Sign in to follow this  
Liibaan

Guddiga Farsamada Ayaa Beeniyey Liis Ay Ku Qoranyihiin 202 Xildhibaan oo La Baahiyey

Recommended Posts

Liibaan   

Guddiga farsamada soo xulista xildhibaanada baarlamanka cusub ee Somalia ayaa beeniyey kuna Tilmaamay waxba kama jiraana liis Magacyo ah oo ay ku qoran yihiin magacayada 202 xildhibaan oo la baahiyey .

 

 

 

Guddiga farsamada soo xulista xildhibaanada baarlamanka cusub ee Somalia ayaa beeniyey kuna Tilmaamay waxba kama jiraana liis Magacyo ah oo ay ku qoran yihiin magacayada 202 xildhibaan oo la baahiyey.

 

Liiska warbahinta lagu Faafiyay ayaa la sheegay in ay Wataan koox gudiga Farsamada ka mid ah kuwasoo ku dhex darsaday xubno laga horey looga reebay waxaana la shegayaa in 11 kamid ah xubnihii ku guulaystay Imtixaankii lagu marayay kamid noqoshada Xildhibaanadana laga reebay luguna badala kuwo been abuur ah .

 

Guddigu ayaa kasoo horjeestay Liiskaaan kuna sheegay in uu yahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin, iyagana aysan baahinin, waxayna intaa ku dareen liiska saxda ah ee xildhibaanada cusub ay baahin doonaan maanta inta ilaa hadda loo soo gudbiyey ee ka soo baxday shuruudaha lagu xiray.

 

Warar isa soo taraya ayaa shegaya in liiska xalay la faafiyey ay ka dambeeyeen inuu dibeda u soo baxo qaar ka mid ah xubnaha guudiga farsamada kuwaso arimo siyaasadeed ka fulinayey Gudiga dhexdiisa laguna dhaliilay guddigaas qaabka shaqada loo diray ku wadaan, waxaana lagu tilmaay in ay yihiin shaqsiyaad donaya in ay abuuran qas iyo jaha wareer .

 

 

Wararka ayaa sheegaya in arintani ay Buq ka dhex dhalisay Xubnaha Guddiga Farsamada waxaana la filayaa in maaanta ay kulan la yeshaan Beesha caalamka Gaar ahaan Mahiga iyo Xubnaha Midawga afrika ka jooga Muqdisho lana soo saaro liiska layku wada racsan yahay .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this