Sign in to follow this  
VivaSomaliaa

Puntland Minister set to join new National Parliament. Thoughts?

Recommended Posts

Puntlandi.com

Liiska Xildhibaanada cusub oo beri si rasmi ah loo aqbali doono Iyo Wasiiro, Ganacsato, Siyaasiyiin Aqoonyahan iyo Rag Macno kuleh Siyaasada Puntland oo kasoo dhex muuqan doona….(Warbixin).

Posted by nbi on August 11th, 2012

Waxaa la filayaa saacadaha soo socda gudiga farsamada ee kujira diyaarinta iyo ansixinta xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya inay si rasmi ah u aqoonsadaan una ansixiyaan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya iyadoona Xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay ka muuqan doonaan Wajiyo cusub oo siyaasada dawlada dhexe aan ka muuqan jirin.

 

 

 

Wararka ay Puntlandi ka helayso Muqdisho ayaa xaqiijinaya in ansixinta iyo diyaarinta liiska xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka cusub la rajaynayey inay maanta (Jimce) dhacdo balse wadanka oo jimcada aan la shaqayn darteed waxaa dib loogu dhigay maalmaha soo socda iyadoona wararku ay sheegayaan in gudigu uu dhameeyey badi howlaha xildhibaanada cusub ayna dhawaan ku dhawaaqi doonaan.

 

Wararka Puntlandi ay helayso ayaa xaqiijinaya in liiska cusub ee xildhibaanada Puntland ku matalaya dawlada cusub ee Soomaaliya si rasmi ah loo gudbiyey islamarkaasna la saxay meelo gudigu uu ka cowday oo ay kamid ahaayeen xubnaha Haweenka oo beelaha qaarkood laga codsaday inay badiyaan maadaama aad loo yareeyey Waxaana wararku ay sheegayaan in si rasmi ah liiska baarlmaanka cusub uu usoo bixi doono maalmaha dhow iyadoo la saxay.

 

Puntlandi ayaa sidoo kale ogaatay in Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Puntland ku matalaya uu ku dhacay isbedelkii ugu badnaa iyadoona ay aad u yaryihiin xubnihii horey ugu jiray Baarlamaanka ee kusoo noqday dhanka Puntland, Dhinaca kalena xildhibaanada cusub waxaa kamid noqon doona Wasiiro xilal muhiim ah Puntland ka haya, madaxda ururada dhanka ganacsiga ee Puntland, Aqoonyahano macalimiin ka ahaa jaamacado caalami ah, Siyaasiyiin xilal ka qabatay Puntland, madaxda qaarkamid ah firqooyinka diimaha ee dalka kajira oo Puntland kasoo jeeda, Haween badan, Siyaasiyiin xilal ilaa heer Ra’iisul wasaare Soomaaliya kasoo qabatay iyo xubno kale oo aad u yar kuwaasoo ahaa xubnihii awal Baarlamaanka ugu jiray Puntland oo aan sidaas u badnayn.

 

Xildhibaanadan cusub ayaa la rajaynayaa inay qayb muhiim ah ka noqdaan Ololaha uu doorashada ku galayo Ra’iisul wasaaraha Imika ee dawlada Soomaaliya oo ah musharax u taagan Xafiiska madaxweynaha Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo laftiisa la hadal hayo inuu kamid noqdo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

 

Faahfaahinta raga kusoo biiray Baarlamaanka ee Miisaanka culus leh Puntlandi kala soco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this