Sign in to follow this  
xiinfaniin

Wasiiru Dowlaha Dastuurka DKG: ” Meel wanaagsan ayuu marayaa shirka odayaashu”

Recommended Posts

Wasaaradda dastuurka Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka Odayaasha dhaqanka ee ka socda Muqdisho uu marayo meel wanaagsan waxeyna rajo wanaagsan ka muujisay in bartamaha bishan ay ka soo bixidoonaan natiijooyin wanaagsan.

 

Wasiiru dowlaha wasaaradda dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Xasan Maxamed Jimcaale “Xasan Dheere” ayaa tilmaamay in shirka Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed uu meel wanaagan marayo, laguna howlan yahay sidii ay u soo xuli lahaayeen ergada ansixineysa Dastuurka dalka Soomaaliya iyo xubnaha cusub ee Barlamaanka.

 

Sidoo kale wasiiru dowlaha ayaa xusay in xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ay ku kalsoontahay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, dowladuna ay ku dadaali doonaan in dalka loo horseedo dowladnimo si looga baxo waqtiga KMG ah.

 

Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ka socda shir ay yeelanaya odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed kaas oo la doonayo in ay soo xulaan ergo ansaxisa qabya qoraalka dastuurka cusub oo uu dalku yeesho.

 

Horseed Media

 

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa laysku dhexyaacay, xattaa ilma Samatar curisyo waaweyn oo caalamka lagula hadlayo bay qoreen, nuxurkuna yahay: Indheergarad Yalaxaw, Sarreeye Guutto Indhacadde xayiraada halaga qaado :D

 

War wuxu naf ma leh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oo ma waxaad sugaysaa inuu dhaho, "meel xun bay mareeysaa?" of course he will say meel wanaagsan......

 

I wish and hope the best for a truely peaceful somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOL@ma waxaad sugaysaa inuu dhaho, "meel xun bay mareeysaa?"

 

Farax B, Somalia waa rafanaysaa (in a positive way), kheyr bayna dhalaysaa insha Allah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this