Sign in to follow this  
kingofkings

Breaking News; Puntland sends warning

Recommended Posts

Dawlad Soomaaliyeed oo aan Federaal ahayn ma u cuntami kartaa Puntland?

 

 

Jawaabtu waa caddahay, waa dawlad waxayna aqbali kartaa habka federaaliga ah oo kooban dawlado midoobay, haddii taas lawaayona dawladda Puntland iyo dadkeedaba waxaan u soo jeedinayaa inay qaataan go’aan adag oo ay masiirkooda kaga tashadaan. Run ahaantii nidaamkii dawladihii hore oo maamulku ku koobnaa hal meel ah (Centralized Government) gobollada puntland waxay u ahayd dib u dhac wayn mana aha wax la aqbali karo.

 

Maansadaan aan ugu magacdaray Dacwad gabay oo aan ku cabbirayo dareenkayga, waxaan aad ugu bayaamiyay inay Puntland maanta joogto heer aad u wanaagsan, dad kaygana waxaan ku adkaynayaa in aanay ku hamiyin inay dalkooda dayacaan.

 

Daruur hogol ah daad soo rogmaday doogga iyo rayska,

 

Dayr dhal geel ah, dabarreey lo’iyo wegen dillaamaya,

 

Diihaalka jiilaalka waa laga dawoobaa

 

Dal burburay bannaan diiran iyodegelka oo qiiqay

 

Haddii danbyo ay noo keceen daacad wax u taagay

 

Duco iyo salaan baan u diray daalna ku adkeeyay

 

Diiwaanka taariikhda waa lagu dawoobaae

 

Danta shacabka diinteenna iyo dawladnimadeenna

 

Dastuur xaq ah sharcay noo dejeen daacadda ilaah

 

Daraawiish Darayskii sitiyo diricyo gaashaaman

 

Dafcadaha mariinada wixii xeebta lagu dayray

 

Wixii cadow la daan daamiyaan la isku diidayn

 

Durdurada batroolka ah haddii daaha laga fayday

 

Daartaa raggii dhigay wallaan dibay lagaarayne

 

Dadaalkiina siiwada ilaah idin dareejeeye

 

Dacwad gabay haddaan reertolkay Daacad ugu dhiibo

 

Gobanimadii loo diraray iyo dabartirkii gaalka

 

Inaad door ahaydeen wallaan xaraf u duugnayne

 

Waxaad duuglahaydeen markaad xamar ku daaraysay

 

Waatii dawaarkii lajaray lagugu soo duulay

 

Waatii sidii duul kufriya danab laguu reebin

 

Dullaan garan halkii lagu dagiyo debinno shaydaane

 

Waa kuu dareen li’ inaad dib u hayaantaa

 

Waxaa Tixdan tiriyay Abwaan Abdirahman Said Abdirahman

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this