Sign in to follow this  
Che -Guevara

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle in Xamar

Recommended Posts

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax ayaa maanta si heer sara ah loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

 

Islaan Bashiir, ayaa waxaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle, Salaadiin, qaar ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Xildhibaano, Ururada Haweenka iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.

 

Soo dhaweynta kadib Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, oo kamid ah Salaadiinta ugu caansan dalka kana mid ah Salaadiinta ugu magaca weyn Puntland ayaa Saxaafadda kula hadlay Garoonka, wuxuuna sheegay in imaatinkiisa ay tahay inuu ka qeybqaato hanaanka nabadeed ee Soomaaliya.

 

“Ugu horeyn waan idin salaamayaa dhamaan mas’uuliyiinta dowladda, Odoyaasha, Saxaafadda, Xildhibaanada, dhalinyaradda, Haweenka iyo inta kalaba sida wanaagsan oo aad ii soo dhaweyseen, Wuxuuna imaatanka yagu ku saleysan yahay inaan ka qeybqaadano dadaalada soconayo ee lagu doonayo in dowladd Soomaaliyeed la helo, Muqdishana waa caasimadeenii aad baan ugu faraxsanahay imaatinkeeda”.

 

Wuxuuna Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku suray geedka nabadda, Islamarkaana tilmaamay iney muhiim tahay in laga wada shaqeeyo hanaanka dowladdnimo ee hadda socda.

 

Ugu dambeyntii Islaan Bashiir, ayaa xusay inuu ka qeybqaadanayo isku xirka Umadda Soomaaliyeed iyo sameynta dowladd qaran oo looga baxo Kumeel Gaarka inaan xoojiyo maantana ay noqoto maalin midnimo, maalin Israax, Iscafin islamarkaana ee noqoto maalin aynu soo cesheno sumcadeenii iyo Sharaftii Soomaaliyeed.

 

http://horseedmedia.net/2012/05/18/islaanka-bashiir-islaan-cabdulle-oo-muqdisho-gaarey-sawiro/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Soo dhawoow soomaali maanta wey isu tashatey ee soo dhawoow.

 

Somalia, Faroole and all the other spoilers can sulk all they want. We are moving ahead whether the spoilers like it or not.

 

PS: certain individuals owe carafaat an apology :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

An article that get his name right, with pictures and what a welcome for Islaan Bashir Islaan Abdulle.

Again anyone who thinks he is against the State of Puntland, does not know the Issim.

The welcome warms the heart.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Haatu;831522 wrote:
Soo dhawoow soomaali maanta wey isu tashatey ee soo dhawoow.

 

Somalia, Faroole and all the other spoilers can sulk all they want. We are moving ahead whether the spoilers like it or not.

 

PS:
certain individuals owe carafaat an apology
:D

:D

 

Haatu sheekadu waxa lo badalay Turkey ayuu u socdaa. :D

 

But the Turkey conference is 1 and 2nd of June, and I dont think he would receive such a hero's welcome,

if this wasnt regarded as a political momentum of Islaan Bashir defying Faroole and coming to Muqdisho.

 

Duke, knows about this. But as a loyal cousin of the trinity, he will always save face of his cousins and not shame them in public. They are Good fella's those Mudug guys, even when they are boiling of anger they will honour the family. Faroole should count himself luck with those kind of cousins. Anyone else would have undressed him in public and shamed the man. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

General Duke;831557 wrote:
The welcome warms the heart.

Soomaali ma kala maaramto. What ever happens between us, walaalo baanu nahay. Intaas iyo in kabadan ayuu mudan yahay.

 

 

PS: When I was young, I always imagined odayaasheennii to be very old men oo wada gar cad & who are shrouded in wisdom. I was a bit disappointed when I grew up and saw some real odeys and noticed they weren't actually that old although they were full of wisdom :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Islaan Bashir Islaan Abdulle, took over the title as a young man, he was chosen for his qualities as a person. He has been a wonderful leader and worked to unite the people regardless of clan. However he is not a politician nor does he dabble on disputes between politicians.

