Sign in to follow this  
Dr_Osman

President Farole Makes An Official Trip To India To Get Technological Investments For Puntland. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Madaxweynaha oo duuley India kadib kulamo Ethiopia

13 May 13, 2012 - 7:07:19 AM

 

Puntland State of Somalia

Garowe

 

WAR SAXAAFADEED

13 May 2012

 

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Rai’sul Wasaare-xigeenka Ethiopia, ka dibna u dhoofay India

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta [Axad] ka dagay magaalada New Delhi ee xarunta dalka India ka dib markii uu kulan la qaatay mas’uuliyiinta dalka Ethiopia.

 

Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir) ayaa ka soo duulay magaalada Garowe ee xarunta Puntland maalintii Jimcaha (11 May 2012) iyagoo kusii jeeda New Delhi oo ay ka heleen casuumaad rasmi ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka India.

 

Madaxweyne Farole ayaa maalinimadii Sabtida ah kula kulmay Addis Ababa Rai’sul Wasaare-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Mr. Hailemariam Desalegn, iyadoo ay mas’uuliyiintaasi ka wada hadleen arrimaha kusoo cusboonaaday guud ahaan Somalia dhanka amaanka iyo arrimaha siyaasadda.

 

Madaxweyne Farole iyo Wafdigiias ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Indira Gandhi International Airport kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka socota Safaarada Somalida oo ay hormuud ka tahay Ambassador Ebyan M. Salax iyo sarakiil ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka India.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa la filanayaa inuu kala hadlo mas’uuliyiinta Dowladda India arrimaha Somalia guud ahaan iyo Puntland gaar ahaan, wadahadalaas ayaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa horumarinta hey’adaha Dowliga ah, iskaashiga la dagaalanka burcad-badeeda, iyo ka faa’idaysiga teknoloojiyada casriga ah oo uu ku horumaray dalka India.

 

--- END ---

 

Communications Office

The Puntland Presidency

Puntland State of Somalia

E-mail: plpresidencyg@hotmail.com

 

Ethiopia.JPG

Ethiopia1.JPG

Ethiopia6.JPG

Ethiopia2.JPG

Ethiopia3.JPG

Ethiopia4.JPG

Farole-Desalegn1.JPG

Farole-Desalegn.JPG

Ethiopia5.JPG

India.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this