Sign in to follow this  
General Duke

Cabinet rubishes President Sharif's creation of new districts...OUTCH....

Recommended Posts

Golaha Wasiirada Oo Sharci Darro ku Tilmaamey Degmooyinka Madaxweynuhu Magacaabayo

About:- 8 mins ago | 0

 

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hirgalintii Dastuurka, siyaasada iyo habraaca tafaftirka warbaahinta Qaranka, arimaha Amniga, iyo Degmooyinka cusub ee la magacaabay.

 

Ugu horayntii Golaha ayaa isla soo qaaday hirgalintii Dastuurka waxayna ku tilmaameen inay ahayd ansixintiisu guul taariikhi ah taas oo lagu bixiyey juhdi faro badan suurtana galisay in Soomaaliya yeelato Dastuur mudo 43 sano kadib, iyadoo wixii farsamo ahna loo gudbin doono Baarlamaanka cusub,

 

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa golaha ka hor akhriyey siyaasadda iyo habraaca tafaftirka warbaahinta Qaranka madaama la galay waqti xasaasi ah, warbixintaas kadib goluhu wuxuu taageeray masuuliyada wasaarada warfaafinta ee ku aadan ilaalinta shuruucda iyo habraaca lagu dhaqayo warbaahinta qaranka, sidoo kale Goluhu wuxuu isla qaatay in lagu dhaqmo xeerka iyo siyaasadda wasaaradu u dajisay warbaahinta gaar ahaan waqtiga uu socdo isbadalka siyaasadeed.

 

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga ayaa warbixin ka siiyey Golaha dhacdooyinkii ka dhacay maanta magaalada Muqdisho waxaana Goluhu faray Hay’addaha Amniga inay ka hortagaan wixii khal-khal u keeni kara amniga madaama wadanka ku jiro marxaladd kalaguur ah, isla markaan sheegay in baaritaano ku sameeynayaan dadka ka danbeeya dhacdadii maanta.

 

Waxaa sidoo kale laga warbixiyey magaacaabista dagmooyinka cusub inay wax u dhimi karto dib-u-heshiisinta iyo dowladd wanaaga wuxuuna Goluhu soo jeediyey in la xakameeyo soo saarida go’aamada lagu beegayo xilliga doorashooyinka

 

Ugu danbayntii Goluhu wuxuu isku raacay in magacaabista Degmooyinka cusub ee aan Golaha la horkeenin aysan waafaqsanayn nidaamka dowliga ah, sidaas darteedna laga soo bilaabo 01, July 2011 ilaa 31, August 2012 wixii dagmo ah oo la magacaabay ay yihiin sharci darro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga ayaa warbixin ka siiyey Golaha dhacdooyinkii ka dhacay maanta magaalada Muqdisho waxaana Goluhu faray Hay’addaha Amniga inay ka hortagaan wixii khal-khal u keeni kara amniga madaama wadanka ku jiro marxaladd kalaguur ah, isla markaan sheegay in baaritaano ku sameeynayaan dadka ka danbeeya dhacdadii maanta.

 

Waxaa sidoo kale laga warbixiyey magaacaabista dagmooyinka cusub inay wax u dhimi karto dib-u-heshiisinta iyo dowladd wanaaga wuxuuna Goluhu soo jeediyey in la xakameeyo soo saarida go’aamada lagu beegayo xilliga doorashooyinka

 

Ugu danbayntii Goluhu wuxuu isku raacay in magacaabista Degmooyinka cusub ee aan Golaha la horkeenin aysan waafaqsanayn nidaamka dowliga ah, sidaas darteedna laga soo bilaabo 01, July 2011 ilaa 31, August 2012 wixii dagmo ah oo la magacaabay ay yihiin sharci darro

This is how you run a cabinet...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Duke, for over 20 years Soomaaliya degmooyin looma samayn, specially Koofurta. Altough I question the timing and think that some areas in lagu degdegayo oo laga faa'iideysanayo isbeddelka. But to say all degmooyinka la magacaabay are rubbish is caddaalad darro kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

abwan, this is xilli kala guur. i want all these degmos to be names right after the election but sharif is playing games here for personal gain. he can't do that.

 

i agree all degmos should be named but sheekh shariif like he said farmajo's arrival can't be broadcasted and abdiweli candidacy can't be broadcasted is abusing the office of presidency in the last few days.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Mooge you know I was the first one who even mentioned that president Sharif inuu Raadiyo Muqdisho ka xigsado C/Weli ay khalad tahay balse wax walbana Shariif baa sameeyey yaan loo mucaaradin. I agree inuu Shariif madaxtinnimo ku raadinayo degmooyinka uu magacaabayo balse just to say that uma qalmaan waxay ila tahay in arrintaas lagu degdegayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;855842 wrote:
Duke, for over 20 years Soomaaliya degmooyin looma samayn, specially Koofurta. Altough I question the timing and think that some areas in lagu degdegayo oo laga faa'iideysanayo isbeddelka. But to say all degmooyinka la magacaabay are rubbish is caddaalad darro kale.

I agree with you, many new districts need to be developed and old ones need updating. However thats for a perminent adminstration. Sharif Ahmed is wasting time and trying to save his seat, which is worth nothing...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this