 

It's great that his trips and his visit to Mogadishu is being highlighted and getting press.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

General Duke;831644 wrote:
Islaan Bashir Islaan Abdulle, took over the title as a young man, he was chosen for his qualities as a person. He has been a wonderful leader and worked to unite the people regardless of clan. However he is not a politician nor does he dabble on political disputes.

War I know that dee. :P

 

It's just I thought it was rule they had to be old :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Dr: C/Weli iyo Faroolle oo Siyaasadii Buuqland ku kala Adkaaday,{Qormo}.

 

 

 

Horufadhi.com

Ra’iisal wasaaraha Soomaliya Dr: C/Weli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo labadu ka soo jeeda beesha ********** *******, ayaa waxaa dhexmaray labadan nin Halgan siyaasadeed oo qaatay mudo 7 maalmood ah.

Raysal wasaare Abdi Weli Cali Gaas waxaa ka go’an asaga in dastuurka la meel mariyo, wado kastoo loo marayo, haseyeeshee Faroole oo inta badan caan ku noqday siyaasad aan sal lahayn isla markaana Fudayd badan lagu Ladhay ayaa ka soo horjeestay wuxuuna kala qaybiyey isimadii beesha ********** oo ayagu si talo ah markii hore meesha ku tagay.

 

Haseyeeshee wuxuu ku fashilmay inuu soo wada saaro dhamaantood, taas bedelkeediina wuxuu shirkii ka soo saaray xubno uu ugu magac dheer yahay Suldaan Garaase.

Raysal wasaarae Dr: Gaas oo ku guulaystay markii hore inuu la hadho rag badan oo uu ka mid yahay wakiilka Boqorka beesha ********** iyo weliba xubno kale oo isimo ah, sida Beelaha ******** ************ iyo ************, ayaa maanta hawshaas soo afmeeray ka dib markii uu keenay Islaam Bashiir oo asagu ah ninka ugu awooda badan isimada beesha **********.

 

 

 

Gaas ayaa wuxuu si heer qaran ah Muqdisho ugu soo dhaweeyey Islaamka, asagoo soo tubay Garoonka ururada dhalinyarada, barbaarta gaashanman iyo weliba Odayaal dhaqameedkii Soomaaliyeed oo uu shalay ka codsaday in ay la weyneeyaan Islaam Bashiir.

 

 

Arintan ayaa maanta si rasmi ah u soo Afmeertay Loolankii dhinaca Isimada ee u dhexeeyey Faroole iyo Gaas, ayadoo uu si xarago badan koobkaas u qaaday Dr: C/Weli Gaas.

Raysal wasaare Gaas ayaa labadii todobaad ee u danbeeyey galka seefta kala baxay, isla markaana waxaad moodaa inuu xaqiiqsaday inuu yahay Mas’uul awood badan leh, wuxuuna sida muuqata ku qancay inuu Faroole ka awood badan yahay , taasoo uusan hada ka hor muujin.

Waxaana hada biyo kama dhibcaan ah, in Abdiweli oo taageero ka helayo qaybo badan uu hada wajahay wado cusub oo uu ku meel marin karo dastuurka cusub ee looga baxayo KMG ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

So far the score is:

 

PM Abdiwali 5 - 4 Faroole

 

Islaan Bashiir. - Boqor Qardho

Suldaan Golgodob. - Islaan Garowe

Beeldaje Rascaseyr. - Ugaas Ugaas

Garaads Khatumo. - Ugaas Qandala

Ugaas Maakhir

 

It seems Faroole has support of most Bari, Nugaal traditional leaders. While Abdiwali has Mudug, Khatumo, Makhir. Islaan Bashiir of Galkacyo gives Abdiwali a good head up to Faroole.

 

Unfortuantly the northern tree's from Mudug have no vote ion 4.5 otherwise for sure we would have put our weight behind PM Abdiwali.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this