Sign in to follow this  
xiinfaniin

Traditional Elders Pouring Into Mogadishu To End the Transition

Recommended Posts

Madaxda dhaqanka Soomaalida oo Muqdisho kusii qul qulaya

Updated:- 2 hours ago| 0 Commnets

 

Magaalada Muqdisho waxaa kusii qulqulaya Isimada beelaha Soomaaliyeed si ay uga qayb galaan kulamada loogu gogol xaarayo shirka ansixinta Dastuurka.

 

Isimada Muqdisho lagu casuumey oo ay tiradoodu 100 kor u dhaafeyso ayaa in badan oo kamid ahi waxay ka tageen deegaanada Puntland.

 

Ujeedada ugu weyn ee booqshada Isimada ee Muqdisho ayaa ah sidii ay madaxda sare ee dalka uga wada arinsan lahaayeen, hanaanka ugu haboon ee ergooyinka ansixinta lagu soo xulayo.

 

Dhinaca kale diyaarad gaar ah oo kasoo duushay magaalada Nairobi islamarkaana Isimo ka qaadi lahayd degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa la xabadeeyey.

 

Kooxo aan ilaa iyo hadda haybtooda si cad loo sheegin haseyeeshee ay maamulka gobolkaasi qas wadeyaal ku tilmaameen ayaa diyaaradda xiligii ay garoonka soo caga dhigan lahayd rasaas ku furay.

 

Ma jirto wax dhibaato ah oo diyaaradaas lasoo gaarsiiyey haseyeeshee waxay dib ugu laabatay magaalada Nairobi oo ay markii hore kasoo duushay.

 

Arintan ayaa kusoo beegmeysa xilli beryihii u danbeeyey ay dowladda KMG ah ee Soomaaliya ku hawlaneyd sidii madaxda dhaqanka ee beelaha Soomaaliya Muqdisho loo soo gaarsiin lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waaba la isku imaanayaa, Mogadishu the mother again.

 

diyaaradaha degeya mar dhow baa lawada fariisanayaa oo dastuurka laga doodayaa oo la ansixinyaa insha allaah :D

 

waa maalintu xaaji xunjuf ooyn lahaa, ooy ilmadu camanka ka hoori lahayd

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Transition will end anyway in august, irrelevent of what elders say.

 

But the Tradtional elders have been flown in to approve a constitution that has not been published yet. I hope they get some time to read it or atleast someone reads it to the illiterate elders. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Carafaat;825544 wrote:
Transition will end anyway in august, irrelevent of what elders say.

 

But the Tradtional elders have been flown in to approve a constitution that has not been published yet. I hope they get some time to read it or atleast someone reads it to the illiterate elders.
:D

You haven't even read it yourself.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Malaaqyadii Gobollada Bay iyo Bakool uga qaybgeli lahaa shirka Ansixinta Dastuurka oo qaarkood Muqdisho la keenay

 

Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Diyaarad gaar ah ayaa maanta kasoo qaadday degmada Baydhabo ee gobolka Bay 27-xubnood oo ka mid ah xildhibaannada uga qaybgalaya gobollada Bay iyo Bakool shirka ansixinta dastuurka DKMG ah ee bishan lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

 

Malaaqyadan ayaa waxaa hoggaaminayay malaaq ***** Ibraahim Xasan iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda laga soo qaado Baydhabo malaaqyo kale oo kuwan kusoo biiraya.

 

"Diyaaraddu mar hore ayay kasoo duushay Baydhabo, waxaana malaaqyadan ay ka mid yihiin xubnaha gobolladan uga qaybgalaya shirka ansixinta dastuurka," ayay yiraahdeen xubno ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ku sugan Baydhabo.

 

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay dhawaanahan wadday qorshayaal ay uga keenayso gobollada dalka qaarkood waxgarad ka mid noqda xubnaha ansixinta dastuurka oo bishan 15-keeda lagu wado in la ansixiyo inkastoo ay jiraan dad aad uga soo horjeeda dastuurka.

 

Ururka Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ayaa waxay digniin u direen shalay kooxo ay ku sheegeen qas-wadayaal kuwaasoo kasoo horjeeda dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo ka bixitaanka xilliga KMG ah.

 

Imaanashaha odayaashan ka socda gobollada Bay iyo Bakool ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli shalay la rasaaseeyay diyaarad lagu waday inay odayaasha kasoo qaado degmada Doolow ee gobolka Gedo, taasoo aysan weli dowladdu ka hadlin.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo Haweenka kala hadlay Ansixinta Dastuurka, Dhismaha Baarlamaanka iyo Hirgelinta Roadmap-ka

 

Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa haweenka Soomaaliyeed kala hadlay hirgelinta Roadmap-ka, ansixinta dastuurka cusub iyo dhismaha baarlamaanka kaddib kulan uu xalay kula yeeshay xafiiskiisa.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii haweenku uga qaybqaadan lahaayeen hir-gelinta heshiiska looga baxayo xilliga KMG ah, ansixinta dastuurka iyo dhismaha baarlamaan cusub oo ay Soomaaliya yeelato, waxaana haweenku ay aad u soo dhaweeyeen talada ay xukuumaddu ka siinayso sidii looga bixi lahaa xiliga KMG ah ee muddada lagu soo jiray.

 

"Caawa waxaan hortiinna ka caddeynayaa in xukuumadeydu aysan marnaba dib u dhigi doonin kaalinta aad ku leedihiin hay’addaha siyaasada iyo kuwa maamulka ee dowladda, gaar ahaan tirada aad xaqa u leedihiin ee baarlamaanka oo ah 30%," ayuu yiri ra'iisul wasaaruhu u sheegay haweenkii uu la kulmay.

 

Haweenka oo ka kala socday qaybaha bulshada iyo ururrada haweenka ayaa waxay su'aalo weydiiyeen ra'iisul wasaaraha, waxaana ugu badnaa tirada ay looga qoondeeyay baarlamaanka inay ku yeeshaan.

 

Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii looga gudbi lahaa xilliga KMG ah ee ay dowladda xilligan jirto ku shaqeyso marka la gaaro bisha Ogoosto, iyadoo ay haweenku soo jeediyeen talooyin ku aaddan qaabka looga gudbi karo.

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu uga warbixiyay haweenka horumarka laga sameeyay dhaqan-gelinta Roadmap-ka, dhismaha guddiyada iyo sugidda ammaanka wuxuuna carabka ku dhuftay dastuurka dalka oo uu sheegay inuu yahay mid lagu saleeyay shareecadda Islaamka laguna hoggaamin doono dalka, isla markaana aan dalka lagu faafin karin wax ka baxsan diinta Islaamka.

 

Ugu dambeyn, C/weli Gaas wuxuu haweenka ku boorriyay in xafiiskiisa uu u furan yahay uuna sii wadi doono kulammada noocan oo kale ah si la isku dhaafsado hadba aragtida soo kororta.

 

Kulankan ayaa wuxuu qayb ka yahay kulammo uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya la yeelanayay qaybaha bulshada si uu uga dhaadhiciyo dastuurka oo aad looga soo horjeedo, sidoo kalena uu ugu sharraxo waxqabadka xukuumaddiisa muddadii ay jirtay.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this