Sign in to follow this  
General Duke

New generation of Puntland leaders enter parliament...

Recommended Posts

?attachment_id=41111

 

Prof.Cabdulqaadir Cabdi Xaashi (Fiqi).

 

Prof. Cabdulqaadir Cabdi Xaashi (Fiqi) Waa Wasiiru-dawlaha Qorshaynta iyo Xiriirka caalamiga ah ee dawlada Puntland ee Soomaaliyeed, Wuxuu isna kasoo dhex muuqday Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, Mr.Xaashi Wuxuu kudhawaad sadexdii sano ee lasoo dhaafay ahaa Wasiiru-dawlaha qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dawlada Puntland, wuxuuna sidoo kale si gaar ah u ahaa Wakiilka gaarka ah ee dawlada Puntland u qaabilsan arimaha xiriirka caalamiga ah, Waa siyaasi rug cadaa ah Waana nin caan ku ah bulshada caalamka dhexdeeda wuxuuna sharaf iyo miisaan lagu tixgeliyo kuleeyahay dawlada Puntland ee Soomaaliyeed isagoona qabtay arimo muhiim ah.

Prof.Cabdulqaadir Wuxuu ku guulaystay intii uu wakiilka Puntland uga ahaa bulshada caalamka arimo faro badan oo muhiim ah waxaana uu dawlada Puntland kusoo xiray saaxiibo caalami ah oo uu leeyahay oo ay kujiraan Wasiiro katirsan wadamada Yurub iyo kuwa Qaarada Afrika, Wuxuuna si gaar ah ugu amaananyahay waxqabadka ay dawlada imika jirta ku caanbaxday ee dhanka Xiriirka caalamiga ah kaasoo marar badan magaca Puntland geeyey shirar caalami ah kaliftayna in xubno darajooyinkoodu ay sareeyaan ay qaabilaan isaga soona booqdaan deegaanada xasiloon ee Puntland, ka hor intii uusan Wasiirka ka noqon dawlada Puntland wuxuu noqday madaxweynaha golaha qurbajoogta Puntland ee Maraykanka (PDF) Wuxuuna ka hor ahaa Diblamaasi sare oo katirsan safaaradaha Soomaaliya ee Maraykanka iyo Canada, Dr.Xaashi ayaa la rajaynayaa inuu isna waxbadan kusoo kordhiyo siyaasada dawlada Soomaaliya gaar ahaana tan baarlamaanka oo la rajaynayo inuu Miisaan sare ku yeelan doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

?attachment_id=41114

Mudane, Maxamuud Xayir Ibraahim Waa gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warsahadaha ee Puntland sidoo kalena waa gudoomiye xigeenka rugta ganacsiga ee Soomaaliya, Mr.Xayir Wuxuu Xafiiskaan joogay Afartii sano ee lasoo dhaafay isagoona labo jeer oo isxigta loo doortay Gudoomiyaha rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Puntland taasoo ay sabab u tahay waxqabadkiisa dhanka hormarinta Rugta iyo arimo kale oo Muhiim ah.

Maxamuud Xayir Ibraahim Waa Aqoonyahan Dhalinyaro ah oo firfircoon maamuusna Bulshada qaybaheeda kaladuwan ee Puntland sidoo kalena Waa ganacsade kujira Ganacsiga Puntland gaar ahaana shirkado Muhiim ah, Maxamuud intii uu Xafiiska Rugta Ganacsiga joogay wuxuu ku guulaystay arimo badan oo ku saabsan isku xirka bulshada ganacsiga iyo dawlada oo uu xiriirkooda heerkii ugu sareeyey gaarsiiyey, isku keenista iyo midaynta ganacsiga Puntland, Hormarinta arimaha bulshada sida dhismihii Isbitaalka guud ee Boosaaso, Sidoo kalena Wax u qabashada dadkuu ku cayroobay dabkii baabi’iyey hantidii taalay Suuqa ugu wayn ee Puntland ee Boosaaso dhamaadkii sanadkii tagay (December 3, 2011) Gudoomiyaha ayaa qaybwayn ka cayaaray xasilintii iyo nabadayntii beelihii walaalaha ahaa ee gobolka bari colaadu ku dhexmartay, Waxaa kaloo lagu xasuusan karaa Waxqabadkiisa samayntii hogaamo u gaar ah iskaashatooyinka qaybaha ganacsiga Puntland, Magaca rugta ganacsiga iyo warshadaha oo uu gaarsiiyey wadamo badan isagoo caalamka ka iibiyey Ganacsiga Puntland, Waxaana si gaar ah uu ugu guulaystay qabashada carwadii Koowaad caalamigana ahayd ee Ganacsiga Puntland oo markii ugu horaysay Abid lagu qabtay deegaanada Puntland, Isku soo wada duub oo Mr,Xayir Waa nin lagu bartay karti, Daacadnimo iyo Hufnaan wuxuuna kamidyahay wajiyada cusub ee Puntland ugu biiray Mudanayaasha baarlamaanka cusub lagana filayo inay isbedel muuqda ka gaystaan dadaalka lagu doonayo in qarankii Soomaliyeed dib loogu yigleelo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abuukaate, Cabdiraxmaan Xooshi Jibriil Waa Wasiirka Tastuurka ee dawlada “Badbaado Qaran” ee Imika dalka kajirta , wuxuuna kasoo dhexmuuqday baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, Mr. Xoosh Wuxuu kamidyahay Wasiir muhiimka u ah dawlada Dr.Gaas uu hogaamiyo Waa aqoonyahan ku xeeldheer dhanka shuruucda waxaana intii sanadka ahayd ee uu dawlada Soomaaliya Wasiirka ka ahaa uu ku guulaystay qorshe aysan ku guulaysan dawlada Soomaaliya tobonaankii sano ee lasoo dhaafay isagoo dajiyey, hagaajiyey, soona bandhigay tastuurka cusub ee Soomaaliya markii danbena ku guulaystay in cod aqlabiyadleh uu helo tastuurka cusub, waxaana uu kamidyahay raga muhiimka ah ee la rajaynayo inay waxbadan soo kordhiyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this