Sign in to follow this  
Aaliyyah

Dastuurka Cusub OO Mamnuucay Gudniinka Hablaha ee Fircooniga Ah

Recommended Posts

Aaliyyah   

Dastuurka Cusub Oo Mamnuucay Gudniinka Hablaha Ee Fircooniga Ah-

Lasanod Online. Thursday, August 02, 2012

 

 

Muqdisho,(lasanod Online)- Dastuurka KMG Soomaaliya oo shalay aqlabiyad lagu ansixiyay ayaa wuxuu dambi ka dhigayaa..

 

gudniinka hablaha ee fircooniga ah, iyadoo lagu tilmaamay gudniinkaas inuu la mid yahay jidhdil loo geysanayo haweenka.

 

Gudniinka fircooniga ah ayaa si weyn looga isticmaalaa Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn sida uu uga hirgeli karo joojintiisu Soomaaliya, maadaama ay ay dadka Soomaaliyeed u arkaan inay muhiim tahay in haweenka la gudo.

 

Sidoo kale, dastuurka ayaa wuxuu ogolaayaa in caruurta Soomaaliyeed inta ay ka gaarayaan 15-sano ay helaan waxbarasho lacag la'aan ah, qodobbada sida weyn looga hadlay ee dastuurka ku jira ayaa waxaa ka mid ah, in qofku uu ku qaan-gaari karo 18-sano taasoo ay aad uga biyol diidan yihiin culummada Soomaaliyeed.

 

Dasturka ayaa waxaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay aqoonyahanno, culummo iyo dadweyne kala duwan, waxayna qaarkood ku tilmaameen mid aan u qalmin dalka halka kuwo kalena ay ku tilmaameen inuu yahay mid Soomaaliya u horseedaya nabad iyo horumar.

 

Guddoomiyaha Majmaca culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow ayaa ku tilmaamay dastuurka mid aan ka tarjumayn diinta islaamka, isagoo xusay in diyaarintiisa ay gacanta ku hayeen dad aan islaam.

 

Copyright © 2012 Lasanod.com

Dastuurka cusub waxyaala badan oo bulshada u wacan waa ku jira sida lugu xusay kor. Waa wax wanaagsan in la mamnuuco gudniinka fircooniga ah, waxbarasho lacag la'aana caruurta u helaan ilaa 15 ka gadhaan.

Laakin saas oo ay tahay hadana qodobo badan oo diinteena ku saleesneena waa ku jiraan. 18 in lugu qaangaadho diinteenu ma odhan. Marka halkaas waxaad ka aragta dawladaha shisheeya ee galbeedka in ay donaanayaan yaga valueskooda inay ku dabaqaan dalkeena. Tan sadexad, meel baan modayey in aan hada ka hor ka akhriyey in ninka usoo tartamaya jagada madaxwaynaha uu khasab aheen in uu muslim ahaado.? taas oo aheed arin aan ka yaabay.

 

Waxa wanaagsanaan laheed dastuurka in uu yahay mid aan hadaan somaali nahay so qoranay oo diinteenana ku saleesan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Ducaysane,

Not that many in the constitution just passed anyone can enfource right now, but it's a big step to have it there at least and acknoledge it's wrong by law. And when the nation stands and has functioning institutions in place, I guess, it's possible for sure at least in the town and major cities. This thing caused too many somali women's lives not to mention many dealing health issues it result.. Ban it and burn this bad custom..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this