Sign in to follow this  
Caano_Geel

Jacayl aan dhammaanbaa dhexda iigu maranoo, kii horaa i dhaawacay, kana wuu igu dhaartee!!!!!!!

Recommended Posts

Hadda ka hor ayaa waxa igu dhacay jacayl, aan ruux u qaaday, qofkaas oo niyaddu aad ugu bogtay. Jacayl kaasi wuxuu ahaa mid ka dhashay day-madii ugu horaysay ama is aragii qadh-dha hore ahaa, wixii maalintaa ka danbeeyay, si joogta ah ayuu sii fidaayay ilaa uu gaadhay meel aan loo dul qaadan karin.

 

Dabcan Jacaylku sida aynu wada og-soonahay waa wax jira, ama aaminsanow ama ha aamin sanaan, noloshuna sideedaba jacayl la'aan teed dhadhan ma laha...Wallow ay dadku ku kala duwan yihiin, sida loo kala abbaaro, looguna kala nugul yahay, dareenka dhabta ah ee nolosha aadmiga.

 

Yeelkeeda si kastaba aniga waxa i helay nooc uun jacaylka ka mida, kaasoo si fiican ii laasimay..In badan ayaan ka been sheegay jacaylka, oo aan xataa dafiray mararka qaar!.. Haddaba muxuu ahaa waxan igu dhacay ma jacayl mise wax kale????? Bal adiguba is waydii.

 

 

''Waxa caynba cayn looga dhigay ha is cajabiyaane'' Boodhari

 

Naftani waa bini aadan wuxuun bay iska jamataa, adiguna awood uma lihid inaad qalbiga intaad furto, gabigiisaba soo saartid, ka dibna wixii uu doonayay ka maydhid oo ilaw-siisid, waa mustaxiil, oo waa wax aan dhacayn taasi..iyadoo sidaasa haddana naftu waxa lagu qanacsiin karaa inay hesho wixii ama ay waydo......bal ka waran haddaba haddii aad labadaa dhec-dooda aad taagan tahay, taas oo wixii aad doonaysay aanad helin, aanadna waayin...

 

TO BE CONTINUED..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this