Sign in to follow this  
kingofkings

Presidential Hopeful Gablax

Recommended Posts

Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Xassan “Gablax” oo ah musharaxa xilka madaxtinimada Puntland ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee cabdulaahi yuusuf Gaalkacyo.

 

Kumanaan ka tirsan shacab weynaha gobolka Mudug ayaa caleemo qoyan iyo calanka puntland ku soo dhaweeyay musharaxa markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo

 

Musharax Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Xassan “Gablax” ayaa saxaafada kula hadlay gudaha garoonka Gaalkacyo intii aan loo gudbin guriga uu ka dagan yahay magaalada Gaalkacyo.

 

Waxaana uu ugu horaytii u mahadceliyay musharaxa dadweynahii ku soo dhaweyay garoonka oo ay ka mid ahaayeen odayaasha dhaqanka gobolka Mudug ardayda wax ka barata dugsiyada gaalkacyo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobolka Mudug.

 

Musharaxa ayaa sidoo kale ka warbixiyay safaro uu ku tagay wadamo ka tirsan Yurub iyo America, Africa oo dhamaaan uu kula soo kulmay jaaliyada Puntland ee joogta wadamadaas.

 

Musharax Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Xassan “Gablax” ayaa ugu danbaytii ugu baaqay shacabweynaha reer Puntland in ay ka shaqeeyaan maslaxada Puntland iyo horumarinteeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this