Sign in to follow this  
xiinfaniin

As August Deadlines Nears, Somalis Are Poised to Meet it.

Recommended Posts

Madaxweyne Sheekh Shariif oo Odayaasha Dhaqanka ka codsaday inay faraha kala baxaan Ansixinta Dastuurka Qabyada ah

 

 

Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha DKMG Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho inay faraha kala baxaan ansixinta dastuurka oo lagu wado in maalmaha soo socda uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

 

Sheekh Shariif ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu xarunta madaxtooyada shalay kula yeeshay odayaasha dhaqanka, isagoo u sheegay in ansixinta dastuurka loo daayo ergada ay soo xulayaan ee tiradoodu tahay 825-ka xubnood.

 

"Madaxweynuhu wuxuu naga codsaday inaan faraha kala baxaan ansixinta qabyo-qoraalka dastuurka aana u gudbinno ergooyinka aan soo xulayno," ayuu yiri Malaaq Shiino oo ka mid ah odayaashii kulanka la qaatay madaxweynaha la kulmay.

 

Codsiga madaxweynaha Soomaaliya ee ku aaddan inay odayaasha dhaqanku aysan lug ku yeelan ansixinta qabyo-qoraalka dastuurka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo odayaasha dhaqanka ay dhawaan ka hadleen saddex qodob oo dastuurka ka mid ah kuwaasoo mid ka mid ah ay ogolaadeen halka laba kalena ay diideen.

 

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ee ku aaddan odayaasha dhaqanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado in maalmahan uu ka furmo Muqdisho shir lagu ansixinayo dastuurka qabyada ah ee Soomaalia.

 

Waxaa jira hadallo ay murashaxiinta u tartamaya xilka madaxnimo ee Soomaaliya ay ku eedeeyaan madaxda dowladda KMG ah, kuwaasoo ay ku sheegaan inay iyagu isku koobeen la kulanka odayaasha dhaqanka si iyaga mar kale dib loogu soo doorto.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisul Wasaaraha Somalia iyo Danjire Augustine Mahiga oo Maanta kulan la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee Muqdisho ku shirsan

Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Phillip Mahiga ayaa maanta kula kulmay Muqdisho odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

 

Kulanka oo ahaa mid loo diiday inay saxaafadu goob-joog ka ahaato ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka socda Qaramada Midoobay iyo wasiirada DKMG ah qaarkood, iyadoo ra'iisul wasaaraha iyo Mahiga ay hadalo u jeediyeen odayaasha dhaqanka.

 

"Odayaasha dhaqanka waxay udub dhexaad u yihiin horumarka uu dalku higsanayo; kagana gudbayo xilligii KMG ah, waxaana diyaar u nahay inaan odayaasha ka caawinayo wax walba oo fududeyn kara howshooda," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo saxaafada uga warbixinayay khudbadii uu odayaasha u jeediyay.

 

Inkastoo aan si dhab loo ogeyn waxyaabaha rasmiga ah ee ra'iisul wasaaraha iyo ergayga Qaramada Midoobay ay kala hadleen odayaasha ayaa hadana hadalkii ay siiyeen saxaafada waxay ku sheegeen in odayaasha ay ku amaanan yihiin howsha ay hayaan.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu odayaasha ka dalbaday inay xiliga loogu talogalay kusoo gudbiyaan magacyada ergada ansixinaysa dastuurka cusub ee Soomaaliya, si howshaas looga gudbo.

 

"Qaramada Midoobay waxay tixgelin doonaa rabitaankooda odayaasha dhaqanka," ayuu danjire Mahiga ku sheegay khudbadii uu u jeediyay odayaasha dhaqanka ee ay maanta la kulmeen, isagoo odayaasha ku wargeliyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo gudbiyaan ergada ansixinaysa dastuurka soona xulaysa xubnaha baarlamaanka cusub.

 

Kulanka Mahiga iyo Gaas ay la yeesheen Odayaasha dhaqanka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Madaxweynaha Somalia uu shalay Odayaasha dhaqanka kula kulmay Xarunta Madaxtooyada isagoo ka dalbaday inay soo dedejiyaan xulitaanka Ergada Ansixinta Dastuurka.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamuud%20Tarsan.jpg

 

Shacabka Muqdisho oo laga dalbaday inay gacan ka geystaan qabsoomidda shirka lagu ansixinayo Dastuurka Cusub

Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Guddoomiyahha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ka dalbaday shacabka ku nool magaalada Muqdisho inay gacan ka geystaan qabsoomidda shirka lagu ansixinayo dastuurka oo maalmahan ka furmaya Muqdisho.

