Sign in to follow this  
kingofkings

Mudane Madaxweyne Faroole visit India

Recommended Posts

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta [Axad] ka dagay magaalada New Delhi ee xarunta dalka India ka dib markii uu kulan la qaatay mas’uuliyiinta dalka Ethiopia.

 

Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir) ayaa ka soo duulay magaalada Garowe ee xarunta Puntland maalintii Jimcaha (11 May 2012) iyagoo kusii jeeda New Delhi oo ay ka heleen casuumaad rasmi ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka India.

 

Madaxweyne Farole ayaa maalinimadii Sabtida ah kula kulmay Addis Ababa Rai’sul Wasaare-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Mr. Hailemariam Desalegn, iyadoo ay mas’uuliyiintaasi ka wada hadleen arrimaha kusoo cusboonaaday guud ahaan Somalia dhanka amaanka iyo arrimaha siyaasadda.

 

Madaxweyne Farole iyo Wafdigiis ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Indira Gandhi International Airport kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka socota Safaarada Somalida oo ay hormuud ka tahay Ambassador Ebyan M. Salax iyo sarakiil ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka India.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa la filanayaa inuu kala hadlo mas’uuliyiinta Dowladda India arrimaha Somalia guud ahaan iyo Puntland gaar ahaan, wadahadalaas ayaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa horumarinta hey’adaha Dowliga ah, iskaashiga la dagaalanka burcad-badeeda, iyo ka faa’idaysiga teknoloojiyada casriga ah oo uu ku hormaray dalka India.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this