Sign in to follow this  
Relentless

After 21 Of Civil War The TFG Government Still Does Not Agree On The Draft Somalian Constitution

Recommended Posts

Muqdisho (Ramaas) Apr 26,2012 – Madaxwaynaha dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay dastuurka qabyo qoraalka ah ee loo samaynayo Soomaliya, waxaanu sheegay inay ku jiraan qodobo badan oo aan wanaagsanayn.

 

Dastuurkan Sheekh Shariif naqdiyey oo ah mid muddo dheer qoraalkiisa la waday isla-markaana ay ku baxday lacag badan, ayaa Sheekh Shariif sheegay inay ku jiraan waxyaabo badan oo u baahan in dib loo eego “Waxaan qabbaa in waxyaabo badan oo aan wanaagsanayn ay ku jiraan dastuurka”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Sida dad badan tilmaameen waxa ku jira waxyaabo badan oo an haboonayn oo u baahan in dib loo eego”.

 

 

 

Hadalkan Sheekh Shariif ayaa ka hor imanaya hadal ka soo yeedhay Raysal-wasaare Cabd-weli Maxamed Cali (Gaas), kaasi oo uu ku sheegay in aan loo baahnayn in laga horyimaado dastuurka lana ansixiyo, waxaana muuqanaysa in khilaaf siyaasadeed oo la xidhiidha danaha ay masuuliyiintani leeyihiin uu ka dhex jiro.

 

Dhinaca kale, beesha ********** ayaa maanta sheegay inay kalsoonidii kala noqdeen Raysal-wasaare Cabdi-wali Gaas, iyadda oo la sheegay inay hore uga soo horjeedeen dastuurkan oo uu dabada ka wado Raysal-wasaare Gaas, balse ay ka soo horjeedaan inta badan beel-weynta ******, kuwaasi oo wararka halkaasi ka imanaya ay sheegayaan inay ishubeeyeen oo ay doonayaan inay dagaal la galaan ciidamada dawlada ku meel-gaadhka ah, iyagga oo ka soo horjeeda masuuliyiinta dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya oo la tilmaamay inay u arkaan mid aan wadin danta shacabka Somaliyeed.

 

Sidoo kale, Yuusuf Indho Cadde oo hore uga mid ahaa Islaamiyiinta Somaliya ka dagaalama ayaa isaguna maanta ku dhawaaqay in beesha H oo ka mid ah beelaha ****** dhisanayso Maamul goboleed, kaasi oo lid ku ah xukuumadda Sheekh Shariif gadhwadeenka ka yahay.

 

Sidoo kale, gobolka Hiiraan ayaa la filayaa in loo qaybiyo laba gobol oo kala duwan, iyadda oo ay halkaasi hore uga jireen colaado muddo dheer soo jiitamay.

 

Marka la isku soo xooriyo waxyaabaha ka dhacaya Somaliya, waxa muuqanaysa in Somaliya mar labaad waajahayso colaado sokeeye oo ka baaxad iyo khasaare badan kuwo Al-shabaab ku hayso halkaasi, waxaanad moodaa in Somaliya ay dul taagan tahay daruur colaadeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliya dhibaatadeeda oo dhan wa umad ku doodaya federal ama mamuul beeleysi federal ku dhisan dasturukanina taasu u horseedaya wa dhibaato war Somaliya waba umad yar kheyraadka iyo dhulka dadka yar ba ka badan maxaba keeney federalism iyo mamuul beeleysi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;824152 wrote:
After 21 years of cuqdad-ridden heart, still cuqdad kama bogsoodo in this age and waayo.

 

I bet he had never even seen Soomaaliya, or if he did, waxba kama xasuusto.

Saxib am well travelled alxamdulilah. Been all across Somaliland. in regards to the cuuqdad. Only God knows whats in my heart just because i remember the past doest mean i have cuqdad. The past is history but it still must be remembered and celebrated and protected. The day things will change is the day it comes to its just conclusion until then...the struggle must go on. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this