Sign in to follow this  
kingofkings

History of Minister Jimcaale

Recommended Posts

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole,kuxigeenka Gen.Cabdi Samad Cali Shire,gudoomiyaha Barlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi,xubnaha golaha wasiirada iyo barlamanka ayaa maanta 7,May 2012 tacsi tiiraanyo leh u direy eheladii uu ka geeriyoodey Eebe ha u naxariistee Dr.Cabdi Xasan Jimcaale.

 

Wasiiru dowlaha dastuurka ,arrimaha federaalka iyo dimoqraadiyeynta Puntland Dr.Cabdi Xasan Jimcaale ayaa ku geeriyoodey cibitaal ku yaal London abaarey 12:00 duhurnimo xili golaha wasiirada Puntland ay u fadhiyeen shirkoodi todobaadlaha ahaa.

 

Hakad ayaa la geliyey faataxada Eebe inuu u raxmadona waa loo weydiiyey wasiirka ,sidoo kalena waxa Dowladu u saartey guddi qaban qaabiya aaska marxuumka oo ka kooban saddex wasiir kala ahna Cabdiqani Yuuusf Cade Wasiirka deegaanka ,daaqa ,dalxiiska iyo duur-joogta,Wasiirka Caafimaadka Dr.Cali Cabdulaahi Warsame iyo Wasiiru dowlaha maamul wanaaga madaxtoyada Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan.

 

Marxuumku waxa uu la kowsadey wasiiradii ugu horeeyey ee uu Dr.Farole magacaabey markii uu xilka qabtey Jan2009.

 

Taariikh Nololeed.

 

Dr.Cabdi Xasan Jimcaale waxa uu ku dhashey Eebe ha u naxariiste magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia.

 

Waxbarashada dhamaan heerarkeeda kala duwan waxa uu ka dhigtey halkaasi oo ugu danbeyntii ka baxay Jaamacada Gaheyr qaybta Sharciyada.

 

Dalal badan oo dalka dibadiisa ah ayuu ku soo qaatey waxbrashooyin heerka sare ah sida Ruushka ,Jarmalka ,Uganda ,Romania iyo Bulgaria .

 

1993 waxa uu ka qaatey sharciyada PHD dalka Romania.

 

Waxa uu qoraa uu kaga sheekeyay taariikhda dalka ,diinta islaamka oo laba qaybood ah.

 

Ma deganayaasha Geeska Afrika ayaa ugu caansan buugaagta uu qorey Dr.Jimcaale.

 

Waxa uu ku hadli jirey luqadaha Ingriiska,Ruushka ,Talyaaniga ,Danishka iyo tan Romania.

 

Xaasle ayuu ahaa ifkana uga tagey wiil iyo gabar mataano ah lana kala dhaho Xasan iyo Xamdi.

 

Marxuumka iyo Puntland.

 

Dad badan ayaa ku tilmaamay geerida ku timid Dr.Cabdi Jimcaale mid ah xiligii loogu baahi badnaa dhinaca federaalka iyo guud ahaan dalka oo ku jira marxalad kala guur ah.

 

Dastuurka Puntland oo horey loo qorey waxa uu ka qaatey kaalin aan marnaba la hilmaami Karin dib u eegistiisa ,saxidiisa iyo weliba gogol xaarka hawsha ansixintiisa.

 

Munaasabadii dastuurka Puntland lagu ansixiyey ayuu ka maqnaa waxa xusey madaxweyne Dr.Cabdiraxman Farole oo sheegey in wax badan hawshan uu soo wadey marxuumku balse xanuun dartiis aanu suurogelin inuuu ka soo qaybgalo.

 

Geedi socodka Dimoqraadiyada Puntland ,wacyigelinteeda ,fahansiinta dadka iyo ololeheeda ayuu gacan weyn ku lahaa.

 

Xiriirka Federaalka iyo Puntland ayuu ka qaybqaateey wanajintiisa,sidoo kalena waxa uu madax ka aha gudigii Puntland uga qaybgalay shirarkii geedi socodka nabada Somalia ee ka dhacey Garowe.

 

Hindisaha Calan iyo Astaan Puntland yeelato ayuu keeney oo tartan hufan kadib la ogolaadey mid kamida naqshadihii la soo bandhigey.

