Sign in to follow this  
Che -Guevara

Sharif on the new Constitution

Recommended Posts

Madaxweyne Shariif oo sheegay inaysan Aqbalayn Dastuurka oo la diido Laakiin ay ogol yihiin in qodobadiisa laga hadlo

 

Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariikh Sheekh Axmed oo shalay booqday xarunta gaadiidka booliiska oo lagu wado inuu ka furmo shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya, ayaa sheegay inaysan aqbali karin in dastuurka laga soo horjeesto, laakiin ay ogol yihiin in qodobbadiisa laga doodo.

 

Sheekh Shariif ayaa sheegay in shirka ansixinta dastuurka uu furmi doono berri oo Sabti ah ama maalinta xigta ee Axadda wuxuuna xusay in dastuurka ay ansixin doonaan wakiillada odayaasha oo aan la ogolaan doonin in cid aan wakiil ahayn ay ka qaybqaadato ansixinta dastuurka iyo xulidda xildhibaanada.

 

"Waa inay meesha ka baxdo dastuurka ma doonayno, balse arrintu ahaato oo keliya qodobkan ayaa wax ka qaldan yihiin ee hala saxo," ayuu yiri Sheekh Shariif oo kula hadlayay wariyeyaasha xarunta gaadiidka booliiska.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dastuur la'aan aan la noolaan karin, isagoo xusay inay socda qorshayaal lagu doonayo in dadka ay argtidooda ka dhiibtaan dastuurka ka hor inta aan la horgeyn guddiga ansixin lahaa.

 

"Qofkii fikir haya waa inuu fikirkiisa soo gudbiyo, waana in lagu dadaalo inaan wax lahaanno," ayuu madaxweynuhu yiri mar kale, isagoo sheegay in markii dastuurka la ansixiyo kaddib ay sii soconayso wax ka badalkiisa illaa inta laga gaarayo in afti guud loo qaado.

 

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sidoo kale soo dhaweeyay warsaxaafadeedkii kasoo baxay ururka Midowga Afrika, Qarmaada Midoobay iyo IGAD, kaasoo loogu digay kooxo lagu sheegay qas-wadayaal, isagoo sheegay inaan la ogolaan karin in fidno la abuuro.

 

Ugu dambeyn, Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dastuurka ansixintiisa la hormarin doono markaas kaddibna la xuli doono xidhibaannada, isagoo sheegay in Muqdisho ay sharaf weyn u tahay in lagu qabto shirweyne lagu ansixinayo dastuurka laguna sameynayo isbedel dowladeed oo baaxad weyn.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

The evolving Sheikh has been sending out different message in the last couple of weeks. Now waa tan tu kale. Ninkan warkiisa anigu ma qaato oo final uma arko. For sure, he will evolve again!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

He has bad advisors. He should have kept quiet till the constitution was released and reviewed, and then spoken out regarding which articles he sees inappropriate.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Shariif oo sheegay in aan aqbali doonin in la diido Dastuurka

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in aanay aqbali doonin in laga hor-yimaado Dastuurko, isagoo ku baaqay in laga hadlo qodobada, balse aan la diidin.

 

Isagoo shalay ka hadlayay mar uu kormeer ku tagay Xarunta Gaadiidka Booliska oo dhowaan ka dhici doono shirka ansixinta Dastuurka ayaa sheegay inuu dhamaaday dayactirkii ka socday Xarunta Gaadiidka Booliska.

 

"Waxaan u mahadcelineynaa walaalaheena Turkiga oo gacan ka geystay in dib loo dayactiro Xarunta Gaadiidka Booliska"ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

 

Madaxweynaha ayaa eegay hoolka shirarka ee lagu qabanayo Xarunta Gaadiidka Booliska, kaasoo ay ka qeyb galayaan ilaa 825-xubnood oo u fariisanaya shirweynaha dastuurka lagu ansixinayo.

 

"Waxaan ku rajo weynahay in shirka Dastuurka uu furmo Maalinta sabtida, ugu dambeyn Axada, waa dhici kartaa inuu dib u dhaco ilaa axada"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo intaa ku daray in loo diyaar garoobay shirka.

 

Madaxweynaha ayaa ka digay in shirka laga hor-yimaado ama la diido, isagoo taa bedelkeed xusay inay haboon tahay in laga doodo qodobada Dastuurka.

 

Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ku soo qul qulayay Odayaal dhaqameedyo ka imaanayay Gobolada dalka, si ay u soo xulaan xubnaha 825 ee ansixinaya shirka Dastuurka.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa u diyaar garowday shirweynaha Dastuurka, iyadoo diyaarisay goobo dadka la dajiyo iyo ammaankooda oo ay u xilsaartay Ciidamo gaar ah iyo kuwa AMISOM.

 

http://www.jowhar.com/news.php?readmore=697

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Abtigiis;826622 wrote:
The evolving Sheikh has been sending out different message in the last couple of weeks. Now waa tan tu kale. Ninkan warkiisa anigu ma qaato oo final uma arko. For sure, he will evolve again!

A much better reply than the one his PM made. At least he allowed himself room for change here; no opposing of the constitution but sections of it can be questioned (what if it's ALL sections?). I'm telling you, the geography teacher finally got himself a competent advisor! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

^^

 

He said exactly what the Prime Minister said, take off your qabiil tainted glasses and stop hating on the professor.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Qabiil is Everything but the hopeless Somali PM does not warrent any qabiil based attackes from me, adeer. And, NO, Sharif did not say exactly what the PM said. Note the subtle difference in their speeches, son.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

He said that there would be no blocking of the constitution, Sheikh Shariif just said the same. In fact, Shariif has spoken with two mouths here, first he was against, and now he's for it.

 

So what warrants your attack on the PM who was clear from the get go? And now you claim the President has good advisors for saying the same as the PM.. Waa cajiib.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Look! I can explain things for you but I could never teach you to read, adeer. Slow down, take your time and work it out for yourself.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Nice picture of you there. :D

Now go read the replies of the two men, compare them and then come back to me if you struggle for any understanding (but I'm still not going to teach you to read).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this