Sign in to follow this  
Aaliyyah

Madaxweyne Shariif oo u hambalyeeyay shacabka, Kana hadlay arrinta Soomaaliland

Recommended Posts

Aaliyyah   

Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah mudane Shariif Sh Axmed ayaa hambalyo ku aaddan 52 guuradii ka soo wareegtay xornimada gobollada woqooyi ee dalkau diray shacabka Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Shariif Sh Axmed oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in sanad guuradani ay ku soo aadday xilli ay socdaan wada hadallo u dhaxeeya maamulka Soomaaliland iyo dowladda FKMG ah. Wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliland in ay ka soo dhalaalaan dowrkii ay waligood ku lahaayeen midnimada iyo isu keenidda shacabka Soomaaliyeed.

 

“Waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed in aan ugu hambalyeeyo munaasabadda 26-ka Jun 1960kii. oo ah maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed ee gobollada Woqooyi eey ka xoreebeen gummeysiga. Runtii waxayna ku soo aadday waqti ay bilowdeen wada hadallo u dhaxeeya woqooyi iyo koofur” Ayuu yiri.

 

Madaxweyne Shariif Sh Axmed ayaa soo dhaweeyay niyad wanaag iyo xilkasnimada ay muujiyeen maamulka iyo Shacabka Soomaaliland, isagoo tilmaamay in ay Soomaalidu sinna u kala tagi Karin hase yeeshee loo baahan yahay in la xalliyo haddii wax la kala tabto.

 

“Waxaan rabaa si gaar ah inaan ugu mahad celiyo walaalaheena Soomaaliland, niyad wanaagga iyo xilkasnimada ay muujiyeen, annaguna waxaan muujineynaa dhinaceena inaan diyaar nahay. Soomaalina melena kalama tagi karto laakin haddii wax lakala tabto in la xalliyo waa lagama maarmaan” ayuu yiri madaxweyne Shariif.

 

26-kii Jun ee 1960 ayay gobollada Woqooyi ee dalka ka xoreebeen gumeystihii Ingiriiska, biriina waxaa bilaabanaya toddobaadka xornimada Soomaaliya, oo ay ku jiraan munaasabado badan, sida maalinta xornimada Jabuuti oo ah 27 Jun iyo maalmaha xorriyadda Soomaaliya oo kala ah, 26ka Jun iyo 1 Julay.

 

http://radiomuqdisho.net/madaxweyne-shariif-oo-u-hambalyeeyay-shacabka-kana-hadlay-arrinta-soomaaliland/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Carafaat;845326 wrote:
Aliyah
, baryahan maad isku so dhawateen. you are
only 2 letters away
. mise anaa mooday:D

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this