Sign in to follow this  
Somalia

Galmudug Election Thread

Recommended Posts

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Maamulka galmudug ee gobolada dhexe Soomaaliya ayaa kulan saxaafadeed maanta uu ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi Mudug waxa uu ku shaaciyay inta u harsan madaxweynaha iminka ee dowlad goboleedkaasi.

 

Cuuke Xaaji C/raxmaan gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Galmudug ayaa u soo bandhigay saxaafada gobolka warqado cadeynaya in madaxweynaha Galmudug Mr Caalin ay u hartay mudo dhan 9 bilood islamarkaana ay tahay in uu xilka sii hayo mudadaasi.

 

Waxa uu intaasi raaciyay gudoomiye ku xigeenku in tani ay timid ka dib markii kulamo iyo dib u eegid badan ay ku sameeyeen gudiga odayaasha dhaqanka iyo guurtida islamarkana ay soo saareen sida sax da ah.

 

Mudooyinkii dambe ayaa waxaa ka taagnaa dowlad goboleedkaasi xiisado siyaasadeed oo ku aadan xilka madaxweyne nimo ee maamulkaasi iyadoona ay jireen rag isku soo sharaxay jagadaasi qalabka warbaahinta ka shaaciyay in ay yihiin musharaxa madaxweyne nimo ee maamulka Galmudug.

 

Hadalheynta ugu weyn magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta Maamulkaasi uu ka arimiyo ayaa aheyd xiliga u haray madaxweyne caalinka iminka xilka haya iyadii shaacinta gudoomiye ku xigeenka baarlamanka ka hor ay dadku isla dhexmarayeen mudada u hartay Madaxweynaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;830792 wrote:
I think Galmudug and PL should form a alliance based on equality, Solidarity and Somalinimo for the sake of Galkacyo and its people.

not to go off topic and fadlan do the same, but PL is PL and galmudug is galmudug. furthermore, Galkacyo is Mudug Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Good analysis we have here. It was removed from the front page of the website, but still, it's very good work.

 

http://www.mudugnet.com/Aragtida/2010/Kaligii%20duul%20iyo%20Feero%20dhagaxii%202aad.htm

 

Taariikhda beesha ----------- ee dalka Somalia waa mid madow oo ay hareeyeen si xun wax u doon, damac liita, eex, musuqmaasuq, wadani-nimo xumo iyo isla weyni gunteedu tahay doqonimo. Beesha ********** waa qabiilka kaliyah ee dalka Somalia oo ku faana qabyaaladda iyo musuqmaasuqa iyagoon waxba u aaba yeeleyn.

 

Bal aan idin tusaaleeyo qaar kamid ah taariikhdooda madow:-

* Waxay si kal iyo laab ah ula shaqeyn jireen gumeystihii

Talyaaniga waana qabiilka kaliyah oo uu hubeeyay horaantii qarnigii 19naad

iyagoo hubkaas Talyaanigu siiyay ku gumaaday shacabkii gobolada dhexe,

shaqsiyaadkii waagaas la shaqeynayay Talyaaniga waxaa hormood u ahaa

Boqor Cismaan, reer Yuusuf Keenadiid, Omar Samatar, Guda gude, Guushaa

iwm.

 

 

* Waa qabiilkii ugu horeeyay oo u galay Xabashi si loo dumiyo dowladdii

uu hoggaaminayay Siyaad Barre iyagoo u arkayay in ay xukunka ka mudan

yihiin Mohamed Siyaad Barre oo waliba ahaa nin ay magac guud wadaagaan,

waxayna iyagoo ********** u ah ciidanka Xabashida qabsadeen tuulada

Balan Bale halkaasoo ciidankii Xabashidu ka taageen calanka Xabashida,

aakhirkiina daba******nimada qabiilka ********** baa keentay in uu bur bur

iyo colaado lagu hoobtaa ka dhacaan dalka Somalia taasoo miraheedu

noqday in dowladdii Soomaaliyeed dunto, dadku qabiil qabiil u kala

baxaan iyo in dowladda Xabashidu gacanta ku dhigto dalka Somalia

 

* Waa qabiilkii ugu horeeyay oo Tigree kusoo hoggaamiyay dalka Somalia 2006

waxayna xasuuq ba'an u geysteen shacabkii Soomaaliyeed oo deganaa kuna

noolaa bartamaha iyo koonfurta dalka Somalia. Waxay iyagoon kala harin

naf iyo maalba u hureen dowlad ku sheegtii dagool ooge Abdulaahi yeey,

waxay si toos ah Somalia gacanta ugu galiyeen dowladda Xabashida iyo

xulafeeda kuwaasoo cadow weyn ku ah ummadda iyo dalka Somalia

 

