Sign in to follow this  
kingofkings

UNFPA in Galkacyo

Recommended Posts

Garoowe (APL ) : Wasaaradda Caafimadaka Dowladda Puntland ayaa soo dhaweyn balaaran u samaysay wafti sare oo ka socday hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan Caafimaadka Taranka iyo Tirakoobka Dadka (UNFPA), waftigan UNFPA ka socday waxaa hogaaminayay Wakiilka cusub ee hay’adaas ay usoo magacowday Soomaaliya oo la yiraahdo Mr. Cheikh Cisee, sidoo kale waftiga waxaa ka mid ahaa Dr. Maha Elawdayi oo ah lataliyaha caafimaadka taranka ee wadamada carabta iyo Dr. Mohamed Afifi oo isna ah ku xigeenka caafimaadka taranka ee wadamada carabta iyo Wakiilka UNFPA Puntland Dr. Ibraahim Cabsiye.

 

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa waftigan shir kula qaatey xafiiskiisa Wasaaradda Caafimaadka shirkaas oo ay wasiirka ku waheliyeen wasiir ku xigeenada Wasaaradda Caafimaadka Zaynab Ugaas Yaasiin, Agaasimaha guud Dr. C/risaaq Xirsi Xasan, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Dr. C/risaaq Xassan Ciise, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka aasaasiga ah Xaaji C/risaaq Abshir Garweyne, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka dadweynaha Cali Diiriye iyo Agaasimaha Isbitaalka Gaalkacyo Dr. Maxamed Xuseen Aadan.

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa waftiga UNFPA kusoo dhaweeyey dalka khaasatan waxa uu wasirku uu gacmo furan oo walaaltinimo kusoo dhaweeyey wakiilka cusub ee hay’adda UNFPA ay Soomaaliya usoo magacawday Cheikh Cisee.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. C/risaaq Xirsi Xassan iyo Agaasimaha qorsheynta Dr. C/risaaq Xassan Ciise ayaa waftiga UNFPA waxay usoo bandigeen adeegyada caafimaadka ee Wasaaradda iyo meelaha ay ku yaaliin guud ahaan wadanka oo dhan sidoo kale waxay soo bandhigeen baahiyaha ugu waaweyn ee haysta Wasaaradda caafimaadka sida dhakhaatiirta caafimaadka oo dalka ku yar tiradooduna tahay 93 dhakhtar oo saddex ka mid ah ay yihiin kuwo qaabilsan cudurada haweenka (Gynecology), gaadiidka gurmadka caafimaadka (Ambulance) oo dalka ku yar iyadoo 13 xabo oo kaliya ay wadanka joogaan, tabobarada shaqaalaha caafimaadka oo aad u yar una baahan in la kordhiyo oo ay UNFPA gacan ka gaysato.

 

Wasiirka caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa isaguna dhankiisa guudmaray xaalada caafimaadka ee wadanka iyo baahiyaha haysta isagoo si quto dheer uga waramay wuxuuna sheegay in wasaaradda caafimaadku ay ka shaqeyso guud ahaan Puntland sidoo kalena ay ka faa’idaystaan mashaariicda caafimaadka ee Puntland guud ahaan umadda Soomaaliyeed oo kuso barakacday Puntland oo ah halka ugu nabada bada Soomaaliya.

 

Wasiirka Caafimaadku waxa uu hay’adda UNFPA uga mahadceliyey gacanta ay ka gaysato kor u qaadida caafimaadka wadanka iyo tabobarada umulisoonka ay u samayso hay’adda UNFPA sanad walba oo uu wasiirku uga mahadceliye isagoo ka codsaday inay intaas ka kordhiyaan kaalmadooda ay siiyaan Puntland.

 

Madaxa cusub ee UNFPA Soomaaliya u qaabilsan Mr. Cheikh Cisee ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee ay madaxda Wasaaradda caafimaadku kusoo dhaweeyeen waftiga UNFPA wuxuuna sheegay inuu ka shaqeyn doono inuu labo laabo wada shaqeynta wasaaradda caafimaadka iyo ha’adda UNFPA, wuxuu balan qaaday in mashaariicda caafimaadka ee Puntland ay ugu talagaleen inay sida loogu talagalay ay u fulin doonaan ayna kordhin doonaan mashaariicda.

 

Dr. Maha Elawdyi oo caafimaadka taranka UNFPA lataliye uga ah waxay sheegtey inay ka shaqeyn doonto in xooga la saaro in la ciribtiro isku furanka (Fistula) oo dhibaato weyn ku haya haweenka Soomaaliya ayna sabab u tahay dhalmada oo ku dheeraata haweenka u gudan fircooniga,UNFPA waxay sheegtey inay wax ka qaban doonto arimahan:

 

Xoojinta xiriirka wadashaqeyneed ee ka dhaxeeya hay’adda UNFPA iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland

 

In la ciribtiro dhibaatadda isku furanka (Fistula) uu u gaysto haweenka Soomaaliyeed ee Puntland ku sugan

 

Inay tabobaro u fidiyaan khibradlayaasha caafimaadka Puntland si loogu guulaysto ciribtirka (Fistula) , qaliimada haweenka marka ay dhaliwaayaan Caesarean section (C-Section) iyo tabobaro loo sameeyo dhakhaatiirta iyo shaqaalaha wasaaradda caafimaadka.

 

Inay gacan ka gaystaan kuna dadaalaan sidii gaadiidka gurmadka deg deg (Ambulances) loo kordhin lahaa iyo inay saacidaan Isbitaalada waa weyn ee Puntland.

 

In Madaxda UNFPA ee Puntland la siiyo awood go’aan gaaris ah oo aysan mar kasta go’aan gaarista ka dalban UNFPA Nairobi.

 

Qodobadan ayay wasaaradda caafimaadka Puntland iyo hay’adda UNFPA isku afgarteen iyadoo shirkuna uu kusoo dhamaadey jawi aad u qurux badan , qodobadan ayaa ahaa kuwii ugu waaweynaa ee laga wada hadlay ayna wasaaradda caafimaadku ka codsatey inay UNFPA wax ka qabato.

 

Dhanka kale Wasaaradda caafimaadka ee Dowladda Puntland waxay xalay casho sharaf u samaysay waftiga UNFPA ka socday, cashada waxaa sidoo kale ka qaybgalay madaxda Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqaalaha UNFPA ee Puntland. Cashadan oo lagu qabtey Hotel Rugsan Square ee magaalada Garowe ayaa labada dhinac kaga sii sheekaysteen waxyaabo badan oo ku saabsan caafimaadka iyo qaabka ay gacan uga gaysan karaan.

 

Madaxda UNFPA ayaa cashadan ka mahadceliyey waxayna sheegeen in loo sameeyey soo dhaweyn iyo sharfid ayna ka mahadcelinayaan iyagoo balan qaadey inay shacabka reer Puntland la qaybsadaan dhibaatooyinka haysta wixii ay kari karaan oo awoodooda ahna ay gacan weyn ka gaystaan. Cashada ayaana waxay kusoo dhamaatey jawi aad u wanaagsan iyadoo uu soo xiray wasiirka caafimaadka Puntland oo waftiga u rajeeyey inay xafiisyadoodii Nairobi iyo Qaahira ku gaaraan nabad iyo caafimaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this