Sign in to follow this  
Liibaan

Dowlada Turkiga oo Taageertay MadaxWeyne Sheikh Shariif Sheikh Ahmed

Recommended Posts

Liibaan   

IMG_2330.jpg

Turkiga oo Garab Taagan Sh. Shariif

 

Dowlada Turkiga oo Taageertay MadaxWeyne Sheikh Shariif Sheikh Ahmed

 

Xili loolanka madaxweynenimo uu sii kululaalanayo ayaa madaxweynaha DKMG ah maanta waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, waxana uu ka gudoomiye dhambaal ka yimid Ra’isulwasaaraha Turkiga Rajob Tayib Erdogan.

 

Inkasta oo war saxaafadeed laga soo saaray kulanka madaxweynaha iyo safiirka uu ku qornaa luuqad dublamaasiyadeed sida aad hoosba ku arki doontaan, hadane KismaayoNews waxa ay fahamsantahay in dhambaalka madaxda Turkiga ka yimid uu ahaa mid taageero aan kala har lahayn uu Turkiga u muujiyey madaxweynaha DKMG ah, iyadoo illo wareedyo madaxtooyada ay sheegeen in madaxda Turkiga ay sheegeen in wax kasta oo suurogal ah ay samayn doonaan sidii Sheekh Shariif mar kale loosoo dooran lahaa.

 

Hoos ka akhri war saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda.

 

Maadaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Cemalettin Kani Torun.

 

Danjire Cemalettin Kani Torun ayaa madaxweyne Shariif guddoonsiiyay dhambaal uu uga siday madaxweynaha iyo R/wasaaraha dalka Turkiga oo ku amaanay madaxweynaha guulaha ay dowladdu ka gaartay siyaasadda iyo ammaanka.

 

Mr. Torun ayaa sheegay in dowladda Turkigu ay Soomaaliya ugu hambalyeyneyso ansixinta dastuurka iyo ka gudbidda marxaladda KMG ah.

 

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu u sheegay danjiraha Turkiga in Soomaaliya ay xusuusnaan doonto xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dhinac iyo gurmadkii ay u fidiyeen dadkii Soomaaliyeed ee ay saameysay abaartii ka dhacday waddanka sanadkii hore.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this