Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Siilanyu justice condemns 17 to death...Riots break out

Recommended Posts

Maxkamad Ciidan oo dil ku xukuntay dableydii lagu soo qabtay iska hor imaadka shalay

May 16th, 2012 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Maxkamadda Ciidammadda Qaranka Somaliland, ayaa maanta fadhi ay yeelatay xarunta taliska guud ee ciidanka qaranka waxay xukuno dil iyo xabsi daa’in iskugu jira dil iyo xabsi daa’in.

Maxkamaddu waxa la sheegay inay sadex qof oo ka mid ahaa dadkii shalay lagu soo qabtay weerarkii xeradda Soodaanta xoriyadoodii loo soo celiyay, halka 5 xubnood lagu xukumay xabsi daa’in isla markaana 17 kalena lagu xukumay xukun dil ah.

 

Ma jiro illaa imika wax tafaasiil ah oo ay Maxkamaddu ka soo saartay xukunkeedan iyo qodobadda ay u cuskatayba, hase yeeshee waxa in xukunkani dhacay u xaqiijiyay shabakadda wararka ee Somaliland.Org qaar ka mid ah eheladda dadkan la xukumay oo la sheegay inay maxkamaddu ku sababaysay inay galeen jariimad qaran isla markaana ay weerareen khasaarena u geysteen ciidanka qaranka.

 

Taliyeyaasha ciidammadda Booliska iyo Qaranka ayaa shalay soo bandhigay hub ay ku soo qabteen kooxdan la xukumay oo ay sheegeen in sagaal ka mid la soo qabtay iyagoo dhaawac ah.

 

Somaliland.Org/Hargeysa

sldotorg@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa(APL ) : Magaaladda Hargaysa ee magaalo madaxda Maamulka soomaaliland ayaa waxaa ka soconaya isu soo baxyo rabshado wada oo ay dhigayaan dadka shacabka ah kuwasoo la sheegay in ay kazoo horjeedaan xukunka maxkamadda hargaysa ee 17 qof lagu xukumay dilka toogashada ah.

 

Dadweynaha ayaa maraya wadooyinka waaweyn ee magaaladda waxaana ay ku qaylinayaan erayo ay kamidyihiin “ Cadaalad ma ahan Xukunkani,Dooni mayno in dadka lagu tacadiyo, dadka la xukumayaa waa dadka la haybsooco “.

 

Mid ka mida odayaasha dhaqanka oo u hadlayey dad mudaharadaya ayaa warbaahinta u sheegay in ay sidoo lale diidanyihiin maxkamadda oo ah Mid Militeryga loona baahnaa in dadka la saaro maxkamadda Shacabka madaama ay yihiin dad shacab ah ee aanay ahayn ciidan iyo dowlo midnaba,waxaa kaloo uu sheegay in ay racfaan ka qateen xukunka noocaani.

 

Dadka maxkamadaani xukunka ku diraday ayaa maamulku ku soo eedeyey in ay galeen xeradda kabista ee Ciidanka Militeriga ayna halkaas ku layeen dad isugu jira shacab iyo Ciidan .

 

Magaaladda Hargaysa ayaa waxaa ay la ciirciiraysaa kacdoonka dadweynaha ee ay kaga soo horjeedaan xukunka ay maxkamadda ciidamadu ku riday 17 qof ee ah Dil toogasho .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Canbareyn Maxkamada Siilaanyo oo17 Dad Shiciba Ku Xukuntey Dil.

 

 

 

Badarwanaag (TVSLE)-Maxkamada Siilaanyo ayaa maanta

dad shiciba ku xukuntey Dil toogasho ah iyadoo

xukunkaa sheegtey iney maxkamad Meletry

fulisey,hadaba su'aashu waxay tahay dad shiciba

malsoo taagi karaa maxkamad meletry taasoo kasoo

horjeeda dastuurka qaranka Somaliland,takale Silaanyo

muxuu maxakamad meletry usoo taagi wayeey

maleeshiyaadka Puntland iyo Sool ee maalin walba

cadeystey iney kusoo dullaan qaranimda Somaliland.

 

 

Talaabadan Siilanyo ku dhaqaaqey ee 17 qof oo rayida

oo isku beel ah uu dilka ugu Xukumey waa talabo

Fuleynimo ahwaxaanu heli doona jawaabteeda oo aad u

xanuun badan,hadii uu moodey inuu dadka ciidan ugu

caga jugleyn karo,kuwii isaga ka xooga badnaa ayaa

wax ku qaadi waayey.

