Sign in to follow this  
Dr_Osman

Garowe Mayor Opens Up New Road In The Capital And Begins Tendering Process For Paving Inj Khalid Rd

Recommended Posts

Dr_Osman   

Maamulka Degmada Garowe oo xariga ka jaray Wadada Meeraysane kana warbixiyay dayctirka ka socda dhawr wado oo kale.

Posted by Puntlandi on May 19th, 2012

 

Garowe(Puntlandi.com):- Duqa degmada Garowe Mudane C/casiis Nuur Cilmi ayaa xariga ka jaray wadada Meeraysane ee magaalada oo maalmahan ay dawladu ka waday dayactir aad u balaaran.

 

Wadadan ayaa Todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa ka socday dayac tir balaaran oo ay dawladu ka sameyanaysay qaybaha wadada oo JAY laga dhigayay, waxaa maanta xariga ka jaray duqa degmada Garowe C/casiis Nuur Cilmi maadaama la dhamaystiray dayactirkii iyo dhismihii laga waday.

 

Duqa degmada Garowe Mudane C/casiis Nuur Cilmi ayaa sheegay in la dhamaystiray islamarkaana maanta ay xariga ka jareen Wadada MEERAYSANE oo ah wado isku xirta Laamiga iyo Jidka Soddonka oo qiyaas ahaan 1200 Mitir oo loo dhisay hay JAY ah dhaawaana lagu sii dari doono 2KM oo jidka Soddonka ah.

 

Duqu wuxuu sheegay in wadadani loogu talagalay in ay maraan Gawaariada Xamuulka ah ee isaga kala gooshta gobollada dalka islamarkaana xambaarsan Miisaanka weyn si aysan magaalada u soo dhex marin Miisaanka badan iyo Xawaaraha mashquulka ah ee ay ku marayaan wadada laamiga ah ee magaalada dhex martana ay uga yareeyaan.

 

Duqa degmada Garowe Mudane C/casiis Nuur Cilmi oo saxafada kula hadlay mid ka mid ah Wadooyinka dayactirku uu wali ka socdo ayaa sheegay in jiraan dhawr wado oo kale oo magaalada ah kuwaas oo ay ku wadaan dayactir balaaran kadib burbur ay ku reebeen biyo dhigii roobabkii badnaa ee ka da’ay magaalada iyo Nawaaxigeeda.

 

Duqa oo ka warbixinaya dhamaan arrimahaan ayaa yiri ” Waxaan hada taaganahay Wadada GUUREEYE oo aan ka wadno dayactir balaaran, kadib burbur xoogan oo wadada ka soo gaaray daadadkii iyo biyo dhigii roobabkii badnaa ee magaalada ka da’ay iyo casharo aanu ka baranay intii ay wadadu dhsinayd oo mudo labo sano ah ku siman, waxaanu hada dayactirnaynaa guud ahaan wadadan oo isku xirta Wadada laamiga ah laga soo bilaabo Barxadda iyo Jidka 30-ka, Hawshan waxaa fulinayay shirka BAACA oo ka mid ah shirkada dhismayaasha ee degmada Garowe, Sidoo kale waxaynu soo furnay hada Wadada MEERAYSANE oo isku xirta Laamiga iyo Jidka 30-ka, Wadaasi waxaa loogu talagalay in ay maraan Gawaariada waaweyn ee Xamuulka ah oo laamiga looga leexsho, Waxaynu sidoo kale mari doonaa wadooyin kale oo biyo fariisi noqday oo dawlada hoose ay dayactir ka wado si meelaha biyo fariisadka leh loo buuxi Naadaafada Magaaladana loo ilaaliyo, Waxan sidoo kale mari doonaa Suuqa Bacadlaha oo la dhexgax dhigay, hadana dhismihiisu uu bilawday oo loogu talagalay ilaa 100 Ganacsato ah in ay ku shaqaystaan oo ay ka faa’idaystaan”.

 

Guddoomiyaha degmada Garowe wuxuu sidoo kale sheegay in qaab laami ah loo dhisi doono Wadada Eng, Khaalid oo ka mid ah 5 wado oo dayactir lagu sameeyay sanadkii la soo dhaafay ee 2011-ka wuxuuna yiri ” Waxaa 20-ka bisha oo bari ah la xayaysiin doonaa Tartanka dhismaha wadada Eng, Khaalid oo Laami la saarayo si ay ugu tartamaan shirkada qandaraaslayaasha ee dhismaha”.

 

Hawlahani waxay qayb ka noqonayaa qorshayaasha horumarineed ee bilicda magaalada Garowe ay dawladu wax uga qaybanayso iyadoo kaashanaysa shacaka iyo hay’adaha Caalamiga ah ee ku bahoobay barnaamijka JPLJ ee horumarinta degmooyinka Puntland.

 

Sawirrada Mardhaw ayaan idiin soo gudbin doonaa hadii uu alle idmo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this