Sign in to follow this  
VivaSomaliaa

Wasiir ka socday Puntland oo ku guuleystay in la saxo qodobo si qalad ah loo qoray oo ku jiray war-

Recommended Posts

Wasiir ka socday Puntland oo ku guuleystay in la saxo qodobo si qalad ah loo qoray oo ku jiray war-murtiyeedkii maanta ka soo baxay Talyaaniga.

 

 

Wasiiru dowlaha qorsheynta & iskaashiga caalamiga ah dowlad goboleedka Puntland C/qaadir Cabdi Xaashi, ayaa shirkii maanta ay yeesheen kooxda xiriirka caalamiga ah & dhinacyadda Soomaalida, wuxuu dood adag ka galay qaar ka mid ah qodobadii lagu soo qoray warmurtiyeedka ee la soo dhex dhigay ergadu in ay ka doodaan, waxaana qodobadda uu ka hadlay ka mid ahaa qodob uu soo jeediyey mas'uul ka socday wasaaradda arrimaha dibedda Talyaaniga oo ku taliyey in dastuurka Soomaaliya loo sameynayo lagu muujiyo qodob ka hadlaya xorriyada diimaha, iyadoo markii la soo jeediyey qodobkaasina ay ka aamuseen xubnihii ka socday dowladda federaalka, Galmudug & Ahlusuna, waxaana qodobkaasi gaashaanka ku dhiftay wasiiru dowlaha qorsheynta & iskaashiga caalamiga ah dowlad goboleedka Puntland C/qaadir Cabdi Xaashi oo si cilmiyeysan kaga hadlay in aysan jirin baahi qodobkaasi loogu daro dastuurka.

 

 

 

"Soomaalidu waa dad isku diin ah, mana jirto xorriyad & xorriyad la'aan diimeed, haddii sidaas loo dhigana waxaa ka faa'ideysana dadkan xag jirika ah, waxeyna keeneysaa kuwa dhex-dhexaadka (moderate) inay u galaan Alshabaab & wixii kale oo xag jir ah" ayuu yiri wasiirka C/qaadir Cabdi Xaashi, wuxuuna intaa ku daray in Soomaalidu tahay ummad 100% dad muslim ah, oo aysanna jirin qolo gaar ah oo in ay gaalo yihiin darteed loo dilayo, hasse ahaateen arrinta diinta ay tahay mid aan Soomaalida lagu sanduleyn karin, waxaana qodobkii loogu qoray war-murtiyeedka sidii uu soo jeediyey wasiir C/qaadir Cabdi Xaashi.

 

 

"Soomaalida meelaha loogu hiiliyo ma ahan in idaacadaha laga hadlo, meelaha ay tahay in dadkaaga aad ugu hiiliso waa fadhiyada caalamiga ah ee ay isugu imaanayaan dalalka caalamka, oo ay dhici karto in ergooyinka dalalkaasi ay qaarkood ku xadgudbaan waddankaaga oo ay u arkayaan dad aan laheyn dad difaaca" ayuu yiri Xassan Axmed oo ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo ka mid ahaa marti sharaftii kulankaasi maanta ka dhacay Talyaaniga goob joog ka ahaa, wuxuuna xusay in Wasiiru dowlaha qorsheynta & iskaashiga caalamiga ah dowlad goboleedka Puntland C/qaadir Cabdi Xaashi uu yahay shaqsi diyaarsan oo istaahila in geesinimada uu diintiisa & dadkiisa ku difaacay lagu abaalmariyo.

 

"Waxaa laga hadlayey qodob diini ah, waxaana madasha fadhiyey madaxda dowladda & Ahlu sunna & Galmudug ma jirin cid ka hadashay, isaga ayaa difaacay Soomaalida & in lagu xadgudbo diinta Islaamka" ayuu yiri Xassan Axmed, wuxuuna xusay in aysan madaxnimadu aheyn oo keliya in {suit} inta la gashado la fadhiisto shirar balse loo baahan yahay in aad ummadda aad la hadleyso aad tusi karto in Soomaalidu ay dhibban tahay, oo ay dhibkana ka bixi doonto, dadkeeduna ay yihiin kuwa aan qaadan karin in dhibaatadaas ay ku jireen darteed lagu waxyeeleeyo.

 

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

Webmaster@dayniile.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Deyniilecom@hotmail.com

Webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this