 

Eebe ha u naxariisto Dr.Cabdi Xasan Jimcaale waxa uu ahaa nin aan taariikhdiisa lagu soo koobi Karin Baal,Bog ,Buuq iyo Boqolaal sheeko ,waxana Puntland laga dareemay jawi murugo iyo tiraanyo leh iyadoona dhamaan lagu wada qancey qadarta Eebe iyo qof weliba inuu maalin leeyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Sooyaal Nololeedkii Wasiiru Dawlihii Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Puntland DR. Cabdi Xasan Jimcaale

Wq. Anwar Maxamed Diiriye

May 09, 2012

 

____________________

 

 

____________________

 

Dr. Cabdi Xasan Jimcaale (circa 1948 – May 5, 2012), waxa uu ku dhashay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir. Waxa uu malcaamaddii Qur’aanka, dugsigii hoose, dhexe iyo sareba uu ku dhammeeyey magaalada Muqdisho. Intii aan la qorin farta Soomaaliga ayuu ka aflaxay waxbarashadiisii dugsiga sare, dabadeed isla waayahaasba waxa uu noqday shaqaale hoose oo wasaarado dhawr ah ka soo shaqeeyey.

 

09_Sooyaal_nololeedkii_Dr_Xasan_Cabdi_Ji

 

 

Dr. Cabdi Xasan Jimcaale oo shir Soomaaliyeed

dhex fadhiya

1972kii waxa isaga iyo dhallinyaro kale oo uu ku jirey loo qaaday dalkii Soofiyeetka Midoobey. Halkaa oo loo geeyey in ay ku soo qaataan tababar ku saabsan hoggaaminta dhallinyarada, waxana uu ku maqnaa 11 bilood. Goortii uu soo laabtay waxa lagu biiriyey xoghayntii xafiiskii siyaasadda ee madaxtooyada.

 

Waxa uu dabadeed noqday guddoomiyihii ugu horreeyey ee degmada Cadaado; waxa kale oo uu ka soo noqday gobolkii Galgaduud xoghaye xisbi & guddoomiye ku xigeen. Waxa uu ahaan jirey xubin ka tirsan Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed.

 

Waxa uu niskii dhexe ee sano tobnaadkii toddobaataneeyada galay kuliyaddii Culuunta Siyaasadda ee Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed “Gahayr,”. Taas oo uu ka qaatay shahaadada Bachelors-ka. Isla kolkii uu ka qalinjebiyeyba waxa uu macallin ka noqday isla kulliyaddii waxana uu ka dhigi jirey maadooyinka Ancient Greek philosophy & German Classic Philosophy.

 

Muddo ka bacdi waxa loo magacaabay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen guddoomiye ku xigeen gobol, sii haye guddoomiye gobol, agaasime waaxeed & xilal siyaasadeed oo ay la talini ka mid ahayd. Bilowgii siddeetameeyadii ayuu Cabdi iska dhaadhiciyey in aqoonta uu haystaayi in ayan ku filnayn ayna tahay in uu aqoon siyaadsi u tacabiro, waxa uu tegey Romania, waxana uu ka bilaabay barashada sharciga, waxana uu Master ku qaatay arrimaha sharciga 1988kii, waxana uu ugu dambeyn shahaadada PhD ku qaatay Sharciyada Dastuurka (Constitutional Law) oo uu ka qaatay isla Romania.

 

09_Sooyaal_nololeedkii_Dr_Xasan_Cabdi_Ji

 

 

Ra’iisal Wasaare Prof. Cabdiwelli Maxamed Cali Gaas & Dr. Cabdi Xasan Jimcaale. Garoowe, Puntland. 2012

 

Waxa uu u soo wareegey Denmark markii dagaalka sokeeye halakadiisu Soomaaliya ka qaraxday, halkaa ayuuna ku noolaa, waxana uu ka noqday macallin dhiga Italian Literature & la taliye sharci oo uu hay’addo Danish ah oo kala duwan uu muddo kula soo shaqeeyey. Goor dambe waxa uu tegey Soomaaliya, waxana uu shaqo ka bilaabay magaalada Garoowe oo uu hay’adda Diakonia u noqday Xiriiriyaha Sharciga & Xuquuqda Aadanaha. Waxa uu muddadaas aqoon kororsi xagga sharciga ah u furey Ciidanka Asluubta, Ciidanka Bileyska, garsoorayaasha maxkamadaha, qareemmada madaxa bannaan & xubnaha baarlamaanka Punland. Si wanaagsan oo lagu ammaanay ayuu hawshaa uga soo dhalaalay.