 

Muwaadininta Bariga Hargeysa waxay si buuxda u

canbareynayaan falkaa foosha xun ee lagula kacay dad

rayida oo aan waxba galabsan.

 

TVSLE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muddaharaad Ka Dhan Go’aankii Maxkmada Derejada 1aad Ee Ciidamada

 

 

Hargeysa (TVSLE)- Muddharaad ay soo abaabuleen dad ka gadooday go’aankii maxkamada derajada 1-aad ee ciidamada Somaliland ee isugu jiray dilka iyo xabsi daa’imka ee ay ku riday dadkuu shalay la dagaallmay ciidanka qaranka, ayaa goor-dhawayd ka dhacay xaafadda new-Hargeysa ee degmada Gacanlibaax ee bariga magaalada Hargeysa.

Isu-soo-baxan oo ahaa mid ku bilawday xamaasad isla markaana sababay in taayiro lagu gubo, dhag-xaanna lagu jaro waddada new Hargeysa, ayaa dadku waxay muujiyeen inay si adag uga soo horjeedaan go’aanka maxkamada, iyaga oo sheegayay inay wax lala yaabo tahay 17 nin ee dilka lagu xukumay iyo kuwa xabsi daa’imka lagu xukumay.

Dad badan oo cadhaysan oo isugu soo baxay waddada, ayaa waxa kala kexeeyey oo dejiyey salaadiin ay ka mid ahaayeen Suldaan Maxamuud Xaaji Cabdi Xirsi, Sudlaan Yuusuf Muxumed Xiiray, Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan iyo Sudlaan Mahad Caraj, kuwaas oo dadka ku booriyey inay is dejiyaan isla markaana guryahoodii ku kala noqdaan.

TVSLE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa*: (Sh. M. Network) Rabshado ayaa maanta mar kale ka dhacay bariga Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland kadib markii ay halkaasi isugu soo baxeen dad ka careysan* xukunkii shalay Maxkamada ciidamada Somaliland ay ku riday dadkii ka qeyb qaatay shaqaaqadii ka dhacday warshada Kabista ee Magaaladaasi Hargeysa.

 

Dadkaani ayaa waxaa ay taayaro iyo qalab kale ay ku gubayeen bariga Magaalada Hargeysa, waxaana markii dambe kala raacdeeyay oo goobta ka kaxeeyay ciidamada booliska Somaliland, Salaadiin iyo waxgarad.

 

Waxa ay ficiladooda ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin xukunkii shalay Maxkamada Ciidamada Somaliland ay ku riday 28 qof oo 17 ka mid ah ay ku xakuntay dil 5 kalana ay ku riday xabsi daa’in, waxaana ay sheegeen in arintaani aysan aheeyn mid cadaalad ah.

 

Suldaan Yuusuf Max’ed oo ka mid ah salaadiinta inta badan dadka la xakumay ay isku heyb yihiin ayaa warbaahinta u sheegay in beeshoodu aysan ku qanacsaneyn xukunkii shalay ay riday maxkamada ciidamada Somaliland.

 

Dhinaca kale Max’ed Cali Cabdi oo ka mid ah qareenada ugu cad cad Somaliland ayaa sheegay in si sharci ah maxkamadu ay u riday xukunka maadaama sida uu sheegay dadku ay hubeysnaayeen soona weerareen xero ciidan, waxaana uu tilmaamay in sharciga Somaliland uu dhigayo in dadkaani oo kale Maxkamadu iyadu ay xakunto.

 

Go’aankii Maxkamada Ciidamada Somaliland ayaa hadal heyn badan ku abuurtay shacabka reer Somaliland oo xiligaan isku diyaarinayay munaasabadooda 18-ka May oo ah maalin ku weyn reer Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The swiftness of the court ruling. Secessionist justice is absurd. One day there was a battle, the next 17 persons were convicted and sentenced to death.

 

What happened to all the talk of being Africa's best kept secret an all

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;831005 wrote:
Wa iska hadal waxas cid la dili kara ma jirto dad badan ba dil lugu xukumay cid la toogtay na ma jirto siyasada somaliland wa inad fahantid.

That's the response of a secessionist. It's all hot air, there is no social justice at all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this