruudaha ayaa waxay kala yihiin:-

 

1- In musharaxa u tartamaya xilka afhayeenka iyo labada ku xigeen ay yihiin xildhibaano baarlamaanka ka tirsan.

2- In musharax kasta uu soo gudbiyo codsi qoraal ah oo wata labo sawir oo midab leh.

3- In musharaxa uu soo cadeeyo jagada uu doonayo inay tahay afhayeenka ama inay tahay ku xigeenada.

4- In musharax kasta uu iska bixiyo lacag diiwaangelin ah oo gaareysa sidan_

- Jagada Afhayeenka = $3,000 (Saddex kun doolar)

- Jagada gudoomiye ku xigeenka 1aad = $2,000 (Labo kun doolar)

- Jagada gudoomiye ku xigeenka 2aad = $1,000 (Kun doolar)

 

Ugu dambeyn waxaa uu gudiga sheegay in doorashada gudoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa ay dhaceyso 26-ka bishan oo ku beegan maalinta Axada.

Riix halkan(CLICK HERE)Soo booqo bogeena Ciyaarah ee jowharsport.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiga doorashada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa shalay shaaca ka qaaday shuruudo ay sheegeen in laga doonayo musharixiinta u tartameysa xilka afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Xubnaha guddigan oo ay ka dhex muuqdaan xildhibaano baarlamaankii hore ku jiray aadna ugu dhow Shariif Xasan ayaa galabta sheegay inay maalinta berito ee Khamiista ay bilaabayaan qabashada codsiyada musharixiinta u tartameysa xilka afhayeenka baarlamaanka iyo labada gudoomiye ku xigeen, iyadoo la shaaciyey shuruudaha laga rabo.

Shuruudaha ay guddiga shaaciyeen waxay kala yihiin sidan;-

1- In musharaxa u tartamaya xilka afhayeenka iyo labada ku xigeen ay yihiin xildhibaano baarlamaanka ka tirsan.

2- In musharax kasta uu soo gudbiyo codsi qoraal ah oo wata labo sawir oo midab leh.

3- In musharaxa uu soo cadeeyo jagada uu doonayo inay tahay afhayeenka ama inay tahay ku xigeenada.

4- In musharax kasta uu iska bixiyo lacag diiwaangelin ah oo gaareysa sidan;

- Jagada Afhayeenka = $3,000 (Saddex kun doolar)

- Jagada gudoomiye ku xigeenka 1aad = $2,000 (Labo kun doolar)

- Jagada gudoomiye ku xigeenka 2aad = $1,000 (Kun doolar)

Khasnajiga guud ee guddiga doorashada waxaa loo magacaabay Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye, halka ay xubno ka yihiin Cismaac Libaax, Fowsiyo Maxamed iyo Sheegow oo dhamaantood ka mid ah xubnaha Shariif Xasan ugu jira baarlamaanka cusub.

Waxaa xusid mudan in afhayeenka iyo labada ku xigeen dhacaysaa maalinimada Axada ee ku beegan 26-ka Agoosto waxaana la filayaa in musharixiin farabadan ay isu soo taagaan jagada afhayeenka baarlamaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiga Doorashada oo doortay laba Gudoomiye-yaal iyo Afhayeenkooda, iyo magacyadooda oo la-shaaciyay

Guddigii shalay Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay ee loo-aqoonsaday Guddiga Doorashada ee Gudoomiyaha Baarlamaanka, ayaa waxay soo doorteen laba Gudoomiye-yaal iyo Afhayeenkooda.

 

Guddigaan oo ka kooban 15 xubnood ayaa waxay maanta Magaalada Muqdisho ay ku qaataan shir soconaayay muddo dhawr saacadood oo xiriir ah, waxaase Shir Gudoominaayay Ku Simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka General Muuse Xasan Cabdulle.

 

Gadoonka sare ee Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa loo-magacaabay Caasha Xaaji Cilmi, waxayna ka soo shaqeyn doonaan hanaanka ay ku dhaceyso Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka.

 

Gudoomiyaha Maaliyada amaba lacagaha ka qabanaaya Musharaxiinta xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka u taagan ayaa waxaa loo-magacaabay Khadiijo Axmed Diiriye, iyadoo isla caawa bilowday shaqadaan.

 

Afhayeenka Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa si rasmi ah loogu soo doortay Cusmaan Libaax Ibraahim, isagoona ku hadli doona magaca Guddiga Doorashooyinka, oo ka kooban 15 ruux.

 

Ku Simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka General Muuse Xasan Cabdulle, ayaa wuxuu xubnahaan uu ku baaqay inay dardar geliyaan Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka, oo la-qabaaayo 26-ka bishaan, oo ay maalmo uun inaga xigaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilaa afar musharax ayaa si horu dhac ah isugu soo sharaxay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo lagu wado in 26-ka bishan ay dhacdo doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen.

 

Musharaxiintan oo ahaa siyaasiyiin horay uga soo mid noqday Xukuumadihii hore ayaa xilligan diyaar u ah tartanka loogu jiro xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka.

 

Musharaxiintan ayaa waxaa ka mid ah Prof. Cali Khaliif Galeyr oo horay u soo noqday Ra'iisul Wasaare, haatanse ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ahaa Gudoomiyihii Gudiga madax banaan ee Dastuurka, C/risaaq Jurile iyo Cabdi Cabdulaahi Xaashi oo horay u soo noqday Maareeyihii Golihii Murtida iyo madadaalada ee National Theatre.

 

Inkastoo qaabka awood qeybsiga iyo sida looga bartay cida isku soo sharaxeysa Gudoomiyaha Baarlamaanka ay sanadihii u dambeeyay aheyd mid Beelaha Digil iyo Mirifle ay isugu soo taagayeen xilkaas, ayaa hadana waxaa uu markan Tartanka saddex Mas'uul ugu sareysa dalka uu noqday mid furan oo beelaha ay u kala xusul duubayaan.

 

Labada Musharax ee kala ah Prof. Cali Khaliif Galeyr iyo Jurile waxay ka soo jeedaan beesha *******, waxaana hadii ay guuleystaan ay dhaawici doontaa rajada Madaxtinimada ama Ra'iisul wasaare ka qabaan Beesha ******* inay helaan.

 

Sidoo kale Prof, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka soo jeeda Digil iyo Mirifle ayaa hada la saadaalinayaa inuu yahay ninka loo badinayo jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu ku guuleysanayo, waxaana hadii uu qaato noqon doontaa mid Shariif Xasan ka samri doona jagada Madaxweynenimo oo uu haatan u hanqal-taagayo.

 

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka soo jeeda Beesha ***, waxaa uu horay ula tartamayay Shariif Xasan markii labaad oo loo dooranayay Gudoomiyaha Baarlamaanka sanadkii 2010, doorashadii ka dhacday xarunta Golaha Shacabka.

 

Waxaa suura gal ah inay saacadaha soo socda ku soo biiraan musharxiin hor leh oo laga yaabo inay ka yimaadaan beelo kale, waxaana hada la calaamadeynaya in musharax ka soo jeeda Beesha ****** uu ku soo biirayo musharaxiinta haatan shaacisay hankooda ku wajahan jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka.

 

Xaaladaha taagan ee siyaasada marba dhan u jiitameyso ayaa ah mid aan saadaal rasmi ah laga bixi karin, iyadoo wax walba isu bedeli karaan saacado gudahood, hadana dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in loolanka siyaasadeed ee ka socda Muqdisho uu yahay kii ugu ballaarnaa abid soo marta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this