 

Bilowgii Janaayo, 2009 ayuu Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole u magacaabay Dr. Cabdi Xasan Jimcaale in uu noqdo Wasiirka Madaxtooyada ee Dastuurka & Arrimaha Federaalka, waxana uu ka codsaday in uu awoodda saaro sidii hannaanka dimoqraadiyadda loo bari lahaa ummadda Puntland & in uu diyaariyo dastuur rasmi ah oo ay Puntland yeelato.

 

Dr.Cabdi Xasan Jimcaale hawshii uu maalintaa bilaabay, si wanaagsan oo bulshada badideedu ku qanacday ayuu uga soo dhalaalay, waxana uu isaga oo sees ka dhiganaya dastuurkii Puntland ee hore u jirey uu dejiyey dastuur rasmi ah oo intii uu noolaa uu ka ansixiyey golaha wasiirrada & golaha baarlamaanka, kaas oo ugu dambeyn isaga oo arrimo caafimaad dartood dhakhtar u jiifa ay si mug leh u ansixiyeen wufuud bulshada laga soo xulayi.

 

Waxa uu ka soo dooray naqshado badan oo loo soo gudbiyey calan & calaamad u gaarka Puntland, oo uu ku qeexay in ayan midnimada Soomaaliyeed aanay wax u dhimaynin ayse tahay astaan u gaar ah gobolka. Waxa uu si xirfad & aqoon leh si joogto ah uga jeedin jirey saxaafadda Puntland casharro & warbixinno ku saabsan dimoqraadiyadeynta, dastuurka & arrimaha federaalka ee ay Puntland oddorosatay.

 

Waxa kale oo uu ebyey sharuucdii uu adeegsan lahaa guddiga doorashooyinku iyo waddadii loo mari lahaa furitaanka axsaabta badan ee siyaasadda. Waxa uu si mug leh oo muuqata uga shaqeeyey isku soo dhowaanshaha iyo wada shaqeynta Puntland & Dawladda ku meelgaarka ah. Waxa uu garwadeen ka noqdey shirarkii Garoowe ee lagu gorfeynayey arrimaha ka gudubka kumeelgaarnimada iyo u gudubka dawlad rasmi ah oo ay Soomaaliya yeelato 21 sano ka dib.

 

Waxa uu ahaa nin shaqo badan oo goor iyo ayaanba wax qorid, akhrin & hawlo shaqadiisa ku saabsan u soo jeedi jirey oo aan marna ka caajisi jirin xilkiisa, kaas oo uu u arki jirey in uu yahay xil ammaano bulsho ku ah oo in had & goor loo soo jeedo mudan

 

Shaqsiyan anigu, waxa aan bartay Dr. Cabdi Xasan Jimcaale, wax yar ka dib markii uu soo saaray buuggiisii (Ma Degganayaasha Geeska Afrika), qiyaasta 1995kii. Waxa uu ahaa shaqsi edeb & ixtiraam badan, urursan, dhegeysi badan oo aan ka daali jirin ama kahan jirin in aad saacado badan la sheekeysato, saaxiib wanaagsan oo deeqsi ku ah aqoontiisa & waayo aragnimadiisa. Waxa uu ahaa nin leh garasho sare oo wax ka hillaadin og meel aadan arki karin.

 

Goor walba oo aad ka dooddaan arrin aqoon u baahan si fudud ayuu u heli jirey dooddiisa, tixraacyo badanna wuu ku siin jirey. Dhanka filosofiga waxa uu aad u soo xigan jirey fikradihii Jean-Jacques Rousseau iyo Georg Wilhelm Friedrich Hegel. Jimcaale ma aanu ahayn nin ay iskaga qasan yihiin ama marnaba ay iskaga labmaan arrimaha diinta & kuwa cilmiga maaddiga ahi. Waxa uu lahaa garasho cuddoon oo meel dhow wax kaa tusi og, waxa uu ahaa deeqsi inta aad la joogto aqoontiisa & himilkiisa si fudud oo aan hamrasho lahayn kaaga dherjiya.