* Waa qabiilka kaliyah oo aan gar qaadan oo waligood isla quman, balse si xun

oga aarsada oo aan waligood ka harin qabiilkii ay wax tirsanayaan, waa qabiilka

kaliyah oo si heer sare ah ku maamuusa kuwa iyaga katirsan dembilayaashaa

(criminals) oo ummadda xasuuq u geystay islamarkaasna ku sifoobey

khiyaano qaran sida Abdullahi Yeey, Omar Samantar iwm

 

Warkii oo kaaban, beesha ********** waxaa dusha ka saaran fadeexo weyn iyo dakanooyiin fara badan oo ay ka galeen ummadda iyo dalka Somalia, waxayna lumiyeen kalsoonida beelaha *****, ******, *********, Dirta koonfureed iwm, iyadoo asbaabuhu yihiin habdhaqankooda guracan iyo iyagoo waxkasta oo sadano ah kaligood isku rabo islamarkaasna aan sharaf iyo nolol u ogoleyn qabiil kale.

Ugu dameyntii, dadow bal eega habdhaqanka qabyaaladeed iyo sedbursiga ay ku socdaan Abdiwali Gaas iyo Faroole iyo sida foosha xun oo ay ugu qidmeynayaan dowladda Xabashida iyagoo doonaya in ay Soomaalida gumeeyaan si ay kaligood u noolaadaan. Safiirada ********** iyo kuwa safiir ka hooseeya oo ay magacaabeen tfg Abdullaahi Yeey iyo Abdiwali Gaas waa kuwo kabadan soddon(30). Metalan safiirada ********** waxay kala joogaan Addis Ababa, Geneva, Abu Dhabi, Dubai, Tanzania, Zambia, USA, Suadi Arabia, Libia, Moscow, Djibouti, Cairo, iwm. Haddaba ma dhici doonto in dalka Somalia lagu hishiiyo inta qabiilka ********** ay ku socdaan waddadaas dulmiga iyo sebursiga ah oo ay ku haligeen ummadda iyo dalka Somalia. Waxaa intaas ka daran, beesha ********** si gooni ah bey oga goosteen dalka Somalia intiisa kale iyagoo degaanadooda gacanta u galiyay sharkaddo baara shidaal oo calooshood u shaqastayaal ah, waxayna doonayaan in

ay ka taliyaan oo maalaan koonfurta Somalia. Hadde haddey xaajadu sidaas tahay sidee Soomaali ku hishiineysaa ?

 

Somalia, wale ama xaqsoor ijtimaaci ah loo soo noqey ama lagu kala tag !

 

Waxaa wadajir u qoray: Kaligi Duul & Feero Dhagixii Labaad

Gaalkacyo, Galmudug

 

Riix Halkaan Hees tii Aabe Siyaad Erayadii iyo naaxiyadii Cabdikariim Faarax Qaareey Codkii Ardayda Dugsiyada Xamar

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

No, they are different men, but they both look like each other however Faroole looks like a mukulaal. My friends and I call him a mukulaal cause he looks like one and you can't see his moves coming, just like a cat.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Muddo hadda ku dhow saddex bilood buu madaxweyne Caalin kasoo maqan yahay maamulka Galmudug, taasoo lid ku ah dastuurka u dhigan maamulka Galmudug islamarkaasna waxay dayac ku tahay xil gudashidii madaxweynaha ee maamulka iyo shacabka Galmudug.

 

Madaxweyne caalin wuxuu ku tilaabsaday siyaasad guracan oo ay layaabeen dadka reer Galmudug taasoo ah ( madaxweyne Caalin oo si dhow ugu faraq xirtay dowladda Xabashida iyo Abdirahman Faroole oo kow ka ah kuwa u qidmeeya Xabashida iyo cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Warka maanta kasoo yeeray madaxweyne caalin oo ah in ''doorashada Galmudug ay dhacayso bisha January 2013'' waamid muujinaysa sida madaxweyne Caalin u doonayo in Galmudug ay ka guurto xasilooni siyaasadeed iyo midnimo taasoo ah arrin khatar weyn ah.

 

Ugu dambeyntii, masiirka Galmudug ma ahan wax uu hal shaqsi ama shaqsiyaad oo dan gaar ah iyo aragti gaaban u xusul duubaysa ay ku khamaaraan. Waxaan usoo jeedinayaa golaha barlamaanka, golaha wasiirda, galaha maxkamadda sare ,nabadoonada, aqoonyahannada, ganacsatada iyo kuli waxgaradka beelaha ku midoobay maamulka Galmudug in ay u istaagaan midnimada, nabadda iyo caddaaladda Gulmudug sidii loo xoojin lahaa islamarkaasna loo qaban lahaa doorashooyinka maamulka Galmudug bisha August 2012.

