Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Cabinet Sign Ratify The Beginning Of Mullti Party Local Elections. A New Era Begins. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Ansixinta xeerka doorashada golayaasha deegaanka PL

 

8 Jul 8, 2012 - 7:02:57 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Golaha wasiirada dowladda Puntland ayaa maanta 8 July,2012 ansixiyey xeerka doorashooyinka goleyaasha deegaanada dowladda Puntland oo ay u soo gudbiyeen guddiga doorashooyinka Puntland.

 

Waxa shir gudoominayey madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole oo garab fahdiyey ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire iyadoona ay ka soo qaygaleen xubnaha guddiga doorashooyinka ka sokow wasiirada Puntland fadhigan aan caadiga ahayn.

 

Golaha ayaa laga hor akhriyey dhamaan qodobadda 61-da ee uu ka koobanyahay xeerkani kadibna waxa laguda galay soo jeedino ku saabsan qodobadiisa ka hor intaan gacan taag loo qaadin codka lagu ansixinayey.

 

Golaha Barlamanka ayaa xeerkani u gudbayaa si ay uga doodaan dhankoosa islamarkaasina ku daraan taladooda si uu u noqdo mid hirgala.

 

Xeerka doorashooyinka goleyaasha deegaanada Puntland ayaa waxa ku cad waxyaabo farabadan sida Tirada golaha deegaanka ,shuruudaha laga rabo codbixiyaha ,goobaha cod bixinta ,habka doorashada, qaabka soo bandhigida musharaxiinta ,bilowga iyo dhamaadka ololaha doorashooyinka iyo wakiilada axsaabta ama ururada.

 

Shalay mar uu saxiixayey madaxweynaha Puntland xeerka sameynta ururada siyaasada Puntland ayuu sheegey inay waa cusubi u baryey Puntland oo u talaabsatey habka nidaamka axsaabtan ka dib markii ay ku soo dhaqmeysey 14-kii sano ee la soo dhaafey habka wax ku qaybsiga qabiilka.

 

IMG_2204.JPG

IMG_2206.JPG

IMG_2207.JPG

IMG_2208.JPG

IMG_2209.JPG

IMG_2211.JPG

IMG_2212.JPG

IMG_2213.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this