Sign in to follow this  
Relentless

Somaliland National Radio Station: Has Arrived. Broadcasting Across East Africa.

Recommended Posts

War-laliska idaacadii weynayd oo soo gaadhay Berbera iyo Wasaaradda warfaafinta oo ka hadashay

April 28th, 2012 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-War-laliyihii weynaa ee Idaacada Radio Hargaysa oo awood u leh inuu dalka iyo mandaqadab laga wada dhegaysan karo, ayaa Maanta laga soo dejiyay Marsadda Magaalada Berbera,kaasi oo awoodiisu tahay 100kwt.

 

War-laliyaha Idaacadan oo ku jira laba kontiinar ayaa waxa ka hadlay agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Faysal Cali Sh. Maxamed oo sharaxaad ka bixiyay Idaacadan Cusub ee Radio Hargaysa ayaa sheegay inay ka mid tahay balanqaadyadii xisbiga Kulmiye ku galay Tartankii Ololaha doorashada Madaxtooyada ee ku wajahnaa sidii ay dalka u keeni lahaayeen idaacad weyn oo wadanka guud ahaantii laga dhagaysto iyo dalalka kale ee mandaqada.

 

Agaasimuhu wuxuu ku bogaadiyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ka dhabaynta balan-qaadkaas, taas oo uu tilmaamay inay shuruud u ahayd aqoonsi ay Somaliland ka hesho adduunka.

Agaasimaha Guud waxa uu ummada Somaliland ugu bushaareeyay inay rumowday balan-qaadkaas isla markaana ay heli doonaan wixii war iyo wacyigelin ah ee ay uga oomanaayeen idaacada Radio Hargaysa oo baahinteedu ku sinayd magaalada Hargeysa iyo nawaxigeeda oo kaliya.

 

Agaasimuhu wuxuu intaas ku daray in keenista idaacadan ay u mareen dhamaanba qawaaniinta dalka u dejisan kuna bixiyeen qandaraas, waxaanu carabaabay in laga soo iibiyay idaacadan cusub wadanka Shiinaha.

Faysal Cali Sheekh waxa uu tilmaamay in idaacadan la soo tijaabiyay kuna rajo weyn yihiin inay dalka yimaadaan 18 injineer oo ka socda shirkadii soo samaysay idaacadan.

 

Agaasimaha Guud wuxuu sheegay in war-laliska idaacadan cusub lagu rakibi doono muddo ku siman afartan maalmood gudahood lagu rakibo doono idaacadan.

 

Sidoo kale, Maareeyaha dekeda Berbera Enj. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor) ayaa sheegay inay deked ahaan u fududeeyeen maamulka Wasaarada Warfaafinta sidii ay War-laliyahan cusub u gayn lahaayeen Magaalada Hargaysa, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay inay xukuumadda u rumowdo balan-qaadkeedii la xidhiidhay hirgelinta idaacadda cusub oo uu xusay in goboladda dalku baahi weyn u qabeen.

 

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

After 4 Ministers failed to deliver, Xaabsade has done it. He will be heard from Hargeysa to Hafun, from Borama to Bosasso. I hope he doesn't used to ignite the people of Puntland against Faroole.

Share this post


Link to post
Share on other sites

the scope is large: Ethiopia, Kenya, Djibouti, Somaliland, Somalia and even Yemen. I can be sipping a latte in nairobi getting my shoes polished by morgan while listening to Codka Jamuurida Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this