 

Marka aad dood cilmiyeed bilowdaan si xarrago leh ayey maskaxdiisu u deexan jirtey, waxana uu jecleysan jirey in aad doodda sii waddaan. Qof aad u deggan oo ixtiraam badan muujiya ayuu ahaa, dadkuna waa ay u sinnaayeen oo abuurta bini’aadamnimo ayaa kala sarreysey heerarka nololeed ee kala qoqobta bulshada. Hawlaha reernimada & kuwa shaqadiisu way u kala soocnaayeen, dadka aan garashada uu higsanayo si sahlan u fahmi karini way ku colaadin jireen arrinkaa. Waxa uu ku oran jirey haddii aad labadaa arrimood isku baraxdo, “walaal inoo kala saar oo aan mid walba xaqeeda siinno.” Waana halkaa halka uu sida weyn ugaga duwanaa hoggaamiyayaal iyo aqoonley badan oo Soomaali ah. Waxa uu ahaa nin cilmiga uu bartay ku degey, oo mar walba caqligiisa iyo inta uu bartay ku kala xeeriya arrimaha murugsan ee ku meegaaran nolosha iyo waayaheeda macaankiyo kharaarkaba leh. Dhanka qarannimada & hanka Soomaaliga aad ayuu ugu weynaa, mar walba oo aad wakhti isku heshaanna waxa uu tartansiin jirey darxumada Soomaalida dadkeeda iyo dalkeedaba haysta iyo halka adduunka kale iyo dadkiisu ay higsanayaan. Munaafaqadda, cuqdadda iyo ceeb ku faanka wuu ka caafimaad qabey, oo waxaa halhays cuddoon u ahaan jirtey kelmadda “xaashaalillaahi,” oo macnaheedu yahay “xume ka fog; xume ka dheer iwm” marka uu kuu xaqiijinayo arrin uu ka hadlayo hubsashadeeda.

 

Dr. Cabdi Xasan Jimcaale, waxa aan markii iigu dambeysey ee aan arko aannu diyaarad ka wada raacnay Djibouti, dabaadigii December 2010, oo waxa aan isla gaarney ilaa Gaalkacyo, dabadeedna gurigiisa ayaan asbuucii labaad ee ku beegnaa January 2011, ku wada qaddeyney magaalada Garoowe. Dr. Jimcaale waxa uu diyaaraddu intii ay samada dhex muquuraysey uu igu guddoonsiiyey nuqul ka mid ah dastuurka imika Puntland loo ansixiyey oo uu garwadeen ka ahaa, oo weliba si ixtiraam leh uu iiga codsaday in aan si deggan u akhriyo oo aan sida ugu dhakhsaha badan ula wadaago sida aan u arko, tiiyoo aan yeelay, Maashaa Allaahuye.

 

DR. Cabdi Xasan Jimcaale, waxa kale oo uu ahaa qalinle halki-haleel ah, waxana uu qoray dhawr buug oo soo baxay iyo dhawr kale oo iyaga oo tifaftiran uu ka geeriyoodey oo uu Alle ka oofsaday. Waxa uu wax ka qori jirey, taariikhda, Islaamka iyo arimaha siyaasadda Soomaalida.

09_Sooyaal_nololeedkii_Dr_Xasan_Cabdi_Ji09_Sooyaal_nololeedkii_Dr_Xasan_Cabdi_Ji

 

Anwar Maxamed Diiriye (Somali Pen & Gobaad Press) oo shahaado sharaf hawl-karnimo guddoosiinaya Dr. Cabdi Xasan Jimcaale, Minneapolis, Minnesota 2009

 

Illaahay naxariistii janno ha siiyee, Dr. Cabdi Xasan Jimcaale, waxa uu ku geeriyoodey cusbital ku yaal magaalada London oo uu muddo ku jirey maalinkii Sabtida, May 5, 2012. Geeridu waa xaq, laakiin dhimashadiisu waxa ay ku soo hagaagtey xilli aqoontiisa & dadaalkiisaba aad loogu baahnaa oo ay hawlo badani dhanka Soomaalida ka sugayeen. Waxa uu ifka kaga tegey laba carruur ah oo mataano ah & hooyadood. Ilaahay iyaga & innagaba samir & iimaan waafi ah ha naga wada siiyo, booskiisiina khayr ha noogu beddelo e’.

 

Geeridu xaq weeyoo

Waa la wada gundhabadsane

Hadda gaani dhaladoo

Aqoon guud ka buuxdaa

Gegidii banneeyee

Goob wacan Alloow gee

 

Gef wuxuu lahaa iyo

Gabballihii ka dhacay iyo

Wixii laga gensaday iyo

Gol dalooladiisii

Guulloow ka baabi’i!

Guryihii jannada iyo

Firduuz gogosha ugu beeg!

 

Anwar Maxamed Diiriye

Anwar@usfamily.net

May 9, 2012

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this