 

Duqa Muqdisho oo sheegay in la waayay dhaqaalihii lagu ansixin lahaa dastuurka looga baahan yahay ganacsatada iyo guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir inay gacan ka geystaan sidii ergada ansixinta dastuurka ay u martigelin lahaayeen.

 

"Shacabka Muqdisho waxaa sharaf u ah inay in lagu dhiso caasimadda Soomaaliya jamhuuriyaddii labaad, sidaasi darteedna looga baahan yahay in iyagoo isku duuban ay marti-geliyaan ergada ansixinta dastuurka qaybyada ah," ayuu yiri Tarsan.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hootsa ka xariiqay in sidoo kale ay lagama maarmaan tahay in wax laga qabto ammaanka Muqdisho maadaama aan shir lagu qaban karin goob aan ammaan ahayn.

 

"Shirka ansixinta dastuurka wuxuu soconayaa 15-maalmood, shacabka Muqdisho waxaa looga baahan yahay inay gacan ka siiyaan hay'adaha ammaanka sidii lagu xoojin lahaa ammaanka caasimadda," ayuu yiri duqa Muqdisho.

 

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo xukuumadda KMg ah ay dhawaan sheegtay in si KMG ah loo xirayo jidadka Muqdisho qaarkood si loo sugo ammaanka dugsiga tababarka booliiska oo la filayo in lagu ansixiyo dastuurka cusub ee Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

After what was increasingly becoming another missed opportunity, Somali leaders seem to have managed to gather strength needed to pass the draft constitution, a critical component in the road map to end the transition. President Sharif met with elders , and requesting them to restrain from critiquing the draft constitution. That role, he reminded them , is reserved for the constituent assembly, which elders are tasked to pick. The mayor of Mogadishu has also encouraged the residents to get ready for constituent assembly delegates inbound from various regions who will gather to start deliberation on the constitution.

 

These are good signs, they show political maturity. For if the process fails the consequence could be quite far reaching for all concern. For now, the brinksmanship has come to a halt.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The constitution may be outrageous to some, but the alternative is much worse. Prepare for yourself a partial trusteeship led by Rawlings of Ghana, especially if you are in the south central Somalia. Or revisit your political calculations , pass the constitution to end the transition , and work for ratification in 4 years time...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isbarbardhig: Qodobka 7aad ee labada Dastuur ee ay soo kala diyaariyeen Guddiga Madaxabannaan (Jabuuti) iyo Saxiixayaashii Roadmapka (Nayroobii)

 

Sida ku qoran Q.7aad ee Dastuurka ay so diyaariyeen Guddiga Madaxabannaan

 

Qodobka 7aad

 

Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya:

 

Gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda sare, iyo geyi-qaaradeedka iyo sidoo kale, dhulka iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuruyadda Federaalka Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Federaalku ansixiyo.

Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma xadgudbaan lamana qaybin karo.

 

Sida ay Q.7aad u bedeleen Saxiixayaashii Roadmapka

Qodobka 7aad:

 

Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya:

 

Gobannimada Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuruyadda Somaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.

Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.

Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.

Xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960 ee Soomaaliya.

 

Waqooyi: Gacanka Cadmeed

Waqooyi Galbeed: Jabuuti

Galbeed: Itoobiya

Koonfur Galbeed: Kenya

Bari: Badweynta Hindiya

 

Xiin what is your stance on this

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960 ee Soomaaliya.

 

What else are you looking for Oba? I see no issue there ...I think a lot of people are missing the big picture . Whether it is intentional, poor judgement or lack of awareness , I cannot say

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

oba hiloowlow;849842 wrote:
but xiinoow the 1960 constitution didn't define the somali borders ma ogid

The borders you and Miskiin are so bothered about would be the same if you include the lands missing in Somali Galbeed and NFD!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oba, the second republic will have the borders of 1960---only her character will be different.

 

Again, what is that you are opposed in the draft constitution? Conspiracy?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiin qodobada waa badan yihiin, like 5 sano baa lagu qaadana citizienship, afti ayaa lagu bedeli karaa waxkabedilada dhulka soomaliyeed, Arinta Caasimadda afti in lagu qaadayo, ninka soomaliyeed hal xaas kaliya buu heeysan karaa iyo waxyaalo farabadan oo kale. Btw odayaasha waxey dhaheen dastuurkii 2010 mid ka bedelan baa loo keenay oo madaxda dalka ay ku bedeleen qodobadda qaar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this