Sign in to follow this  
Wiilo

Where is Bro Nur when you need him?

Recommended Posts

Wiilo   

Shanta Caalimul Qaybka ah:

 

 

1. Roobka

2. Meesha aad ku dhimanaysid

3. Cunuga caloosha ku jiro

4. Qiyaamaha

5. Saacadda Qiyaame goorta ay dhacayso.

 

 

This is my question?

 

3. Cunuga caloosha ku jiro, wuxuu ka midyahay caalimul qaybka, hadda markii ay garadhu yeelato uur, ay doctor u tagno uu ku yiraahdo waxaa sidaa wiil ama gabar, taa maxay diinta ka qabtaa? Mase bannaantahay in qof dumar ah oo Islaam ah ay waydiiso doctor ka in uu u sheeyo gender ka cunuga caloosha ku jiro?

 

Brother Nur jawaab please, jizaakallaah.

 

 

Wabillaahi Towfiiq:............

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaal Wiilo

 

You ask

 

Brother Nur jawaab please, jizaakallaah. Cunuga caloosha ku jiro, wuxuu ka midyahay caalimul qaybka, hadda markii ay garadhu yeelato uur, ay doctor u tagno uu ku yiraahdo waxaa sidaa wiil ama gabar, taa maxay diinta ka qabtaa? Mase bannaantahay in qof dumar ah oo Islaam ah ay waydiiso doctor ka in uu u sheeyo gender ka cunuga caloosha ku jiro?

 

 

Jawaabta

 

 

Walaashay Wiilo

 

Allah ayaa mahad mudan, waxaan ku sallinayaa suubbanigiisii Muxammad, korkiisa ha ahaato nabad iyo naxariis badane, iyo kuwii ku raacay wanaag illaa maalinkii xisaabta.

 

Ka dib.

 

Af Carabiga GHAIB ( الغيب) waxaa asal u ah ( wax maqan) , marka Ghaib waxaa loola jeedaa wax kaa maqan cilmigiisa oo aanad ogaan karin hadduusan Allah ku ogeysiin.

 

Allah Quraank wuxuu ku faan iyey dadka aaminsan ghaibka, waxaana gheibka ( opposite) o ah ( Shahaada) oo ah wax aad aragto oon kaa qarsooneyn.

 

Allah, malaaigta, aakhiro, jannada iyo naarta kulligood wa GHAIB, haseyeeshee, GHAIBnimadooda waa mid ku eg qiyaamaha, maxaa yeelay qiyaamahay Ghaibka waa la arkayaa sida quraanka ku dhigan, sidaasoo kale, ghaibka qofkuu allah doono adduunka waa ku tusaa, sidiii nabi Muuse Allah ula Hadlaa, taasoo ay noo tilmaameyso aayadda uu Allah ku leeyhay suuratukl Jin, inuusan Gheibkiisa tusin illa qof uu raalli ka noqday oo ah rasuul.

 

Marka Ghaibku waa ;

 

1. Mid aanan weligeen ogaan karin ( sida RUUXA)

2. Mid Akhiro naloo sheegayo

3. Mid aan ku agaan karno adduunka

 

Kan seddexaad wuxuu ukala baxaa

 

a. Mid Karaamad uu Allah addoon saalixa ah uu u ogeysiiyay, sida markii Cumar Ibnul Khattab asagoo khutbadii Jimcaha khutbeynaya uu mar qudha ku dhawaaqay " Yaa saariya iilla jabal" asagoo la tusay (Ghaib) ciidankii mujaahidiinta ahaa oo buurta dhinaceeda laga soo weerarayo, markaasuu u digay asagoo leh, 'dhinaca buurta iska jira"

 

b. Mid la ogaan karo haddii la baaro

Sida wixii caloosha ku jira, laakin goormaa la ogaan karaa?

waxaa la ogaan karaa;

 

i. Markuu dhasho

ii. markuu dhiciso

iii. markii lagu qalo

iv. Markii wax la galiyo oo lagu eego, amaa baaro, ama lagu dhegeysto wax (Phyisical) ah sida Sonogram, oo ah mid loo adeegsado mowjadaha codka oo dabadeed uu komputerka soo saaro suurad muujineysa dhallankii oo ku jira uurka hooyadii.

 

Ghaibka uusan banii aadamku ogaan karin waa inuu sheego calooosha waxa ku jira asagoon wax (phyiscal tool, Chemical, camers, Xray) uusan adeegsanin.

 

 

Wallahu Aclam

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pucca   

i know the question was asked in somali *argh wiilo!* but could someone translate the answer ??

please...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Puca sis

 

The eNuri TransSemantics Service will be closed for next couple of days, but inshaAllah, the question and its answer will be translated asap, bear with mind fadliki, we are uderstaffed and overworked.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pucca   

:( it's 'pucca'

 

 

closed?! are you for real? *sigh* sure thing...i'll just wait around till your 'services' are up and running again.

 

 

thanks.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Just wondering, if you understand my question in somali, how come you can't understand his answers?

 

 

Go figure:.........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well, I was wondering the same question until I've heard at the local mosque that what is unknown or Qhayb is the sex of the future child at the time of the fecundation.

 

Obviously, noone can predict such outcome and to complicate further some individuals inherit double "sexual" chromosomes (XX Y, X YY or even XX YY instead of X Y for a boy and X X for a girl) besides others rare cases;

X chromosomes coming from the mother while Y is of course inherited from the father.

 

Nevertheless,we should be very careful of the exact meaning of each hadith since Arabic is a highly refined, most eloquent langage in addition to the required competence (the one in question is in the Istiqfarah section in the bilingual summarized Bukhari edited by darusalam)...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this