Sign in to follow this  
Abwaan

Munaasabaddii dhaarinta Xildhibaannada cusub, dardaarankii madaxweynaha (masawirro iyo cod).

Recommended Posts

Abwaan   

Qudbadii Dardaaranka Madaxweynaha iyo Dhaarinta Xildhibanada (Sawiro -Dhageyso)

 

 

Updated About:2 hours ago

 

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa qudbadi ugu horeeysay u jeediyey baarlamaanka cusub.

 

Sheekh Shariif ayaa ugu hambalyeeyey xubnaha baarlamaanka in ay noqdaan xildhibaanadi ugu horeeyey ee Dowlada Federaalka Soomaaliya, isaga oo u mahad celiyey dhamaan dadki kasoo qeybgalay soo diyaarinta baarlamaanka.

 

Sheekh Shariif ayaa sheegay in hada la joogo waqtigi ay dowladiisu sugeysay, waxa uu ka codsaday shacabka iyo xildhibaanada in ay u nuglaadaan sharciga si dowlada cusub ay u noqoto mid sharciga dhowrto.

 

“Waxaan joognaa maalinti aan u soconay, hal sano waxaa laga shaqeynayey in aan halkaan imaano, maanta waxaan ku guuleysanay in aan baarlamaan dhaarino iyo in aan gudoomiye kumeel ah helno, beri waxaa bilaabanaya kulanki labaad ee baarlamaanka, dowlada in ay kumeel gaar ka baxdo waa wax aan aad u dooneynay waana gaarnay, xildhibaanada waxaan ka codsanayaa in kuligeen aan u nuglaano sharciga si ay inoogu dhalato dowlad sharciga dhowrto,” ayuu yiri.

 

Dhageyso Qudbadii Dardaaranka oo dhan

 

 

 

Waxaa goor dhaw la dhaariyey xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

 

Munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah Adan Cade ayaa lagu dhaariyey 225 xildhibaan kuwaasi oo noqday talaabadi ugu horeysay oo ay Dowlada Federaalka Soomaaliya qaado.

 

Dowlada cusub oo ay hordhac u noqdeen xildhibaanada ayaa waxaa xaadir ku ahaa munaasabada madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Shariif Sheekh Axmed, iyo saraakiil ka socotay beesha caalamka oo uu ugu horeeyo Mahiga.

 

Kulan ay isla caawa ku yeesheen goobta lagu dhaariyey ayey xildhibaanada gudoomiye kumeel gaar ah ugu magacaabeen Jan. Muse Xasan Cabdullle.

 

Gudoomiyaha Maxkamada sare Caydiid Ilkaxanaf ayaa goobta uga dhawaaqay in gudoomiyhaa baarlamaanka la dooran doono 26-ka bishaan August si kadibna loo doorto madaxweynaha cusub.

 

Dhageyso Qeybtii kowaa ee dhaarinta Xildhibaanada iyo

 

 

 

Dhageyso Qeybtii 2aad ee dhaarinta Xildhibaanada

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

 

 

http://www.midnimo.com/2012/08/20/qudbadii-dardaaranka-madaxweynaha-iyo-dhaarinta-xildhibanada-dhageyso/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Madaxweyne Shariif khudbadiisa waxaa laga dheehan karaa mid masuuliyadeed, sida kalsoonidu ku jirto ee uu u soo dhaweeyey baarlamaanka cusub iyo guddoomiyaha isagoo isla markaana xasuusiyey masuuliyedda laga sugayo iyo inay u istaagaan in Soomaaliya wanaageeda laga sii shaqeeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Arrin sahlan ma ahan dadkaan magaca Ilaahay lagu dhaariyey iyo sidan soo socota inta kitaab gacanta loo saaray: "waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay, inaan xilkayga u guto si daacad ah oo danta dalka iyo diintu ku jirto, dhawrana dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

dhaarinta-xildhibanada_1.jpg

Former President Sharif

dhaarinta-xildhibanada_2.jpg

Former PM Abdiweli

dhaarinta-xildhibanada_7.jpg

Is that former minister Garjeex?

dhaarinta-xildhibanada_5.jpg

temporary speaker Gen. Muuse

dhaarinta-xildhibanada_6.jpg

dhaarinta-xildhibanada_13.jpg

Do I see Macallin Jiis over here?:D

dhaarinta-xildhibanada_16.jpg

I can see three individuals I personally know; Bashiir Goobe, Mustaf Dhuxulow and Prof. Guure.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Haddaba marka dib loo fiiriyo illaa sannadkii 2000 ee ay soo billawdeen dowladihii ku-meelgaarka Soomaaliya maxaa isbeddelay? Aragtidayd waxaan qabaa wax badan. Oo maxaa ka mid ah?

In maanta dhul Soomaaliyeed lagu dhaarinayo xildhibaanno cusub oo Soomaaliyeed.

Inkastoo muddadii loo qabtay la gaarey in haddana rajadu dhowdahay oo mar dhow la filay dowlad wax badan dhaanta kuwii hore

Inkastoo qaar badan oo ka mid ah xildhibaannadan cusub ay yihiin kuwii hore haddana waxaa markaan soo muuqday shakhsiyaad leh khibrad, aqoon aananna ahayd dadkii mar walba iska soo daba noqon jirey.

In goobta la isku dhaarinayo ay tahay mid amnigeeda la sugay oo si nidaam leh hawshu u socoto

Inay goobjoog ka yihiin madaxdii wakhtigoodii dhammaaday, taasoo la dhihi karo waa guul

In qaar badan oo ka mid ah dagaal-oogeyaashii loo diiday inay ku biiraan xildhibaannada cusub

 

 

 

Waxyaabaha la is dhihi karo inay u baahan yihiin sixid?

In la soo dhamaystiro qaybtii loo qoondeeyey haweenka Soomaaliyeed, waayo bulshada ayey ka yihiin qayb mug leh.

In laga saaro shakhsiyaad dhibka Soomaaliya ka dhacay ka soo qaatay qayb weyn oo soo galay baarlamaankan cusub

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Abwaan;858654 wrote:
dhaarinta-xildhibanada_17.jpg

dhaarinta-xildhibanada_21.jpg

Shariif Xasan muxuu ku qoslaa, Wakhti lagu jiro dhaarin?

dhaarinta-xildhibanada_25.jpg

Xitaa habeenkii baa la isla gaarey.

Sakiin wuxuu ku qoslayaa ma dhaar baa wax iga taraysa horaan boqol mar u soo dhaartaye!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this