Sign in to follow this  
kingofkings

Puntland Minister of Health receives medical supplies

Recommended Posts

Gaalkacyo(puntlandi.com):- Hay’adda Perige international ayaa maanta dawooyin ku wareejisay Isbitaalka guud ee gobolka Mudug.

 

Kulan maanta ka dhacay Isbitaalka guud ee gobolka Mudug oo ay ka soo qaybgaleen Maamulka Isbitaalka guud oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Isbitaalka guud Dr, Maxamed Xusien Aadan, Kusimaha Isbitaalka Drs, Sucaad C/laahi Maxamed, Saraakiil ka socotay hay’adda Perige international oo uu ka mid yahay Xusein Abuukar, Aqoonyahanka oo uu ku jiro Prof, Maxamed Jaamac Salaad ayaa dawadan lagu wareejiyay.

 

Eng, Xusein Abuurkar oo ah Wakiilka hay’adan Perige international ayaa si rasmi ah Dawadan ugu wareejiyay maamulka Isbitaalka guud ee gobolka Mudug wuxuuna sheegay in dawadani ay tahay 10 TAN ayna ka mid tahay Dawooyinka ay hay’adu ugu deeqdo Isbitaalada dadka ka dhaxeeya ee Public-ga loo yaqaano.

 

Eng, Xusein Abuurkar wuxuu sheegay in sidan oo kale ay mar hore Isbitaalka guud u soo gaarsiiyeen Conteenar Dawo ah, wuxuuna xaqiijiyay in ay sii wadayaan Dawooyinka Tabarucaadka ah ee ay Isbitaalada dadweynaha ugu deeqayaan.

 

Agaasimaha Isbitaalka guud ee gobolka Mudug Dr, Maxamed Xusien Aadan oo isna hadal kooban jeediyay ayaa hay’dda Perige international uga mahadceliyay Dawooyinka tabarucaada ah ee ay isbitaalka soo gaarsiiyeen kana warbixiyay Dawada iyo Agaabkan Caafimaad Muhiimada ay u leedahay Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa magaalada Gaalkacyo ku dhaqan, wuxuuna sheegay in ay wax weyn ka tarayso baahidii caafimaad ee deegaanka.

 

Agaasimuhu wuxuu tilmaamay qayb ka mid ah Dawooyinkan in ay gayn doonaan Deegaannada Tuulooyinka ah ee gobolka, Meelaha qoysaska Barakacayaasha ah ay degan yihiin ee magaaladan gaalkacyo.

 

Hay’adda Perige international oo ah hay’ada talyaani ah ayaa ka shaqaysa meelo badan oo ka mid ah Caalamka waxaana loo yaqaanaa dhawr magac oo ay ka mid yihiin People community onlus iyo Associazione perige onlus ayaa horay min hal mar Konteernaro Dawooyin ah ah keentay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso, markana waa kii sadexaad ee Kaalmooyinka Dawooyinka ah ee Soomaaliya ay soo gaarsiiso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this