Sign in to follow this  
AYOUB

Dear wax-magaratos..

Recommended Posts

AYOUB   

xooshgarqaad.jpg

 

Ganacsade Cabdi Xoosh ashkir oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa baaq u jeediyay Culumada Soomaaliyeed waxgaradka ku sugam magaalada Muqdisho, asaga oo u sheegay Culumada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho in ay wax ka qabtaan hantiada uu leeyahay ee la haysto.

 

 

Xoosh ashkir ayaa sheegay in aysan Diinta meelna uga jirin in qof xoolihiisa la Xalaalaysto, waxa uuna Culumada iyo wax garadka ugu baaqay in ay arintaas Diiniyan u sheegan dadka haysta Guryihiisa oo uu ku sheegay in ay gaarayaan ilaa 14-Gurig.*

“ waxaan rabaa in aan u sheego mar kale Culumada Soomaaliyeed wax garadka ah Jooga Muqdisho, in nimanka haysta Guryahayga oo ku Dukanaya oo xoogna ku haysta , oo caruur ku dhalaya, qaarbaa waxaa laga dhigtay Bangiyo sida guriga aan daganaa ee Digfeer ku yaal, in nimanka haysta guryahayga loo sheego, diinta islaamka waxay ka qabto” ayuu yiri Ganacsade cabdi xoosh ashkir.

 

“ Cali Xashi, Jen: Guuleed oo haysta Beertayda oo ku andacoonaya oo leh Jonkarlo oo Talyaani ah ayaa, iga gatay,kaas oo aan aniga Xataa lacag ku lahaa oo Bastrool aan ku lahaa dhacay, oo aan Jeegaga aan ku siiyay waan Haya, xataa Nairobi ayaan Maxkamad la tagay waa uu baxsaday, marka waxay la mid tahay Madaxweynaha, Raisal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha baarlamaanka hantida ay dadka ka dhaceen oo kale ayaa hantidayda loo dhacay”ayuu markale yiri Ganacsade xoosh ashkir.

“ Culumada iyo dadka islamka waxaan u soo jeedinaa in loo sheego kuwa wax ma garatada ah, hantidayda in ay soo wareejiyaan, waana xaaraan Qaadcan haloo sheego, Wax ma garatada ah ” ayuu yiri.

 

“ waxaa jira nin kale oo safiir ka ah jabuuti, oo dhul banaan kala gadanay, hadana sheeganaya comp india oushiyan, in uu gatgay waxaan leeyahay qalabkaas cagaf cagafyada laanroobarada, iyo Hotelkii Muun Star, Bastrool istashinkii, iyo Guryihii waa waynaa, Kuwaas oo uusan gadan Karin mana gadan, marka waxaan leeyahay comp waala yaqaanaa marka qof aan hanti ka gatay ma jirto, waxaan umada Soomaaliyeed u sheegayaa in ay wali dhimantahay Burburkii, Diintana haloo aqriyo dadka hantidayda haysata, marka waxaan islahaa Maxkamad iyo Dowlad ayaa dhalanaysa”ayuu yiri.

“ Kii madaxweyne laga dhigaa hadii uu hantida xadayo maxaa la samaynayaa, dastuurka la sheegayo aniga fikirka aan ka qabaa waxa uu yahay mid aan hagaagsanayn, marka sida hada ay tahay wax ka Roon hadii la keenayo, waan arkaynaa”ayuu yiri.

“ Baarlamaanka la dooranayo hadii aan aqoon lagu soo dooran wa dhibaato, qabiilka aan ka soo Jeedo arintaas kalama hadlin mana kala hadli doono, qabiil waxaa ka wayn somalinimada ayaan waxayga ku raadsanayaa”ayuu markale Yiri hanacsade cabdi xoosha shkir.

Sidoo kale ma jiraan wax war ah oo ka so baxay shaqsiyaadkaas uu ganacsade xoosh ashkir u jeediyay eedaynta kuna aadan in ay haystaan hanti uu sheegay in uu xamar ku lahaa.

 

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

Carafaat;853993 wrote:
How does one get 14 houses in a Socialist country. Mise 'hanti wadaag' waxa mooday 'hanti boob'.
:D

Somalis all over poured all their resources into Hamar - 14house is nothing compare to some whom owned whole streets. Siad's socialist wasnt similar to the likes of Nyerere whom his socialist ideas was modelled from the likes of Mao were a bit extreme although had its benefits too. Whereby no one could afford to even eat at some point iska baa daa build houses.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Carafaat;853993 wrote:
How does one get 14 houses in a Socialist country. Mise 'hanti wadaag' waxa mooday 'hanti boob'.
:D

Are asking as a Hiil-Daran rep or as a genuine wax-magarato?

 

Oba is laughing. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

Is it me, or the camera ...or this man is morbidly OBESE :eek: guryaha..uu shegaanayo..waxaaba iga daran caafimaadkiisa...bisinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this