Sign in to follow this  
Aaliyyah

Ugaas CabdilaahiCiise,Garaad Saleebaan iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo jaaliyada khaatumo....

Recommended Posts

Aaliyyah   

Ugaas Cabdilaahi Ciise, Garaad Saleebaan iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Jaaliyadda Khaatumo ugu Bishaareeyey Guulaha Shirka Turkigga

Sunday, June 3rd, 2012 |

 

 

BoocameOnline

 

Qaar ka Mid ah Isimmadda Reer Khaatumo Ayaa Waxay Qadka Telefoonka Kula soo Xireereen Jaaliyadaha Qurbojoogta Khaatumo Iyagga Markaas ku Sugnaa Airporka Caasimadda Turkigga Ee Istanbuul.

Ugu horeyntaa Ayaa Waxaa la hadlay dadka Qurbo joogta Garaad Saleebaan Garaa Maxamed oo sheegay in Guulo ay kala soo kulmeen shirka Wadanka Turkigga, Garaadka Saleebeen Ayaa Waxuu Dadka ugu baaqay Jaaliyaddaha Khaatumo Midnimo isagga oo Ugu tusaale qaatay Sidda ay iyaguu (isimadda) u Wada midaysan yihiin, Wuxuuna Jaaliyadda Qurbo joogta ugu digay in ay iska ilaaliyeen Dad Wax xuma tashiilka ah.

 

Ugaas Cabdilaahi Ciise iyo Garaad Jaamac Garaad Isaaciil:

Labadan isim ayaa siddoo Kale qurbo joogta kula Hadlay Qadka telfoonka Iyagoo ka Hadlay Guulihii ay kala Kulmeen Shirkii ka Dhacay Wadanka Turkigga,Ugu Horeyntii Ayaa Garaad Jaamac Wuxuu u sheegey in ay ka mid yihiin Dad badan oo Soomaaliyeed oo ka Dhoofayay Wadanka Turkigga Kuna Sii Socda Magaaladda Caasimadda (Xamar), Garaad Jaamac ayaa Siddoo kale ugu Bishaareeyey in Dadka Reer Khaatumo in ay Gareen Guulo Siyaasiyan ah ayna Si sharaf leh Ugu Dhexmuuqaan Umadda Soomaaliyeed,garaad oo Balan Qaaday in Markii ay Tagaan Magaaladda Xamar in Si tifaftiran ugu Warami doonaan Jaaliyaddaa Khaatumo.

 

Ugaas Cabdilaahi oo ka mid ah Isimadda ka Qayb galay Shirka Turkigga ayaa Siddoo kale Jaaliyadda Wuxuu kala Hadlay Midnimadda Qurbojoogta in la sii Xoojiyo, Ugaas Cabdillaahi Ayaa Bulshadda Qurbo Joogta Ku Dhiiri galiyay in ay ka Shaqeyaan Danta Guud Iyo Waxtarka Maamulka Khaatumo.

 

Issimaddan ayaa Waxay ku sii socdaa Magaaladda Xamar ka dibna Waxay kala Hadli doonaa Bushadda reer khaatumo ee Wadanka Joogta iyo qurbojoogtaba Wixii ay ka Soo Kulmeen Shirkii Ka Dhacay Magaaladda Istanbuul Ee Caasimadda Wadanka Turkigga.

 

Sidda aan ka War hayno Issimadda khaatumo ugu qayb galay Shirka Turkigga Ee Matalayay Dhamaan Bulshadda Iyo Isimadda Kale ee danaha kale u Hayo Bulshadda Ayaa Waxay kala Yihiin.

Ugaas Cabdilaahi,Garaad Jaamac Garaad Ismaciil,Garaad Saleebaan Garad Maxamed,Garaad Cabdulaahi Garaad Soofe iy Garaad Jaamac Garaad Cali oo si Isku Duuban in Dhawayd ugu Midaysnaa Arimaha Goboladda SSC oo Siddoo kale Maamulka Khaatumo Taageero Hagar la’aan ah Meel Walba Guulo la Taaban karo Ugu Soo Hoyay.

 

Ahmed Laarrri

BoocameOnline

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Lol....Aaliyyah, with all due respect, wararka ayaantaan baan la yaabay ee websiteyada Soomaalidu soo tebiyaan. " Hebel baa ciddu taleefon kula hadashay isagoo transit hall fadhiya?!" Lol....Ilaahoow Soomaali u gargaar....Waxaanna Soomaali oo dhan baa samaysa yaan loo moodin cid gaar ah kuma koobna!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this