 

 

Wabillaahi towfiiq.

 

Kaligii Duul

Gaalkacyo, Galmudug

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Very good Somalia. Tooshka ku beeg Caalin and his wicked Mudug politics. Intaan Puntland ku jeednay ayaan iloownay Caalin or 'mini Me' of Faroole. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

True that, I wonder what his motives are, has he been promised something in return? Is Faroole screwing over some people with the help of Zenawi? This will be a closely followed story no doubt.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Bismillahi Arahmaani Arahiim

Asalaam Alaykum Warahmatu Allahi Wabarakaatuhu

 

SOMALI REPUBLIC

 

Press Statement

 

(War-Saxaafadeed)

 

Shacabka Soomaliyeed Meelkasta Ha Joogeenee waxaan ugu horeyn ugu Hambalyeenayaa 1da Lulyo 1960kii Xoriyadii Lagu guuleytay midnimida Umadda Soomaaliyeed.

Waxaana Ugu Hambalyeenayaa Wadahadalada lala furay Mamulka Wallalaha beesha dhexe ee Waqooyiga Somalia ,waxaana ku boorinaayaa in ay dardargaliyaan kana mira dhaliyaan Masuuliyiinta hadda ku howlaan wana soo dhaweenayaa Wada hadalkaas.

 

Waxaan Kaloo Ugu Baqaayaa in dhamaan Maamulada iyo Urarada Siyassada iyo Bulshada, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Culumaaudiinka, Saraakisha iyo Ururada Haweenka. ay ka qeeb Qaataan Dadaalka Hadda Loogu jiro in Hasha Somaliya Lagu Qaybsado iyo Midkasto loogu badigoobayo Maamul Dowladeed Dhexe oo Taya Leh loona Dhan yahay taasoo lagu Xaqiijinayo Xoriyadda iya Midnimada Soomaliya iyo Ku Dhaqidda Shareecada Islaamka iyo Raacidda Habdhaqankii Suubanaha Rasuulkeena (CSWS)

 

Waxaan talo kusoo Jeedinayaa in Hantida Shacabka aan loo Isticmaalin Arimo Siyaasadeed iyo Doorashooyin taas oo shaki galin karta Shacabka Soomaliyeed ee u Baahan Doorasho Xaq iyo Xor ah.

Waxaan Ugu Baqayaa Dhamaan Wallaalaha Gobalada Dhexe Soomaliya in ay ku Dadaalaan Nabadda, soo nooleenta Maamulada, Adeegga bulshada, isku Furidda Ganacsiga Xorta ah iyo horumarinta Waxbarashada.

Gal-mudug waxaa ka muuqanayaa saan-saan .Waxaan leeyahay dadka deggan Gal-mudug waa inay ka diktoonaadaan wixii hurin kara colaad dadka walaalaha ah dhexdooda, oo ay ka shaqeeyaan midnimadooda.

Waxaan uga digeynaa dadka loolanka ugu jira madaxtinimada Galmudug in aysan hurin dabayl colaadeed Gaar ahaan kuwa masuulka ka ahaa dhibkii hore u dhacay waxaan leenahay dadka ka jooga.

 

Waxaan kula talinayaa dadka reer Galmudug inay doortaan dad aan shuqul ku lahayn dhibkii hore u dhacay. Arrintaan cawaaqibkeeda waxaa qaadanaya cidii masuul ka noqota hurinta colaadda. Dadku waa walaalo, wayna kasoo daaleen colaad, Hada waxay ku jiraan xiligii ay kasoo kaban lahaayeen waxii hore u dhacay. Waxaan leeyahay yaan dadka Fidno lagu abuurin oo loo horseedin wax kala geeya oo colaad hurin kara.

Dadku waxay u baahan yihiin Nabad, Horumar Walaaltinimo iyo wax wadaqabsi. Uma bahno Fidno iyo Dagaal Dambe oo Aafeeya Dad iyo Dal .

 

Ugu Dambeyn waxaad aad uga Xumahay Dilka loo geesanayo waxa garadka iyo Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed kaasi oo aan Aaamin sanahay in ay ka dambeeyaan Gacan Shisheeye.

 

Wabilkaahi towfiiq!

 

Wasalaam Alaykum Warahmatu Allahi Wabarakaatuhu

 

H.E. Hussein Mohamed Farah Aideed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this