Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Deputy Agriculture Minister Visits Nugaal Farms. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Wafti uu horkacayo Wasiir xigeenka Wasaarada Beeraha Puntland oo kormeer ku tagay Dhulka beeraha ee Puntland soona arkay Xaalada Beerladay ee gobolka Nugaal..(Sawiro).

 

Posted by nbi on June 30th, 2012

 

Wafti balaaran oo uu horkacayo Wasiir xigeenka wasaarada Beeraha Iyo Waraabka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Mudane, Maxamed Maxamed Sheekh Ibraahim ayaa safar dhowr cisho. qaatay ku tagay deegaano badan oo kamid ah dhulka beeralayda ah ee gobolka Nugaal iyadoona Waftiga Wasiir xigeenka Beeraha iyo Waraabka dawlada Puntland ay tageen meelo badan oo ay kamidyihiin Jibagale,Laacdheere,Shinbiraalay,Jidnugul,Cuun, Timir, Caanayaskax iyo Xamur oo dhamaantood katirsan gobolka Nugaal islamarkaasna ah deegaano siweyn looga hirgaliyey Dhul beereed xoogleh Mudooyinkii u danbeeyeyna Beeraha ku tartamayey.

 

Waftiga Wasiir xigeenka beeraha iyo Waraabka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ujeedadoodu ay ahayd inay soo indha indheeyaan xaalada beerlayda, tan tacabka beeraha, Dhibaatooyinka haysata beeralayda, sida deegaankaas ay uga howlgalaan hay’adaha ama taageeryooyinka ay hay’aduhu siiyaan Iyo arimo kale oo ku saabsan u kuurgalida xaalka dalagyada Beeraha iyadoona Waftigan ay kamid ahaayeen Agaasimaha waaxda beeraha ee Wasaarada Beeraha, madaxa baarista tayada, gudoomiyaha iskaashatada beeralayda gobolka Nugaal iyo xubno kale oo aad u badan kuwaasoo u kuurgalayey xaalada beeralayda ka howlgasha deegaanada uu Wasiirku booqday.

 

Wasiir xigeenka Wasaarada beeraha iyo Waraabka Maxamuud Maxamed Sheekh Ibraahim iyo xubnihii lasocday ayaa intii ay booqashada kujireen soo arkay dhul beereedyo aad u badan oo ka koobnaa qaybaha kaladuwan ee qudaarta gaar ahaana Laydhanaanta, saytuun, barbarooni, Basbaas, Basal, yaanyo, Babaay iyo qaybo kale oo aad u badan oo isugujirta qudaarta noocyadeeda kaladuwan iyadoona ay warbixin ka dhagaysteen beeralaydii ay booqdeen intii ay safarka ku jireen, iyadoona beeralaydii ay booqdeen ay aad ugu farxeen waftiga heerka sare ah ee wasaarada beeraha Puntland ka socda ee booqatay beerahooda islamarkaasna kormeerka shaqo ugu tagtay soona arkaysay xaalka ay kusuganyihiin iyo waxyaabaha baahiyahooda ah.

 

Waftiga ayaa intii ay booqshada ku jireen Waxay dhagaysteen baahiyaha ay qabaan beeralaydii ay booqdeen kuwaasoo ay ugu waawaynaayeen Biyaha oo ku yaraada, dhibaatooyin ka haysta ceelasha, Kanaalada ama wadooyinka biyuhu soo maraan oo aad ugu yar, Boholo kusoo fidaya beerahooda iyo arimo kale kuwaasoo ay wasaaradu sheegtay in wixii karaan keeda ah ay ka qaybqaadan doonto, Dhanka kalena Xubnihii kasocda wasaarada Beeraha ee Puntland ayaa balan qaaday inay wasaaradu si toos ah isku garab taagi doonto Beeralayda gaar ahaana ay ka caawinayso siinta xirfad kororsi ku saabsan beeraha, jeexida kanaalo dheeri ah, Wacyigelin dhanka tacabka beeraha ah iyo waxyaabo badan oo ku saabsan hormarinta beeraha taasoo ay soo dhaweeyeen xubnihii beeralayda ahaa ee waftigu ay booqdeen.

 

Wasiir xigeenka wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland Ayaa Warbaahinta u sheegey in booqashadoodu ay si wanaagsan usoo dhamatay waxaana uu sheegey in tani ay qayb ka tahay barnaamijyo xoogleh oo lagu dhiirigelinayo beeralayda Puntland iyo in lasii siyaadiyo tacabka beeraha ee Puntland, Beeraha Puntland ayaa sii kordhayey dhowrkii sano ee lasoo dhaafay taasoo timid kadib markii ay beenowday Warar awal la sheegi jiray oo ahaa in Puntland aysan beeraha ku fiicnayn, Deegaanada Puntland ayaa imika u eg kuwo isku filnaan ka gaaray dhanka qudaarta oo awal Koonfurta looga keeni jiray imikase marka laga reebo Mooska, Canbaha iyo Liin-Banbeelmada qaybaha kale ee qudaarta ayaa ka baxa Puntland taasoo tartan xoogleh oo dhanka beeraha ah ka dhalisay Puntland.

 

Beeraha-3-400x300.jpg

beera-400x300.jpg

BEeraha-400x300.jpg

Boqorkeena-2-400x300.jpg

BEraha-2-400x300.jpg

BEraha-1-400x300.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

I would really love to witness Puntland reverse desertification and use unique techniques to make most of the region green and agriculturally productive....A Green Somalia is what I would love to see. Perhaps plant more trees and use irrigation techniques

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this