Sign in to follow this  
kingofkings

PM Abdiweli Gaas in Djibouti

Recommended Posts

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Djibouti ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Djibouti Ismail Omar Gelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Djibouti uga mahadceliyey sida uu isaga, dowladiisa iyo shacabka Djbiouti ay marwalba ugu heelan yihiin una garab istaaganyihiin shacabka Soomaaliyeed.

 

Waxuuna sheegay in Madaxweynaha Djbouti uu yahay Aabaha Soomaaliyeed oo marwalba u taagan danaha shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale Ra’iisulwasaare Abdiweli ayaa uga mahadceliyey madaxweyanaha sida quruxda badan ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey dalka Djibouti. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Djibouti ciidamadii dalka Djibouto oo ku sugan Soomaaliya oo ka mid ah AMISOM.

 

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka iyo horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhinacyo badan sida amniga, dastuurka, maamul wanaaga, gar-gaarka bani’aadanimo iyo dib-u-heshiisiinta. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sidoo kale u faahfaahiyey Madaxweynaha Djibouti heshiikii Addis Ababa oo uu sheegay inuu ahaa heshiis taariikhi ah oo jadwal mucayan ah loo sameeyey sidii loo soo afjari lahaa xilliga KMG ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this